Maraykanku ma wuxuu u diyaar garoobayaa dagaal cusub in uu galo?

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Warbaahinta Mareykanka ayaa Arbacadii diiradda saartay su'aasha ah: halkii la isweydiin lahaa "goorma iyo sidee ayay dagaalku ku dhammaanayaan?", ma tahay inaan isweydiinno "miyuu dagaalkani isu beddelayaa khilaaf gobolka ka jira oo waqti dheer qaata, kaas oo sababi kara qalalaase weyn oo ku yimaada suuqyada tamarta?"

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa qoray in tiro ka mid ah saraakiisha sare ee maamulka Trump, oo ay ku jiraan Madaxweyne-ku-xigeenka J.D. Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ay si gaar ah uga wada hadleen suurtagalnimada in khilaafka kala dhexeeya Iran uu sii socdo ilaa dhammaadka xilliga xil-haynta Trump, kaas oo ay ka harsan yihiin laba sano iyo afar bilood.

Qiimeyntani waxay muujinaysaa xaalad ka duwan tii uu Trump marar badan ka hadlayay ee ku saabsanayd in dagaalku uu dhawaan dhammaanayo. Hadalladiisii ​​ugu dambeeyay, wuxuu ku sheegay inuu filayo in dagaalku dhammaanayo isla marka ay dhacaan doorashooyinka dhexe ee Koongareeska Mareykanka, kuwaas oo loo ballansan yahay inay dhacaan laba bilood gudahood.

Donald Trump ayaa ku dooday in Iran ay isku dayayso inay saameyn ku yeelato natiijada doorashadan si ay awoodda ula wareegaan xubnaha Koongareeska ee aan qaadan mowqif adag oo ka dhan ah Tehran.

Khilaafaadka ka socda Gacanka Beershiya iyo Marinka Hormuz ayaa sidoo kale ahaa mowduucyada ugu waaweyn ee ay warbaahinta Mareykanku diiradda saaraysay.

Warbaahintu waxay ka hadashay warbixinno ku saabsan weerarrada Mareykanka ee maraakiibta Iiraan, jawaabta gantaallada Iiraan ee saldhigyada Mareykanka ee Urdun, iyo sheegashooyinka saraakiisha militariga Iiraan ee ah inay weerareen maraakiib Mareykan ah oo ku sugan biyaha koonfureed ee Iiraan. Taas bedelkeeda, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in aan la bartilmaameedsanin maraakiib dagaal oo Mareykan ah.

Wariyaha CNN ayaa yiri, "Ma jirto calaamad muujinaysa in xaaladdani ay dhammaan doonto waqti dhow," taasoo keentay su'aal ah in xitaa ay suurtagal tahay in dib loo bilaabo wadahadallada xaaladaha noocaas ah.

Shidaal qiimihiisu yahay $100

Ku-dhawaad ​​dhammaan warbaahinta waaweyn ee Mareykanka ayaa soo weriyay in qiimaha saliidda cayriin ee nooca Brent uu ka gudbay $100 halkii foosto, waxayna wax ka qoreen suurtagalnimada in qiimuhu uu sii kordho.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in qaar ka mid ah falanqeeyayaashu ay hadda ka hadlayaan suurtagalnimada in qiimaha saliiddu gaaro $120 ama xitaa $150 haddii ay sii xoogeystaan ​​carqaladaha ku imaanaya maraakiibta maraya marinka Hormuz.

Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale ku tilmaamay muranka la xiriira gacanta ku haynta iyo maamulka marinka Hormuz inuu yahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan soo afjaridda dagaalka.

Fox News ayaa soo werisay mowqifka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, kaas oo ka digay in tallaabo kasta oo Iran ay ku doonayso inay ku weerarto ciidamada badda ee Mareykanka ay la kulmi doonto jawaab adag, isla markaana ay horseedi doonto burburinta maraakiib kale oo saliidda qaada.

Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale ku sifeeyay istiraatiijiyadda Mareykanka inay tahay isku-dhafka go'doomin dhanka badda ah iyo cunaqabateyn dhaqaale, iyadoo marinka Hormuz la dhigay bartamaha iska horimaadkan.

Khilaafka ka baxsan Iran iyo Mareykanka

Warbaahintu waxay sidoo kale u aragtaa iska horimaadka u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Sacuudi Carabiya inuu qayb ka yahay xiisadda ballaaran ee u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

Weerarrada Xuutiyiintu ku qaadayaan kaabayaasha tamarta ee Sacuudiga iyo jawaab-celinta ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudigu ayaa si weyn looga hadlay warbaahinta, iyadoo dhacdooyinkan lagu tilmaamay khatar kale oo ku wajahan marinka tamarta ee marinka Baab al-Mandab.

Sidaas darteed, wararka ku saabsan dagaalka ayaa hadda diiradda saaraya khatarta isku-mar ka jirta labada marin ee istiraatiijiga ah ee tamarta adduunka, kuwaas oo kala ah Marinka Hormuz iyo Baab al-Mandab.

Laba aragtiyood oo kala duwan

Marka laga eego dhinaca warbaahinta ku dhow Donald Trump, Iiraan waxay wajahaysaa cadaadis aan hore loo arag; cadaadis daciifiyay awooddeeda milateri iyo tiirarka dhaqaalaheeda. Aragtidan dhexdeeda, weerarrada ay Iiraan ku hayso maraakiibta Mareykanka ee gobolka ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa heerka quusta ay Tehran gaartay.

Dhanka kale, wargeysyada New York Times iyo Washington Post iyo shabakadda CNN ayaa aaminsan in Iiraan ay sii waddo muujinta inay awood u leedahay inay kharash badan dusha ka saarto Mareykanka iyo dhaqaalaha caalamka, isla markaana siyaasadda "cadaadiska ugu sarreeya" ay horseedi karto sii xoogeysiga xiisadda halkii ay Iiraan isku dhiibi lahayd.

Sababtan awgeed, warbixinta Wall Street Journal ee ku saabsan suurtagalnimada in dagaalku sii socdo ilaa sanadka 2029-ka ayaa si weyn loo hadal-hayay; waana warbixin muujinaysa in ugu yaraan qayb ka mid ah dowladda Mareykanka aysan mar dambe u arkin khilaafkan mid ku kooban dhibaato muddo gaaban jirta.