Afar xaaladood oo suurtagal ah oo go'aamin kara mustaqbalka doorashada Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo tirinta codadka doorashada guud ee Israa'iil ay weli socoto, waxaa muuqata in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu natiijo ka wanaagsan ka helay sidii la filayay.
Inkasta oo labada musharrax ee ugu waaweyn, Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, aysan weli gaarin aqlabiyadda kuraasta ee looga baahan yahay inay baarlamaanka gacanta ku dhigaan, haddana labaduba waxay sheegeen inay isku dayi doonaan dhismaha dowlad cusub, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.
Wax yar ka hor, sahannadii doorashada kaddib la sameeyay ayaa muujiyay in isbahaysiga Netanyahu iyo kan mucaaradka ee uu hoggaamiyo Eisenkot ay si isku dhow u tartamayaan.
Ilaa hadda, labada isbahaysi midkoodna ma helin 61-ka kursi ee loo baahan yahay si uu dowlad u soo dhiso.
Dhanka kale, xisbiyada Carabta ee Israa'iil ayaa doorashada ka sameeyay natiijo wanaagsan, iyadoo natiijooyiinka muujinayaan inay heli karaan guud ahaan 17 ama 18 kursi.
Waxaa jira afar xaaladood oo suurtagal ah inay wax ku dambeeyaan:

Xigashada Sawirka, Reuters
1. Dhismaha isbahaysi dowladeed
Xisbiyada ayaa isla markiiba bilaabi kara wadahadallo lagu doonayo in lagu helo aqlabiyadda 61 kursi, balse weli ma cadda sida ay ku suurageli karto.
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, ayaa hawsha dhismaha dowladda u xilsaari doona musharraxa uu u arko inuu fursadda ugu wanaagsan u haysto inuu dowlad soo dhiso.
Hase yeeshee, qofka loo xilsaaraa khasab ma aha inuu ka tirsanaado xisbiga helay kuraasta ugu badan.
Xisbiyada Carabta ee Israa'iil, gaar ahaan xisbiga Ra'am, ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan isbahaysiga Eisenkot. Balse isbahaysigaasi wuu ka durkay xisbiyadaas, isaga oo ololihii doorashada u arkayay in taageeradoodu ay daciifin karto mowqifkiisa.
Dhanka kale, isbahaysiga Netanyahu ma laha waddo cad oo uu ku kordhin karo kuraastiisa, gaar ahaan kaddib markii qaar ka mid ah xisbiyada yaryar ee garabka midig ay ku guuldarreysteen inay helaan tirada codadka looga baahan yahay inay baarlamaanka galaan.
Wadahadallada dhismaha isbahaysigu waxay noqon karaan kuwo adag, maadaama xisbiyadu ku adkaysan karaan danahooda gaarka ah. Taasi waxay keeni kartaa in la dhiso dowlad aan xasilloonayn.
2. Dowlad aan haysan aqlabiyad buuxda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii aanu jirin xisbi ama isbahaysi hela 61 kursi, musharrax ayaa isku dayi kara inuu dhiso dowlad aan haysan aqlabiyad buuxda, isaga oo ku tiirsanaanaya taageero ku-meel-gaar ah oo uu ka helo xildhibaanno kale si uu go'aannadiisa u meel mariyo.
Xaaladdan, xisbiyada Carabta ee Israa'iil, oo ka dhigan qiyaastii 20% dadka dalka, ayaa door muhiim ah yeelan kara.
Xisbiga Ra'am ee uu hoggaamiyo Mansour Abbas ayaa hore door muhiim ah uga ciyaaray siyaasadda dalka.
Wuxuu noqday xisbigii ugu horreeyay ee Carab ah oo ka qayb qaata dowlad Israa'iil, markii uu ku biiray isbahaysigii muddada gaabnaa ee uu hoggaaminayay Naftali Bennett iyo Yair Lapid intii u dhexeysay 2021-kii iyo 2022-kii.
Falanqeeyaha siyaasadda Tal Elwitz ayaa sheegay in tirada badan ee Carabta ee ka qayb gashay doorashadan ay "muujinayso rabitaan xooggan oo ay u qabaan inay qayb ka noqdaan talada dalka".
Gadi Eisenkot ayaan weli si cad u soo hadal qaadin suurtagalnimada inuu dhiso dowlad aan aqlabiyad haysan oo taageero ka hesha xisbiyada Carabta.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa marar badan intii lagu jiray ololaha doorashada uga digay codbixiyeyaasha Yuhuudda in codka ay siiyaan mucaaradku uu horseedi karo in Carabtu ka mid noqdaan dowladda.
3. Dowlad midnimo qaran
Marka la eego kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Israa'iil, suurtagalnimada in la dhiso dowlad midnimo qaran ayaa u muuqata mid yar.
Hase yeeshee, aragti ahaan, dowlad noocaas ah waxay horseedi kartaa maamul aan lahayn mowqifyo aad u xagjir ah.
Falanqeeyayaasha Israa'iil ayaa marar badan ka hadlay suurtagalnimada dowlad midnimo qaran, taas oo Netanyahu uu uga tagi lahaa xulafadiisa midigta fog iyo xisbiyada Yuhuudda ee diinta ku dhisan, si uu ula midoobo Eisenkot.
Labada hoggaamiye ayaa aragtiyo isku dhow ka qaba arrimo badan oo la xiriira amniga.
Sahan la daabacay 16-kii Oktoobar ayaa muujiyay in haddii doorashadu keento inaan xisbi helin aqlabiyad cad, 55% dadka Israa'iil ay doorbidi lahaayeen in la dhiso dowlad midnimo qaran halkii doorasho kale la qaban lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, dhismaha dowlad noocaas ah xaaladda hadda jirta wuxuu wajihi karaa mucaaradad xooggan oo labada dhinac ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Ismari-waa siyaasadeed iyo doorasho cusub
Haddii aanu musharraxiinta midkoodna ku guulaysan dhismaha dowlad, Israa'iil waxaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay doorasho kale qabato.
Dalku wuxuu afar doorasho qabtay intii u dhexeysay Abriil 2019-kii iyo Maarso 2021-kii, kaddib markii siyaasiyiintu ku guuldarreysteen inay dhisaan isbahaysi dowladeed oo xasilloon.
Musharraxa uu madaxweynuhu u xilsaaraa dhismaha dowladda ayaa caadi ahaan haysta 28 maalmood si uu isbahaysi u soo dhiso.
Muddadaas waxaa loo kordhin karaa 14 maalmood oo kale. Waxaa sidoo kale jira habab kale oo sharci iyo nidaam ah oo lagu baajin karo in doorasho cusub si degdeg ah loo qabto.
























