Baaxadda saameynta duqeynta Ruushka ka geystay magaalooyinka Ukraine.

dadkii ka bad-baaday
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Tan iyo markii Ruushku uu ku hanjabay in uu kordhin doono weerarrada uu ku hayo caasimadda Kyiv qiyaastii toddobaad ka hor, dadka reer Ukraine way ogaayeen in weerarro weyn ay kusoo socdaan, dad badan ayaana habeenno ku hoyday gabaadyo dhulka hoostiisa ku yaalla.

"Annagu waxaan joognay laba dabaq oo dhulka hoostiisa ah, hase yeeshee weli waxaan dareemaynay oo maqlaynay qaraxyadii waaweynaa ee ka dhacayay dusheena. Kadibna waxaa yimid diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, kuwaas oo laga yaabo inay sideen walxo qarxa oo dheeraad ah ama ay sahaminayeen khasaaraha ay geysteen gantaalladu, markaasna gantaallo kale ayaa xigay", ayuu yiri mid kamid ah dadka reer Kyiv.

Shirkadda tareennada dhulka hoostiisa mara ee Kyiv ayaa sheegtay in in ka badan 41,000 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 4,500 oo carruur ah ay habeenkaas gabaad ka dhigteen saldhigyada tareemada laga raaco, taas oo noqotay tiradii ugu badnayd ee halkaas ku hoyata sannadihii u dambeeyay.

Inkastoo Moscow ay sheegtay in weerarradeedu ay aad uga sii darnaan doonaan kuwii hore, haddana weerarkan wax badan kama duwanayn kuwii Kyiv marar badan hore uga dhacay.

Ruushku wuxuu aalaaba ku andacoodaa in uu beegsanayo bartilmaameedyo goobo milatari, balse dadka rayidka ah ayaa dhibaatada ugu weyn la kulma.

Markii ay dadku ka soo baxeen gabbaadkii ay ku jireen weerarka kadib, qaar badan ayaa la yaabay in ay arkaan xaafadahoodii oo gebi ahaanba isu beddelay dhul banaan oo burbur dhisme daadsan yahay. Daaqado burburay, baabuurro gubtay oo ay ka soo hareen biro qalloocan oo aan la aqoonsan karin ayaa loogu yimid.

Kyiv gudaheeda, ugu yaraan lix qof ayaa habeenkaas ku dhintay, halka dhimasho iyo burbur kala duwan ay ka dhaceen meelo kale oo Ukraine ah oo ay kamid tahay magaalada Dnipro halkaas oo ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyoodayn kadib markii laba dhisme oo la deggan yahay la duqeeyay.

SUUQA KYIV

In ka badan 90 qof ayaa ku dhaawacmay labada magaalo, halka magaalada Kharkiv ee waqooyi-bari dalkaas oo iyadana la beegsaday xarumaha tamarta iyo kaabeyaasha rayidka ay sheegtay dolwaddu in 10 qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhaawacmeen, gobollo kale oo dalka ah ayaa sidoo kale weeraradu gaareyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xaafadda Vynohradar oo caadi ahaan ah xaafad deggan oo ku taalla Kyiv, dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay maqleen ugu yaraan saddex qarax oo aad u xooggan. Qaar ka mid ah deriskooda ayaana waxyeello kasoo gaartay, kuwaas oo isbitaalka loo qaaday iyagoo qaba dhaawacyo halis ah.

Anna waxay ku nooshahay dhisme sagaal dabaq ah oo ku dhow bartii uu ka dhacay mid ka mid ah qaraxyada. Iyadoo ilmeynaysa ayay BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah baabuurta si xun u burburtay uu ahaa gaarigeedii, balse ma aha oo keliya khasaaraha soo gaarey baabuurkeeda waxa qura ee ay ka walwalsan tahay.

"Way dayactiri doonaan dhismaha, balse ma dayactiri doonaan nafahayaga," ayey ku baalanbahay Anna oo intaas ku ndartay in "Ukraine oo dhan murugo dul hoganeyso", iyadoo is weydiisey waxa ay ku mutaysteen masiibada in badan oo ka mid ah ku reebtay uur-ku-taallada.

Weerarka kadib waxaa bilaabmay dadaal ballaaran oo lagu nadiifinayo burburka laguna caawinayo dadka ka badbaaday duqeynta.

Dibadda guriga Anna, kooxaha gargaarka degdega waxay hubinayeen in qof walba jir ahaan bedqabo, halka dhaqaatiirta cilmi-nafsiga ku xeel-dheer ay la hadlayeen dadka argagaxa iyo naxdinta qaaday oo qaarkood.

Booliisku waxay dadka ka fogaynayeen dhismayaasha dhaadheer maadaama jajabka muraayadeed ay weli ka soo daadanayeen daaqadaha burburay.

Meel halkaas aan ka dheereyn, dhallinyarada xaafadda ayaa ku biiray shaqaalaha degmada si ay gurmad ugu fidiyaan xarun carruurtu ku ciyaarto oo burburtay. Geesta kale meel u dhow guriga Anna, laba carruur ah ayaa ku ciyaarayay leexo halkaas ka lulatay, iyagoo indhon dhiillo leh ku eegaya mashquulka ka jira xaafaddooda.

Meel ka sii fogna, shaqaalaha waddooyinka ayaa dhigayay laami cusub, basaskuna way shaqaynayeen sidii iyadoo aanay jirin wax dareen leh oo ka dhacay magaaladooda.

Tanina waa habka Kyiv ay ula tacaasho dagaalka: si kasta oo loo garaaco, magaaladu durba waxay dib ugu noqotaa sideedi hore, dadkuna waxay sii wataan hawlahooda iyo nolol-maalmeedkooda caadiga ah.