Waa maxay sababta dadka u muuqda kuwa caafimaad qaba ee ka yar 40-ka sano uu ugu dhaco wadne-xanuunka daran?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waqtigii hore, marka la maqlo geerida qof u dhintay wadne-xanuun, waxa maskaxda ku soo dhici jiray qof da' ah, balse hadda xaaladdu way is-beddelaysaa.
Sannadihii ugu dambeeyay, muuqaallo noocan oo kale ah ayaa si weyn ugu faafayay baraha bulshada ee Pakistan, halkaas oo nin dhallinyaro ah oo ku mashquulsan shaqadiisa maalinlaha ah isla markaana u muuqda mid caafimaad qaba, uu si lama filaan ah wadne xanuun ugu dhacay.
Inkasta oo aysan dalka Pakistan ka jirin xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan arrintan, haddana khubarada ku takhasusay qaybtan ayaa sheegaya in heerka wadne-xanuunka (wadne-istaagga) ee dadka da'doodu tahay 40 sano ama ka yar uu sii kordhayay sannadihii u dambeeyay.
Wareysi uu siiyay BBC Urdu, Professor Dr. Saleem Virani, oo ah cilmi-baare iyo dhakhtar ku takhasusay cudurrada wadnaha oo ka tirsan Isbitaalka Jaamacadda Aga Khan, ayaa soo xigtay cilmi-baaris ay sameysay Maktabadda Qaranka ee Caafimaadka ee Mareykanka, wuxuuna sheegay in 10 ilaa 12 boqolkiiba dadka uu sannad walba uu wadne-xanuunka daran ama wadna istaag (heart attack) uu ku dhaco ee ku nool Koonfurta Aasiya oo ay ku jirto Pakistaan ay da'doodu ka yar tahay 40 sano.
Waxa la xasuustaa in sannad kasta dalka UK ay 600 oo qof oo da'doodu ka yar tahay 35 sano ay u dhintaan wadne-istaag lama filaan ah.
Sida uu sheegay Dr. Saleem Virani, shan ilaa lix boqolkiiba dadka uu ku dhaco wadne-xanuunka daran (heart attack) ee caalamka ayaa da'doodu ka yar tahay 40 sano, balse Koonfurta Aasiya heerkaasi waa 10 ilaa 12 boqolkiiba.
Dhanka caafimaadka, wadne-xanuunka ku dhaca dadka da'doodu tahay 40 sano ama ka yar waxaa loo yaqaannaa 'wadne-xanuun waqtigiisa ka horreeya.
Dr. Saleem Virani wuxuu sheegayaa in inkasta oo sidaas loo haysto, haddana xaqiiqdu ay tahay inuusan xaaladdani aysan ku imaan si lama filaan ah, balse ay jiraan xanuunno sabab u ah oo aan waqtigoodii lagu ogaan karin.
"Ma jiraan xog laga heli karo Pakistan oo muujinaysa heerka uu gaaray kororka cudurrada wadnaha ee dadka da'doodu ka yar tahay 40-ka sano, balse waxa hubaal ah in heerkaasi uu sare u kacay sannadihii u dambeeyay," ayuu yiri.
Dr. Virani wuxuu kula talinayaa dhallinyarada inay si joogto ah u hubiyaan cadaadiska dhiigga, heerka sonkorta iyo kolestaroolka, isla markaana ay fiiro gaar ah u yeeshaan qaab-nololeedkooda iyo cuntada ay qaadanayaan si loo yareeyo khatarta 'wadne-xanuunka degdegga ah ee ku dhaca dadka da'da yar.
Laakiin su'aasha muhiimka ah ayaa ah: waa maxay sababaha keena cudurrada wadnaha ee dadka da'da yar, sidee baa looga hortagi karaa, ma jirtaase baaritaanno gacan ka geysan kara in horay loo qiimeeyo khatartaas?
Kor u kaca kiisaska wadne-xanuunka ee dadka da'doodu ka yar tahay 40-ka sano

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxa aan aragnay xaaladda oo sii xumaanaysa sannadihii u dambeeyay," ayuu yiri Dr. Saleem Virani. "Mararka qaarkood, dad da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 30 sano ayaa isbitaalka u yimaada xaalad wadne xanuun. Tani waa da' aad u yar oo qofka uu ku dhici karo wadne-istaag."
Sida lagasoo xiigtay Dr. Saleem Virani, qaar ka mid ah sababaha la yaqaan ee keena wadne xanuunka dhalinyarada waxa ka mid ah walbahaarka, dhaqdhaqaaq la'aanta jirka, cunto xumo, qaab nololeed aan caafimaad qabin, iyo tayada hawada (xumaashaha hawada aan ku neefsanno).
"Waxa jira dhibaatooyin badan oo ku saabsan qaab-nololeedkeenna dhanka cuntada, waana sababta dadka reer Pakistan ay u leeyihiin heerka ugu sarreeya ee cudurka macaanka caalamka," ayuu yiri.
Sida uu sheegay Dr. Saleem, "Waxa aan sameynay baaritaan ku saabsan carruurta da'doodu u dhaxayso 10 ilaa 19 sano, waxaana la ogaaday in 19 boqolkiiba ay qabeen xaaladda ka horreysa cudurka macaanka, halka 50 boqolkiiba ay lahaayeen heerar aan caadi ahayn oo kolestarool ah. Sababta ugu weyn ee arrintan keentay waa qaab-nololeedkeenna dhanka cuntada. Xaaladda ka horreysa cudurka macaanku waxay kordhisaa halista cudurrada wadnaha, sidaa darteedna waa qalad weyn in si fudud loo qaato."
Sida uu sheegay Dr. Saleem Virani, cudurrada wadnaha ee ku dhaca dadka da'da yar ayaa sidoo kale la xiriira dhaqdhaqaaq-yari iyo la'aanta socodka ama jimicsiga.

Ma jiraan calaamado horudhac ah oo lagu garto wadne-xanuunka (wadne-istaagga) dadka da'da yar?
Moowduucan, weriyaha BBC Punjabi Priyanka Dhiman ayaa dhawr maalmood ka hor wareysatay dhakhtarka wadnaha Dr. Keval Kishan, kaas oo sheegay in dadka da'da yar aysan badanaa lahayn calaamado digniin ah oo hore, isla markaana ay ku dhici karto wadne-xanuun (wadne-istaag) kedis ah.
Sida uu sheegay, calaamado badan ayaa dadka da'da ah kasoo muuqda ka hor inta uusan wadne-xanuun (wadne-istaag) ku dhicin, sida neef-qabatin marka la socdo, dhibaato ku saabsan neefsashada marka jaranjaro la fuulayo, iyo dareen culeys ama cadaadis ah oo laga dareemo laabta.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Keval Kishan wuxuu sheegayaa in waayo-aragnimadiisa, marka laga hadlayo dadka da'da yar, calaamadahan badanaa aan la arkin.
Sida uu sheegay Dr. Virani, inkastoo ay jiraan calaamado caadi ah oo lagu garto wadne-xanuunka (sida xanuun ama culays ku yimaada laabta, neefsashada oo dhib noqota, iyo dhidid badan), haddana calaamadaha wadne-xanuunku way ku kala duwan yihiin dadka.
Wuxuu ku talinayaa: "Weligaa ha iska daweyn wadne xanuun adigoo raacaya baraha bulshada ama in aad gurigaaga iska joogtid. Taa beddelkeeda, haddii aad dareento wax calaamado ah, isla markiiba tag isbitaalka kuugu dhow, halkaas oo uu dhakhtar takhasus u leh oo keliya uu kuu sheegi karo calaamadaha tilmaamaya cudurka wadnaha."
Sidee bay suurtagal u tahay in laga badbaado?
Waa maxay isbeddellada oo loo baahan yahay in la sameeyo si loo yareeyo khatarta cudurrada wadnaha? Isagoo ka jawaabay su'aashan, Dr. Saleem Virani ayaa sheegay inay muhiim tahay in waalidku ay carruurtooda siiyaan cuntada miraha leh iyo khudaar ku filan, isla markaana ay ku dhiirrigeliyaan inay sameeyaan dhaqdhaqaaq jireed, si ay uga fogaadaan cudurrada kale—oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha—marka ay qaangaaraan.
Waxa uu ku boorriyay dhallinyarada inay isku sameeyaan baaritaannada caafimaad ee aasaasiga ah, qaataanna qaab-nololeed caafimaad qaba, isla markaana diiradda saaraan dhaqdhaqaaqa jirka, socodka, jimicsiga iyo cuntada.
Saleem Virani ayaa sheegay inay muhiim tahay in la joojiyo sigaarka, aaladaha qiiqa (vaping-ka) iyo isticmaalka tubaakada si loo yareeyo khatarta.












