Mamnuucidda xijaabka dugsiyada oo dhalisay dibadbaxyo dhif ah oo ka dhacay Azerbaijan iyo muran soo kala dhex galay dalkaas iyo Turkiga

Turkiga
Qoraalka sawirka, Gabdhahan ardayda ah looma oggolaan inay galaan fasallada dugsiga sababo la xiriira xijaabka ay xirnaayeen
    • Author, Rayhan Demytrie
    • Role, Caucasus correspondent
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

"Waxaad ii sheegaysaa inaanan imaan karin dugsiga?" ayay tiri gabar dhallinyaro ah oo xiran xijaab buluug madow ah, sida lagu arkay muuqaal ay si adag ugu doodayso xubin ka tirsan shaqaalaha albaabka dugsigeeda.

Muuqaalkaas ayaa si ballaaran loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana lagu arkayaa koox gabdho ah oo xijaaban oo gadaasheeda taagan, kuwaas oo sacbinaya iyadoo hadalkeeda sii wadata:

"Maxaan diintayda uga tanaasulayaa?"

Isniintii la soo dhaafay, Wasaaradda Waxbarashada ee Azerbaijan ayaa billowday hirgelinta xeerar cusub oo ku saabsan labiska dugsiyada, iyadoo gabdhaha ardayda ah ee xiran xijaabka loo diiday inay galaan dugsiyada.

Tani waxay dhalisay dibadbaxyo ka dhacay bannaanka dugsiyada dowladda ee ku yaalla caasimadda Baku, iyo sidoo kale degmooyinka koonfureed qaarkood oo ay ka mid yihiin Masally iyo Jalilabad.

Dibadbaxyadu waa kuwo aan si weyn looga baran dalkaas soo saara saliidda iyo gaaska, kaas oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 10.5 milyan oo qof.

Azerbaijan waa dal dastuur ahaan cilmaani ah, dowladda ayaana si adag u dhaqan gelisa mabda'aas.

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa xilka hayay tan iyo sannadkii 2003, waxaana lagu tilmaamaa inuu dulqaad yar u leeyahay mucaaradka iyo aragtiyada ka soo horjeeda dowladda. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo saxafiyiin badan oo madax-bannaan ayaa ku xiran xabsiyada dalka.

Azerbaijan waxay ku taallaa meel ay saameyn ku leeyihiin laba dal oo deris ah, kuwaas oo kala ah Turkey iyo Iran. Dadka Azerbaijan waxay ka tirsan yihiin qowmiyadaha Turkiga, waxayna ku hadlaan luqad aad ugu dhow Turkiga, halka Turkey ay tahay xulufada ugu dhow ee dalkaas.

Hase yeeshee, sida Iran oo ku taalla koonfurta, dadka Azerbaijan badankoodu waa Muslimiin Shiico ah. In ka badan 60% dadka dalkaasi waxay isu aqoonsadaan Shiico, halka inta badan dadka Turkigu ay yihiin Sunni.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay Isniintii xirtay 37 qof oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay hor istaagaan hirgelinta xeerarka cusub ee lebiska dugsiyada isla markaana ay si weyn u jebiyeen nidaamka guud iyo kala dambeynta bulshada.

Turkiga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xeerarkan, oo la ansixiyay 21-kii Sebtembar, waxay mamnuucayaan dharka ka hor imanaya "mabda'a cilmaaniyadda ee waxbarashada" gudaha dugsiyada dawladda. Si kastaba ha ahaatee, xeerarku si toos ah uma xusaan xijaabka. Tilmaamo la mid ah ayaa sidoo kale lagu dabaqay macallimiinta 6-dii Oktoobar.

Mid ka mid ah muuqaallada la faafiyay, arday ka tirsan Dugsiga Lambarka 69 ee deegaanka Balakhany, oo ku yaalla duleedka Baku, ayaa sita boorar ay ku qoran tahay:

"Xijaabku kama hor istaago qofna inuu wax barto."

Shahiza Huseynova, oo ah hooyo ka qayb qaadanaysay dibadbax ka dhacay bannaanka dugsi ku yaal degmada Mashtaga ee caasimadda, ayaa la xiray Talaadadii.

Wareysi uu siiyay Meydan TV, oo ah warbaahin madax-bannaan oo afka Azeri-ga ku baahisa kana hawlgasha Jarmalka, seygeeda Agha Huseynov ayaa sheegay in xaaskiisa loo gudbiyay digniin ah:

"Ama waxaad ka siibaysaa xijaabka gabadhaada oo waxaad u diraysaa dugsiga, ama xabsi ayaad galaysaa."

Turkiga
Qoraalka sawirka, Tusaale ay soo bandhigtay dowladda Azerbaijan oo ku saabsan dareeska dugsiga ee la aqbali karo marka loo eego xeerarka cusub

Saaxiibbada Ilkin Huseynov, oo ah u dhaqdhaqaaqe bulshada ah, ayaa sidoo kale waayay xiriirkii ay la lahaayeen. Huseynov ayaa Talaadadii bilaabay madal internetka ah oo la yiraahdo "Let Leyli Go to School" (Leyli Ha Aaddo Dugsiga).

Madashan waxay bixisaa casharro bilaash ah oo ay dhigayaan macallimiin iskaa wax u qabso ah, kuwaas oo loogu talagalay ardayda laga hor istaagay inay galaan fasallada dugsiyada.

Sida uu sheegay mid ka mid ah saaxiibbadiis, Huseynov wuxuu gurigiisa ku yaal magaalada Baku ka baxay qiyaastii 4:00 galabnimo Arbacadii isaga oo la socday rag aan la aqoonsan, waxaana tan iyo markaas dansan taleefankiisa.

Mas'uuliyiintu wax faallo ah kama bixin arrintan, balse saaxiibbadiis waxay aaminsan yihiin in la xiray.

Khamiistii, bogga Instagram-ka ee madasha "Let Leyli Go to School" lama geli karin.

Tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada, isticmaaleyaal badan ayaa sheegay inay dhibaato kala kulmeen gelitaanka Instagram iyo TikTok iyagoon adeegsanayn VPN (Shabakad Gaar Ah oo Qarsoon).

Inta badan dibadbaxyada ayaa ka dhacay xaafado diinta si weyn loogu dhaqmo oo ku yaalla daafaha magaalada Baku, iyo sidoo kale degmooyinka koonfureed ee u dhow xadka 765 kiiloomitir ee ay Azerbaijan la wadaagto Iran.

Mas'uuliyiinta Azerbaijan ayaa muddo dheer ka taxaddarayay saameynta diimeed ee ka iman karta Iran, halkaas oo ay ku nool yihiin dad asal ahaan Azerbaijaani ah oo ka badan tirada ku nool Azerbaijan lafteeda.

Habeenkii 13-kii Oktoobar, Azerbaijan State Service for Special Communications and Information Security ayaa sheegtay in "koox jabsadayaal shisheeye ah" ay weerar ku qaadeen in ka badan 100 bog oo internet oo dowladeed.

Koox isu taqaan 313 Team (Cyber Islamic Resistance), oo taageersan Iran, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.

Mas'uuliyiinta Azerbaijan ayaa difaacay xeerarka cusub ee labiska dugsiyada. Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka, Nigar Arpadarai, ayaa u sheegtay mareegta 1news.az in carruurtu aysan iyagu dooran inay xirtaan xijaabka, balse ay saameyn ku leeyihiin qoysaskooda.

Waxay tiri: "Ilmuhu xor uma aha inuu doorto diin. Doorashadaas waa go'aan miyir leh oo ay qaataan dadka waaweyn."

Murankan ayaa hadda u gudbay Turkey, oo ah saaxiibka iyo xulafada ugu dhow ee Azerbaijan. Turkey waxay taageero muhiim ah siisay Azerbaijan intii lagu jiray dagaalkii sannadkii 2020 ee ay la gashay Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Labada dal ayaa inta badan isku tilmaama inay yihiin "hal qaran, laba dowladood."

Madaxweynaha Turkey, Recep Tayyip Erdoğan, oo ah Muslim si weyn ugu dhaqma diintiisa, ayaa hore uga hadlay hamigiisa ah in la abuuro "jiil diintiisa ku adag."

La-taliyihiisa sare, Oktay Saral, ayaa xayiraadaha Azerbaijan ee xijaabka ku tilmaamay kuwo "aan la aqbali karin", wuxuuna ugu baaqay Baku inay "ka noqdaan qaladkan."

Qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter hore) ayuu ku yiri:

"Xijaabku ma aha caqabad; waa waajib uu qofku diintiisu farayso!"

Xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkey, AK Party, ayaa sidoo kale taageeray aragtidan.

Dibadbaxyo yaryar ayaa lagu qabtay bannaanka safaaradda Azerbaijan ee magaalada Ankara, kuwaas oo ay abaabuleen ururka Islaamiga ah ee Köklü Değişim, oo lala xiriiriyo Hizb ut-Tahrir. Sidoo kale, dibadbax kale ayaa lagu qabtay bannaanka qunsuliyadda Azerbaijan ee Istanbul, waxaana abaabulay ururka Islaamiga ah ee muxaafidka ah ee Özgür-Der.

Dhanka kale, xisbiga talada haya ee Azerbaijan, New Azerbaijan Party, ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiinta Turkiga inay wadaan olole warbaahineed oo "sumcad dil ah" iyo eedeymo aan sal lahayn. Waxa uu sidoo kale ka digay in hadallada Oktay Saral ay dhaawici karaan xiriirka labada dal, isagoo ku baaqay in aan lagu faragelin arrimaha gudaha ee Azerbaijan.

Horaantii bishan, Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa sheegay in aanu jirin qof ay tahay inuu "sankiisa soo geliyo hab-nololeedkeenna."

Murankan gadaashiisa waxaa sidoo kale yaal qodob kale oo khilaaf dhalin kara. Dibadbaxayaasha Turkiga qaarkood ayaa sheegay in xeerarka xijaabka ay la xiriiraan xiriirka dhow ee Azerbaijan la leedahay Israel, oo Azerbaijan ka iibisa hub isla markaana ka iibsata saliid.

Xiriirka u dhexeeya Turkey iyo Israa'iil ayaa aad u xumaaday sababo la xiriira dagaalka Qaza, hase yeeshee Azerbaijan waxay isku dayday inay xiriir wanaagsan la sii yeelato labada dalba.

Taasina ma aha hawl sahlan. Khamiistii, markii Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, uu khudbad ka jeedinayay shir amni oo gobolka looga hadlayay oo lagu qabtay magaalada Baku, wufuud ka socotay Turkiga, Iran iyo dalal kale ayaa ka baxay hoolka shirka.