Ma dhici doontaa in bini'aadamku ay carruur ku dhalaan hawada sare?

UUur ku jir

Xigashada Sawirka, rbkomar / SCIEPRO/SCIENCE PHOTO LIBRARY via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Kooxda sahminta hawada sare waxay samaynaysaa ballanqaadyo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka nolosha bini'aadamka ee ka baxsan Dhulka.

Bishii May, NASA waxay soo bandhigtay faahfaahinta barnaamij qiimihiisu yahay 20 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo saldhig joogto ah oo Dayaxa ku yaalla, kaas oo ku shaqayn doona tamarta nukliyeerka iyo tamarta qorraxda.

Sannadka 2032, hay'adda hawada sare ee Maraykanku waxay doonaysaa in bini'aadamku awoodaan inay ku noolaadaan Dayaxa deegaanno "nus-joogto ah".

NASA sidoo kale waxay qorshaynaysaa inay markii ugu horraysay dad u dirto Meeraha Mars, safar ay sheegtay inuu qaadan doono qiyaastii toddoba ilaa toban bilood.

Laakiin haddii aan doonayno inaan muddo dheer ku noolaano meel ka baxsan Dhulka, waa inaan sidoo kale awood u yeelannaa taran halkaas ka dhacda, taas oo ka dhigan in la helo hab aan ula qabsan karno xaalado cusub oo aan la aqoon.

Si ka duwan dhulka oo ay ilaaliyaan goob birlabeed iyo jawi cufan, dusha meerayaasha sida Dayaxa iyo Mars waxay la kulmaan heerar sare oo shucaac kosmiik ah. Maadaama Dayaxa iyo Mars ay ka yar yihiin Dhulka, cuf-jiidadka halkaas ka jira sidoo kale aad buu u daciifsan yahay.

Waxaa kale oo jira caqabadda gaadhista meerayaashaas, maadaama safarrada dheer ee hawada sare ay saamayn ku yeelan karaan jirka bini'aadamka iyo awooddiisa taran, taas oo aan weli si buuxda loo fahmin.

Inkasta oo uur ku samaysanka meerayaal kale ama xitaa hawada sare uu u ekaan karo sheekooyin saynis mala-awaal ah, haddana saynisyahanno badan ayaa bilaabay inay arrintan si dhab ah u daraaseeyaan.

NASA

Xigashada Sawirka, NASA

Laga bilaabo sheekooyinka sayniska mala-awaalka ilaa cilmi-baaris dhab ah

Dr. Nicole McPherson waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Adelaide ee Australia, waxayna hoggaamisaa kooxda Cilmi-nafsiga Shahwada iyo Uurjiifka ee Xarunta Freemasons ee Caafimaadka iyo Fayo-qabka Ragga.

McPherson waxay ka heshay fikradda taranka hawada sare kadib markii ay daawatay dukumeenti ku saabsan hawada sare, waxay tiri:

"Wax yar oo u bilaabmay mashruuc madadaalo ah oo ka yimid dunida sayniska mala-awaalka… hadda wuxuu isu beddelay cilmi-baaris weyn".

McPherson iyo koox cilmi-baarayaal ah ayaa cabbiray awoodda shahwadu ugu dhex socon karto marin u eg habka taranka iyadoo lagu tijaabinayo xaaladaha cuf-jiidad yari (microgravity) ee hawada sare.

Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in shahwo qaarkeed ay dhab ahaan ka leexdeen jihada, iyadoo 50% ka yar shahwadii gaadhay dhammaadka marinka marka loo barbar dhigo kooxda lagu tijaabiyay cuf-jiidadka caadiga ah.

Shucaaca oo ah caqabadda labaad ee ugu weyn

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la ogyahay in shucaacu dhaawaco unugyada taranka, kuwaas oo ah unugyada isu beddela shahwo ragga iyo ugxan dumarka.

magnetka dhulka ayaa bini adaamka ka ilaalisa noocyada ugu waxyeellada badan ee shucaaca hawada sare, laakiin marka laga baxo dhulka oo ay ku jirto Mars, xaaladdu aad bay isu beddeleysaa.

Dr. Abdurrahman Engin, oo ku takhasusay caafimaadka duulista iyo hawada sare ee Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Turkiga, wuxuu sheegay in shucaaca kosmiik ee galaktikada uu ka dhasho dhacdooyin waaweyn oo koonka ah sida qaraxyada xiddigaha.

Qaraxyadani waxay sii daayaan walxo awood u leh inay dhex maraan gaashaanka dayax-gacmeedyada isla markaana si qoto dheer ugu gudbaan unugyada jirka bini'aadamka, heerar ka sarreeya kuwa aan ku la kulanno Dhulka.

Engin wuxuu sameeyay daraasad si uu uga jawaabo su'aal kala duwan, haddii uur ku yimaado safar mustaqbalka ah oo loo baxayo Mars, shucaaca kosmiik ma ka badnaan karaa inta uurku uu ku bad-qabi karo dhulka?

Inta lagu jiro safarka Dhulka ilaa Mars oo qaata qiyaastii lix bilood, haweeney uur leh oo cirbixiyeen ah waxay la kulmi kartaa shucaac, taas oo keeneysa in ay dhicisto.

Tani aad bay uga badan tahay xadka lagu taliyey ee shucaaca xilliga uurka, kaas oo Golaha Qaranka ee Maraykanka ee Ilaalinta iyo Cabbirka Shucaaca uu ku dejiyay shan millisievert.

Heerkan sare ee shucaacu wuxuu khatar weyn gelin karaa ilmaha uurka ku jira xaaladdiisa, maadaama uu dhaawici karo DNA-da. Engin wuxuu yiri:

"Kala qaybsanaanta degdegga ah ee unugyada iyo samaysanka xubnaha marxaladaha hore waxay ka dhigan tahay in xitaa carqalad yar oo ku timaadda qaab-dhismeedka DNA-da, hagaajinteeda ama koritaanka unugyada ay sababi karto cawaaqib".

Khatarahaas waxaa ka mid ah dhicis, koritaan gaabis ah, cillado dhalasho, dhaawacyo neerfaha ah, iyo sidoo kale kordhinta khatarta kansarka inta uu ilmuhu nool yahay.

Casharrada Bayoolajiga: Maxay tani muhiim u tahay?

Wareegga dhulka

Xigashada Sawirka, DrPixel via Getty Images

Haddii bini'aadamku awood u leeyihiin taranka hawada sare waa arrin aasaasi u ah marka laga fikirayo sii jiritaanka nolosha ka baxsan Dhulka.

Laakiin sidoo kale waxay ku saabsan tahay ilaalinta cirbixiyeennada, sida uu sheegay Jan Bernd Stokkenborg oo ah borofisar cilmiga unugyada iyo hidde-sideyaasha ka dhiga Jaamacadda Uppsala ee Sweden.

Wuxuu sheegay in xitaa haddii aan wali taran lagu samayn hawada sare, cirbixiyeennada iyo unugyadooda taranka ay durba la kulmayaan xaaladahaan.

Cilmi-baarista saamaynta shucaaca ku leeyahay unugyadaas waxay gacan ka geysan kartaa samaynta habab lagu ilaaliyo, mar uu sharaxayey waxa uu yiri "Haddii dhibaato ku dhacdo unug maqaarka ah safarka hawada sare awgiis, unuggaasi wuu dhimanayaa marka adiguna dhimato."

Laakiin dhaawaca ku dhaca unugyada taranka wuxuu u gudbi karaa jiilka xiga, xitaa haddii cirbixiyeennadu aysan isku dayayn inay ku tarmaan hawada sare.

"Taasi waa sababta aan u aaminsanahay in daraasadahani aad muhiim u yihiin."

Khubaradu waxay sidoo kale qirayaan in maadaama haween badan ay u socdaan hawada sare, daraasadaha ku saabsan taranka hawada sare ay tahay in la ballaariyo si looga fogaado eex ku wajahan ragga.

Cilmi-baaris uu xusay Stokkenborg waxay tilmaamaysaa in cirbixiyeennada dumarka ah ay inta badan isticmaalaan kaniiniyada ka hortagga uurka inta lagu jiro safarrada dheer si loo joojiyo wareegga caadada.

Laakiin McPherson waxay sheegtay in saamaynta deegaanka hawada sare ku leeyahay caadada ay weli u baahan tahay cilmi-baaris dheeraad ah.

Karawia wuxuu sheegay inay jiraan caddeymo muujinaya in shucaacu saamayn ku yeelan karo shaqada ugxan-sidaha, halka cuf-jiidadka yari uu carqaladayn karo bislaanshaha ugxanta.

Wuxuu intaa ku daray in uurku laftiisu weli yahay mid ka mid ah meelaha ugu weyn ee aqoonta saynisyahannadu ka madhan tahay. "Wax xog casri ah kuma hayno sida uur buuxa uu ugu kobco naasleyda hawada sare, gaar ahaan marka laga hadlayo ku dheganaanshaha uurjiifka, koritaanka mandheerta, iyo samaysanka xubnaha", ayuu yiri.

Ku dhowaad dhammaan cilmi-baarayaashu hal arrin ayay isku raacsan yihiin: wali shaqo badan ayaa harsan, waana lagama maarmaan in hadda la bilaabo.

"Tani ma aha arrin laga xishoodo," ayuu yiri Stokkenborg. "Waa inaan hadda ka fikirnaa."