Bukaano silsilado lagu xiray oo laga soo badbaadiyay goob dhaqan celin oo sharci darro looga shakisan yahay

Xigashada Sawirka, Department of social development
Wadaad iyo xaaskiisa ayaa lagu xiray dalka Koonfur Afrika, ka dib markii 200 oo qof — oo qaarkood silsilado ku xirnaayeen — laga helay xarun dhaqan-celin ah oo looga shakisan yahay inay si sharci-darro ah u shaqaynaysay, taas oo ku taal waqooyi-bari ee dalka.
Goobtan, oo laga maamuli jiray kaniisad ku taal gobolka Mpumalanga, ayaa la ogaaday intii lagu guda jiray hawlgal ay sameeyeen mas'uuliyiinta deegaankaas maalintii Khamiista.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen inay la kulmeen "xaalado aad u xun oo ka baxsan bini'aadamnimada" markii ay galeen xarunta; iyagoo arkay dad qaba "boogo jirkooda oo dhan ah", halka "kuwo kalena ay silsilado isugu xirnaayeen".
Booliska ayaa dacwad la xiriirta afduub ku oogay lamaanahan maamulayay xarunta, waxaana laga yaabaa in lagu soo oogo dacwado kale. Ilaa hadda wax hadal ah kama aysan soo saarin arrintan.
Xarumaha dhaqan-celinta ee sharci-darrada ah ayaa si xowli ah ugu soo badanayay Koonfur Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo ay sii kordhayso isticmaalka maandooriyayaasha ee dalkaas.
Sannadkii hore, Waaxda Horumarinta Bulshada ayaa shaacisay inay heshay in ka badan 100 xarumood oo si sharci-darro ah uga shaqaynayay dalka oo dhan, kuwaas oo badankoodu ku yaallay gobolka Gauteng — oo ah halka ay ku taal magaalada ugu weyn dalka, Johannesburg.
Gabar 16 jir ah iyo wiil 11 jir ah ayaa laga dhex helay xarunta Mpumalanga, iyagoo lagu hayay qol ay ku wada jireen dad waaweyn.
Lamaanaha goobta maamulayay ayaa mas'uuliyiinta u sheegay inay hayaan 60 qof, balse markii baaritaan la sameeyay, waxaa la helay dad tiradoodu saddex jeer ka badan tahay intaas, kuwaas oo ay ku jiraan in ka badan 30 dumar ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadkan, oo intooda badan loo malaynayo inay yihiin dadka daroogada isticmaala, ayaa laga helay qolal ciriiri ah, iyadoo aysan jirin musqulo shaqeynaya ama biyo socda.
"Qaarkood waxay xaruntan sharci-darrada ah ku sugnaayeen muddo," ayay tiri waaxda arrintan ka hadashay.
Gift Skhosana, oo ka mid ahaa dadkii xaruntaas ku jiray, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Newzroom Afrika in dadka la daweynayo lagu xiri jiray silsilado, taas oo uu ku tilmaamay "wax caadi ah."
"Waxay nagu xiraan silsilado si ay noogu ciqaabaan, sidoo kale marka aad soo geleyso xarunta," ayuu yiri.
Inkastoo ay sidaas tahay, Skhosana oo hore u isticmaali jiray daroogada, ayaa sheegay in xaruntu ay ka caawisay inuu iska joojiyo daroogada oo uu ka gudbo balwaddaas.
Qof kale, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in waayo-aragnimadii uu xaruntaas ku maray ay sababtay inuu hadda u baahdo daryeel dhanka dhimirka ah.
Lamaanahan ayaa dadka la hayo ka qaadi jiray lacag bille ah oo dhan 3,000 oo Rand ah ($182), taas oo ku dhawaad kala bar ay u gudbin jireen kaniisad.
Booliisku waxay sheegeen in afar iyo toban ka mid ah dadkii laga helay xarunta loo qaaday isbitaal, si ay u helaan daaweyn caafimaad oo dheeraad ah.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in 132 qof dib loogu celiyay qoysaskooda.
Lamaanaha ayaa la filayaa inay Isniinta ka soo muuqdaan maxkamad maxalli ah.



























