Waa kuma Axmed Shide, Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto xilka guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya?

Itoobiya
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Golaha Wakiillada Itoobiya ayaa shalay Axmed Shide u doortay Guddoomiyaha Golaha muddo shan sano ah.

Ayyalach Isheetee ayaa iyaduna loo doortay ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha.

Axmed Shide ayaa hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, wuxuuna sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda.

Wuxuu noqday qofkii labaad ee ugu muddada dheeraa intii uu xilka wasiirka maaliyadda qabtay, wuxuuna hayay xilkaas qiyaastii siddeed sano.

Kadib doorashadiisa, Axmed Shide ayaa loo dhaariyay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Axmed Shide ayaa loo dhaariyay kadib markii loo doortay xilka guddoomiyaha golaha shacabka Itoobiya.

Waa kuma Axmed Shide?

Axmed Shide

Waa siyaasi muddo dheer ka soo dhex muuqday Siyaasadda Itoobiya, haatana waxa uu noqday qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah ee qabta xilka guddoomiyaha golaha shacabka baaralamaanka dalka Itoobiya.

Axmed Shide waxaa uu culuumta Maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay Machad ku yaalla dalka Netherland. Kadib-na wuxuu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salix ee dalka Britain.

Waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay ka mid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada.

Nin lagu magacaabo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa tilmaamay in AxmedShide uu ku soo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Sannadkii 2008, ayaa markii ugu horreeysay loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale bishii Nofeembar ee 2016-kii waxa uu noqday Wasiirka Gaadiidka.

19 April 2018 waxaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda.

12-kii bishii August 2018-kiina waxaa uu noqday Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaaliyeed (SPDP) isagaoo baddalay madaxweynhii hore ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa kale oo uu horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Itoobiya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xisbigiisa ayaa markii dambe la midobay xisbiga Burwaaqo taariikhda markii ay ahayd 1-dii bishii Diseembar 2019-kii.

Shide ayaa 16-kii bishii Oktoobar 2018-kii markale loo magacaacay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Itoobiya.

Shalay oo taariikhdu ahayd 5-ta Oktoobar 2026-ka, waxaa waxaa loo doortay Axmed guddoomiyaha golaha shacabka Itoobiya.

Dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa ku tilmaamay noqoshada Axmed Shide ee guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya mid taariikhi ah oo uu ku gaaray dedaal iyo kartidiisa.

Faysal Rooble oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ee Bulshada Bariga Afrik, kana mid xubnaha ku matala Soomaaliya ayaa farrin uu ku qoray boggiisa Facebook isla markaana uu kaga hadlay guusha Axmed Shide waxaa uu ku yiri:

Jeclow ama ha jeclaan, jagada Mudane Axmed Shide qabtay waa dhacdo taariikh ah. Axmed Shide waxu goobtaas ku gaadhay qabiil ma ah ee waa karti shaqsi iyo sida u shaxda siyaasada u dheeley".

Dad badan oo isugu jira aqoonyahanno, siyaasiin iyo shacab Soomaali ah ayaa guusha Axmed ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay Soomaalidu ka gaartay siyaasadda dalka Itoobiya.