Turkiga oo isu diyaarinaya inuu dayaxa aado sannadka soo socda

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Anadolu

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Turkiga ayaa dardar gelinaya barnaamijyadiisa hawada sare oo ay ka mid yihiin dayax gacmeed cusub oo isgaarsiineed, dhismaha ka socda xarunta hawada sare ee Soomaaliya, iyo qorshaha howlgalka aaditaanka dayaxa ee sanadka 2027, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan hay'adda hawada sare ee Turkiga (TUA), Turksat, iyo shirkadaha difaaca.

Akhbaartan ayaa timid intii lagu jiray shirkii INSECSPACE 26 ee Ankara, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Turkigu waxa uu qorshaynayaa in ka badan 60 hawlgal oo cilmi baariseed oo uu ku sameeyo dayaxa 10ka sano ee soo socda. Qorshaha waxaa ka mid ah inu ogaado kaahfalka (radiation)qaab dhismeedka dusha sare ee dayaxa, iyo baaritaanka lagu ogaanayo halka ay ka yimaadeen asal ahaan biyaha dusha sare ee dayaxa.

Maamulaha guud ee Turksat Ahmet Hamdi Atalay ayaa sheegay in jiilka xiga ee isgaarsiinta dayax gacmeedka Turksat 7A uu ku dhaw yahay inuu dhameystiro wejiga naqshadeynta, waxaana la filayaa in wax soo saarku uu si dhaqsi ah u bilowdo iyadoo qaybta dayax-gacmeedka gudaha ee Turkiga ay sii wado ballaarinta iyada oo loo marayo dadaal qaran oo loogu talagalay madax-bannaanida tignoolajiyada, sida ay wakaaladdu qortay.

Atalay waxa kale oo uu sheegay in Turksat ay heshiisyo iskaashi la saxiixatay laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo dhinaca dayax-gacmeedka ka shaqeeya isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in dalalka reer galbeedka qaarkood ay si isa soo taraysa uga sii fogaanayaan xukuumadda Beijing, gaar ahaan marka ay timaado dhinaca hawada sare, iyada oo Turkigu sii wado wada shaqaynta uu la leeyahay bahwadaag badan.

Waxa uu intaa ku daray walaaca laga qabo maamulka biraha hawada sare heehaabaya, isaga oo xusay in in ka badan 14,500 oo dayax gacmeed ay si firfircoon uga shaqaynayaan hawada sare, kuwaasoo ay weheliyaan kumanaan dayax-gacmeed oo ah kuwo aan firfircoonayn.

Guddoomiyaha TUA Yusuf Kirac ayaa sheegay in howlgalka dayaxa ee Turkiye uu hadda bartilmaameedsanayo Juun 2027. Hawlgalka ayaa waxaa ku lug lahaan doona qalabka dayax gacmeedyada tuura ee shirkadda SpaceX si uu u gaaro wareegga dhulka, kaasoo ay ku xigto wareega Dayaxa iyada oo la adeegsanayo nidaamka "kicinta isku-dhafka ah ee gudaha" ee ay soo saartay shirkadda Turkish DeltaV.

Kirac ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga ay Soomaaliya ka dhisayaan xarunta hawada sare oo u gaar ah si ay u xaqiijiso qorshaha hawada sare ee muddada dheer loo heli karo si madax bannaan, isagoo xusay in ku oollitaanka ay Soomaaliya ku taallo dhul-baraha uu bixinayo faa'iidooyin juqraafi ah iyo kuwo faa'iido u leh culeysyada ay qaadaan gantaallada.

Waxa uu sheegay in xarunta Soomaaliya ay mar hore soo jiidatay daneeyeyaasha ganacsiga caalamiga ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dalalku ay si madax bannaan u helaan marin ay hawada sare u maraan iyadoo la adeegsanayo kaabayaasha heer qaran.

.

Xigashada Sawirka, Anadolu

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Turkiga ayaa martigelin doona Shirweynaha Caalamiga ah ee hawada sare (IAC) dabayaaqada sanadkan, kaasoo ka dhici doona Antalya. Kirac waxa uu sheegay in dhacdadani ay hore u heshay 8,300 qoraallo tacliimeed iyo kuwo farsamo oo ay ku jiraan in ka badan 1,800 oo laga keenay dalka gudihiisa - marka la barbar dhigo ku dhawaad 60 ilaa 70 soo gudbin oo Turkigu sida caadiga ah sameeyay sanadihii hore.

Ali Yazici, oo ah gudoomiyaha kulanka INSECSPACE 26, ayaa sheegay in iskahorimaadyada caalamiga ah iyo dagaalka internetka ay satalaytka ka dhigayaan mid xasaasi ah oo muhiim u ah hantida nugul ee difaaca qaranka, saadka, iyo isgaarsiinta sugan.

Waxa uu sheegay in khalkhal gelinta silsiladda sahayda, khataraha qashinka hawada sare, Khalkhal gelinta isgaarsiinta hawada sare, iyo welwelka amniga xogta ay saameeyaan waxqabadka, isku hallaynta, adkeysiga, iyo joogtaynta kaabayaasha hawada wuxuuna ku baaqay iskaashi dhinacyo badan leh si loo xoojiyo nidaamka hawada sare ee Turkiga.