Sidee khuurada lamaanahaagu u saameyn kataa caafimaadkaaga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waligaa ma la seexatay qof khuuriya oo aad maalintii xigtay soo toostay adigoo dareemaya walwal, feejignaan, ama hilmaam?
Maadaama khuuradu ay tahay wax caadi ah, badanaa waa la daweyn waayay waxaana loo arkaa inay tahay wax aan dhib lahayn. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen khubaradu, ag-seexashada qof khuuriya waxay saameyn kartaa caafimaadkaaga.
Dr. Claire Simon, oo ah dhakhtar ku takhasusay daawaynta afka la xiriirta hurdada, ayaa sharraxaysa in khuurada ay sabab u tahay gariirka unugyada jilicsan ee marinnada hawada sare inta lagu jiro hurdada.
Ururka Khuurada iyo Hurdada ee Ingiriiska ayaa tilmaamaya in qiyaastii 40 boqolkiiba dadka waaweyn ee ku nool UK ay khuuriyaan, dhibaataduna ay saamayso ragga in ka badan dumarka.
Sida laga soo xigtay sahan ay samaysay Hay'adda Hurdada ee Mareykanka, 75 boqolkiiba dadka ay khuuriya waxay sheegayaan in hurdadoodu ay saameysay.
Waa kan waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato saameynta ay ku yeelan karto lamaanahaaga, iyo waxa aad arrintaas ka qaban karto.
Feejignaan iyo xusuusta
Professor Amma Johal, oo ah khabiir ku takhasusay hagaajinta ilkaha iyo cilladaha hurdada kana tirsan shirkadda Aerox Health, ayaa sharraxaya in qofka la wadaaga sariirta qofka khuurada badan uu saameyn xooggan kala kulmi karo arrintan, "ilaa heer ay mararka qaarkood ku qasbanaadaan inay kacaan oo ay qol kale seexdaan si ay u helaan hurdo ku filan."
Wuxuu intaas ku daray: "Aadane ahaan, ma awoodno inaan si caadi ah u shaqeyno ama u noolaanno haddii aynaan helin baahidan lagama maarmaanka ah (hurdo tayo leh)."
Habeenkii, waxaan marnaa marxalado kala duwan oo hurdo ah oo soo noqnoqda, badanaa 90 daqiiqo kasta.
Marxaladaha qotada dheer ee wareeggan ayaa muhiim u ah soo kabashada jirka.
Ururka Ingiriiska ee Khuurada iyo Hurdada ayaa sharraxaya in haddii hurdadaadu si joogto ah u xumaato, laga yaabo inaad waqti yar ku qaadato marxaladaha soo kabashada hurdada, taasoo la macno ah inaad soo toosi karto adigoo dareemaya daal, xitaa haddii aad waqti dheer ku qaadatay sariirta.
Inta aad huruddo, maskaxdaadu waxay farsamaysaa oo kaydisaa macluumaadka aad ururisay maalintii. Hurdada oo go'da - taas oo dhici karta haddii aad la seexato lammaane khuuriya - waxay carqaladeyn kartaa habkan, taasoo saameyn ku yeelan karta awooddaada inaad wax diirada saarto iyo xusuustaada intaba.
Khaladaadka hurdada ayaa sidoo kale saameyn kara habaynta hoormoonka, taasoo saameyn ku yeelan karta heerarkaaga tamarta.

Xigashada Sawirka, Professor Ama Johal
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hurdadu waxay door ka ciyaartaa nidaaminta qaybaha maskaxda ee qaabilsan maaraynta walbahaarka iyo falcelinta shucuurta. Marka hurdada la carqaladeeyo, nidaamyadan ayaa laga yaabaa inay lumiyaan dheelitirka, taas oo keeni karta inaad dareento xanaaq badan oo aadan si fiican ula qabsan karin walbahaarka.
Tani waa xaalad ay la kulantay Meg Warren, oo 29 jir ah, markii uu qofkii ay hore u wada noolaayeen hurdada ka hor istaagi jiray habeenkii isagoo khuurinaya.
Waxay tiri: "Mar kasta oo aan hurdada ka kaco khuuradiisa darteed, waxaan dareemi jiray feejignaan iyo kacsan-naan aad u sarreysa."
Meg, oo ka shaqeysa qaybta warbaahinta ee hay'ad samafal, ayaa habeenkii oo dhan isku dayi jirtay inay ninka kiciso oo ay ku qanciso inuu iska rogo qaabka uu dhabarka ugu jiifo oo uu u seexdo dhinaca.
Waxay sheegtay inay soo kici jirtay iyadoo "dareemaysa wareer iyo madax-wareer, mararka qaarkoodna ay dareemi jirtay madax-xanuun aad u daran oo la mid ah kan dadka khamriga cabba ku dhaca."
Khuuradu waxay tijaabo gelisay xiriirkooda, sida ay Meg u sharraxday: "Waxaan mar walba oran jiray haddii aan wada noolaaneyno, waxaan u baahan doonnaa qol jiif oo dheeraad ah habeenada ay khuuradu noqoto mid aan gebi ahaanba la dulqaadan karin."

Xigashada Sawirka, Meg Warren
Waa goorma waqtiga ku habboon ee caawimaad la dalban karo?
Simon iyo Johall labaduba waxay sheegayaan inay jiraan tallaabooyin aad qaadi karto si aad dhibaatadan u xalliso. Laakiin marka hore, waxaa muhiim ah in la kala saaro in qofka kula nooli uu si caadi ah u khuurinayo iyo inuu qabo xaaladda loo yaqaan joojinta neefsashada xilliga hurdada.
Simon wuxuu yiri: "Waxa aanan doonayn ayaa ah inaan kaliya ka dhigno qofka mid aan qaylo badan lahayn habeenkii, iyadoo isla markaasna la iska indhatirayo jiritaanka cillad neefsasho oo la xiriirta hurdada."
Calaamadaha xaaladda — oo ah xaalad keenta in neefsashada qofku ay istaagto oo dib u bilaabato marar badan inta lagu jiro hurdada — waxaa ka mid ah hakad ku yimaada neefsashada, dareen ceejin ah habeenkii, soo jeed badan, iyo madax-xanuun subaxdii.
Simon wuxuu sharraxayaa in haddii ay tani tahay dhibaatada haysata, laga yaabo in lagula taliyo isticmaalka qalabka neefsashada ee cadaadiska joogtada ah (CPAP), ama xitaa in qalliin lagu sameeyo xaaladaha qaarkood.
Marka laga hadlayo khuurada caadiga ah, Simon wuxuu sheegayaa in isbeddelada qaab-nololeedka ay wax ka tari karaan, sida miisaanka oo la dhimo, sigaarka oo la joojiyo, khamriga oo la yareeyo ka hor inta aan la seexan, ama beddelka qaabka loo seexdo — tusaale ahaan in dhinac loo seexdo halkii dhabarka loo seexan lahaa.
Waxaad sidoo kale soo jeedin kartaa in qofka kula nooli uu booqdo dhakhtar guud, kaas oo bixin kara talo dheeraad ah ama labadiinaba u gudbin kara dhakhtar takhasus leh.
Dhakhtarka takhasuska leh ayaa laga yaabaa inuu soo jeediyo daaweynta xirnaanshaha sanka ama xasaasiyadda (haddii midkood uu yahay sababta khuurada), ama isticmaalka qalab gaar ah oo afka la geliyo si tartiib ahna u riixa daanka hoose dhanka hore, taas oo ka caawinaysa in marinka hawadu uu furnaado.
Johal wuxuu sheegayaa in tiro aad u badan oo lamaane ah ay u dulqaataan khuurada "muddo aad u dheer," taas oo saameyn ku yeelata xiriirkooda iyo caafimaadkooda maskaxeed iyo midka jirba.
Wuxuu ku daray: "Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad ogaato inay jirto caawimaad la heli karo, waxa kaliya ee lagaa rabo inaad sameysona ay tahay inaad ka faa'iideysato."












