Markab ku sii jeeday Ruushka oo weli gubanaya kaddib weerar ka dhacay Gacanka Finland

Xigashada Sawirka, Finnish Border Guard / Reuters
Howlgallada lagu badbaadinayo markab xamuul oo laga leeyahay Ruushka, laguna daminayo dab ka dhashay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa weli ka socda bariga Gacanka Finland, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.
Markabka oo lagu magacaabo Sparta II ayaa ku sii jeeday gobolka Kaliningrad ee Ruushka, kaas oo ka go'an dhulka intiisa kale, markii la weeraray subaxnimadii Sabtida. Weerarka kaddib, markabku wuxuu u leexday dhinaca biyaha Finland.
Ciidamada difaaca Finland ayaa sheegay in ay u badan tahay in Ukraine ay ka dambaysay weerarka, balse dowladda Kyiv weli kama aysan hadlin arrintan.
Ilaalada xuduudaha Finland ayaa Axaddii sheegay in dadaallo lagu badbaadinayo markabka ay socdaan, si looga hortago inuu dego. Waxayse sheegeen in aysan jirin khatar ku wajahan maraakiibta kale ee halkaas maraya.
Biyo ayaa ilaa manata lagu shubayaa markabka si loo qaboojiyo loona damiyo dabka. Finland ayaa sidoo kale sheegtay in maraakiib iyo qalab ka kala socda Estonia iyo Ruushka ay ka qayb qaadanayaan howlaha badbaadinta.
Guddoomiyaha gobolka Kaliningrad, Alexei Besprozvannykh, ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in weerarka loo adeegsaday laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan adeegyadagobolka.
"Dagaalku wuxuu ku soo fidayaa deegaannada sida dhow noogu hareeraysan," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Finland, Petteri Orpo. Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay xaq u leedahay inay iska difaacdo dalka gardarrada ku haya.
Markabka Sparta II ayaa cunaqabateyn uu Maraykanku saaray sannadkii 2022, halka Ukraine ay cunaqabateyn saartay horraantii sannadkan. Sida ay sheegeen dowladaha Maraykanka iyo Ukraine, markabka waxaa maamula shirkad laga leeyahay Ruushka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shirkadda ayaa boggeeda internetka ku sheegtay in sannadkii 2011 lagu aasaasay qaab-dhismeedka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka, isla markaana tan iyo 2015 ay ka shaqaynaysay qaybta dhismaha milatariga.
Ilaalada xeebaha Finland ayaa sheegtay in loo soo sheegay weerarka abbaaro 08:50 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Sabtidii. Markabka ayaa xilligaas laga helay meel qiyaastii 50 kiiloomitir galbeed kaga beegan jasiiradda Suursaari ee Gacanka Finland.
Dhacdada kaddib, mas'uuliyiinta xuduudaha Finland ayaa sheegay in aaggaas si ku-meel-gaar ah loo xaddiday isu-socodka diyaaradaha iyo maraakiibta.
Wax yar kaddib dhacdada, wasaaradda gaashaandhigga Finland ayaa sheegtay in la tuhunsan yahay in diyaarad helikobtar ah oo Ruushku leeyahay ay ku xadgudubtay hawada dalka. Waxaa suuragal ah in arrintaasi ay xiriir la lahayd howlaha samatabbixinta ama la socodka markabka.
Guddoomiyaha gobolka Kaliningrad ayaa bartiisa Telegram ku qoray in markab samatabbixin oo Ruushku leeyahay uu u soo dhowaaday markabka, balse shaqaalihii saarnaa ay sheegeen in aysan u baahnayn in laga daadgureeyo.
Waxa uu intaas ku daray: "Shaqaaluhu waxay hadda wadaan howlaha loo baahan yahay, waxayna qorsheynayaan inay safarkooda sii wataan."
Hase yeeshee, Ilaalada Xuduudaha Finland ayaa markii dambe sheegtay in shaqaalihii markabka loo wareejiyay markab kale oo Ruushku leeyahay, kaas oo xilligaas dib ugu sii jeeday Ruushka. Markabkii samatabbixinta ee Ruushka ayaa isaguna ku haray goobta uu yaallay markabka weerarku haleelay.
Ilaalada Xuduudaha Finland ayaa intaas ku dartay in aan la ogaan wax waxyeello ah oo deegaanka soo gaartay, isla markaana aysan jirin khatar ku wajahan maraakiibta kale ama dadka.
Kaliningrad waa gobol uu Ruushku leeyahay oo dhanka dhulka ka go'an dalka intiisa kale, wuxuuna u dhexeeyaa Poland iyo Lithuania.
Wasiirka Gaashaandhigga Finland, Antti Häkkänen, ayaa sheegay in Ilaalada Xuduudaha Finland ay mas'uul ka yihiin baaritaanka weerarka, isla markaana ay la shaqaynayaan hay'adaha kale ee ay khusayso.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in NATO lagu wargeliyay dhacdada.
Badda Baltic-ga ayaa noqotay goob ay si weyn isugu hayaan Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Ruushku duullaan buuxa ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.
Ukraine ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarrada riddada dheer ee ay ku beegsanayso gudaha Ruushka, meelo ka baxsan jiidda hore ee dagaalka.

























