Sidee maxkamad ku taalla Gaalkacyo u xallisay kiiska wiil lagu muransanaa aabaha dhalay, maxaase DNA loo qaadi waayey

Xigashada Sawirka, Social media
Maxkamad ku taal Soomaaliya ayaa xukun ku riday mid ka mid ah laba nin oo labaduba sheeganayay inay aabbe u yihiin wiil 16 jir ah. Arrintan ayaa ahayd muran muddo dheer soo jiitamayay oo la xiriiray rabshado dhimasho sababay.
Sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah, toddoba qof ayaa la dilay, 21 kalena way ku dhaawacmeen rabshado ka dhashay muranka u dhexeeyay labada qoys.
Go'aankan waxaa Talaadadii magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay guddi ka kooban saddex culimo Islaam ah, kuwaas oo ay soo magacaabeen maamulka Puntland.
Garsoorayaashu waxay xukumeen in Liibaan Tahliil Xaaji Aadan uu yahay aabaha wiilka, iyagoo diiday sheegashada Faarax Cawaale Cali, kaas oo sheegay inuu wiilka korinayay muddo 13 sano ah.
Labada ninba waxay sheegeen inay aqbaleen go'aankaas.
Kiiskan, oo si weyn looga hadal hayay Soomaaliya, ayaa diiradda saarayay marag furka hooyada wiilka, Xaliimo Yuusuf Maxamed, iyo xaaladihii ku hareeraysnaa guurkeedii ay la yeelatay labada nin.
Intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda oo socday saddex maalmood, Xaliimo waxay maxkamadda u sheegtay inay guursatay Liibaan bishii Luulyo ee sannadkii 2006-dii, ka hor intii aysan kala tagin afar sano ka dib.
Waxay sheegtay in markii dambe ay guursatay Faarax bishii Oktoobar ee sannadkii 2010-kii, isla markaana guurkoodu uu soo dhammaaday sannadkii 2013-kii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaliimo waxay ku adkeysatay in Liibaan uu yahay aabaha wiilkeeda, aysanna wax carruur ah u dhalin Faarax.
Labo markhaati ayaa sidoo kale marag furay inay goob joog ka ahaayeen guurkeedii ay la yeelatay Liibaan sannadkii 2006-dii.
Liibaan ayaa garsoorayaasha u sheegay in Xaliimo ay u sheegtay inay uur leedahay xilligii ay kala tagayeen bishii Luulyo ee sannadkii 2010-kii.
Wiilka ayaa maxkamadda laga wareystay iyadoo la adeegsanayo xiriirka muuqaalka ah (video link), wuxuuna sheegay inuu yahay wiilka Liibaan.
Markii ay xukunka ridayeen, garsoorayaashu waxay tixraaceen hadallada markhaatiyaasha, marag-furka hooyada, iyo hadalka wiilka, iyo sidoo kale qoraallada sharciga Islaamka ee ku saabsan xaqiijinta abtirsiinta aabaha.
Go'aanka maxkamaddu kuma xusin wax caddayn ah oo ku saabsan baaritaanka hidde-sidayaasha (DNA). Haddaba maxay tahay sababta aan loo isticmaalin DNA ayadoo la heli karay si ay u fududaato in labada nin la kala saaro? Maxamuud Sicii doo ah guddoomiyaha qareennada Puntland ayaa BBC arrintaas uga warramay.
"DNA wuxuu ka mid yahay siyaabaha wax lagu xaqiijiyo, laakinse haddii qaabab kale oo ay wax ku cadaanayaan oo 100% lagu go'aan qaadan karo la helo waajib ma aha in DNA la isla aado, Geeddi socodkii hore ee kiisku uu soo maray waxaad ka garan kartaa in ayadoo aan DNA la isla aadin laga qancay".
Maxamuud Siciid wuxuu intaa ku daray "Shareecada Islaamku weligeed way jirtay, ilmo la isku qabtana ilmahan uguma horreyn, dadkana waa la kala saarayey".
'Waxaan koriyay muddo 13 sano ah'
Isagoo ka hadlayay xukunka ka dib, Faarax wuxuu sheegay inuu ixtiraamayo go'aanka garsoorayaasha, balse wuxuu isweydiiyay waxa ku dhici doona lacagtii uu ku bixiyay korinta wiilka.
Wuxuu sheegay inuu wiilka daryeelayay muddo 13 sano ah, wuxuuna ka codsaday culimada diinta iyo mas'uuliyiinta dowladda inay tixgeliyaan taageerada dhaqaale ee uu bixiyay muddadaas.
Go'aanka maxkamaddu kama hadlin in Mr. Farah uu xaq u leeyahay in lacagtiisa loo soo celiyo, iyo weliba qaabka loo maareyn doono daryeelka mustaqbalka ee wiilka.
Dhanka kale, Mr. Liibaan ayaa u mahadceliyey culimada, mas'uuliyiinta amniga, iyo ehelada garab istaagay intii uu khilaafku socday.
Wuxuu sidoo kale ammaanay Ms. Halimo iyo qoyskeeda, isagoo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay dacwaddu socotay.
"Maanta qof walba waan cafinayaa" ayuu yiri, isagoo si gaar ah u xusay magaca Mr. Faarax, kuna baaqay in la soo afjaro xiisadda u dhaxaysa qoysaska.
Khilaafka ku saabsan aabanimada wiilka ayaa hore loogu xiriiriyay rabshado ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo colaado qabiil ay marar badan sababeen dilal.
Bishii Febraayo 2024, Liibaan walaalkii oo ahaa ganacsade lagu magacaabo Axmed Tahliil Xaaji Aadan, ayaa waxaa goobtiisa ganacsi ku dilay rag hubeysan.
Waqtigaas, guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa u sheegay BBC-da in dilkaasi uu xiriir la lahaa khilaafka ku saabsan aabanimada wiilka.
Wuxuu sheegay in ragga hubeysan ay markii hore isku dayeen inay afduubtaan ganacsadaha, ka hor inta aysan dilin.
Axmed wuxu ifka kaga tagay xaas iyo 12 carruur ah.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo werisay in guud ahaan toddobo qof lagu dilay, 21 kalena ay ku dhaawacmeen rabshado la xiriira khilaafkan. BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin tirada guud ee dadka waxyeelladu soo gaartay.
Isagoo ka hadlayay go'aankii maxkamadda ee Talaadadii, Liibaan ayaa ugu baaqay dadka inay caawiyaan kuwa ay dhibaatadu saameysay.
"Dad ayaa dhintay. Dad ayaa dhaawacmay. Waxaa jira carruur agoomo ah" ayuu yiri, isagoo ballanqaaday inuu taageero siin doono qoysaska ay dadka ka dhinteen iyo dadka dhaawacmay.
Garsoorayaasha ayaa labada qoysba ugu baaqay inay ixtiraamaan go'aanka maxkamadda, kana fogaadaan rabshado dambe.
Inkastoo maxkamaddu ay xallisay su'aasha ku saabsan aabanimada wiilka, haddana kama aysan hadlin cidda mas'uulka ka ah dilalka dhacay, iyo weliba dalabka lacageed ee uu soo jeediyay Faarax.


























