TOOS, Mareykanka iyo Iiraan oo bilaabay duqeymo cusub iyadoo uu hakad galay heshiiskii xabad joojinta

Weeraradan cusub ayaa imanaya kadib markii uu sii dhaqan gali waayay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iiraan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Afrikaan ah oo lagu eedeeyay inuu doonayo muddo korosri iyo mucaaradka oo cambaareeyay

    Emmerson Mnangagwa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Emmerson Mnangagwa

    Xukuumadda dalka Zimbabwe ayaa maalintii talaadada horgeysay baarlamaanka hindise-sharciyeed madaxweyne Emmerson Mnangagwa xilka loogu kordhinayo labo sano oo dheeri ah ilaa sannadka 2030-ka, iyadoo ay jirto cambaarayn uga imanaysa mucaaradka kala qaybsan iyo qaar ka mid ah halgamayaashii hore ee kamidka ahaa dagaalkii xorraynta dalkaas.

    Mnangagwa oo 83 jir ah, ayaa qorshuhu ahaa inuu xilka ka dego sannadka 2028-ka ka dib markii uu dhammaysto labo jeer oo min shan sano ah, laakiin taageerayaashiisa ayaa doonaya in wax laga baddalo dastuurka si muddada xil-haynta madaxweynaha looga dhigo toddoba sano halkay markii hore ka ahayd shan sano.

    Sidoo kale, waxay rabaan in madaxweynaha uu doorto baarlamaanka halkii uu qof kasta si toos ah u dhiiban lahaa codkiisa.

    Hindise sharciyeedkan adag oo kordhin kara muddada xilka madaxweynaha Zimbabwe ayaa ka gudbay marxaladdii ugu horreysay ee akhrinta baarlamaanka.

    Sharciga la soo jeediyay wuxuu doonayaa in wax laga beddelo dastuurka si loo kordhiyo muddada xilka madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka laga bilaabo shan ilaa toddoba sano.

    Dhanka kale, Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa shacabka ugu baaqay inay Arbacada maanta ah, 3-da Juun, sameeyaan mudaharaad nooca “magaalada albaabada loo laabayo”, si ay uga dhiidhiyaan waxa ay ku tilmaameen hanjabaado lagu wiiqayo dastuurka dalka.

    Tallaabadan ayaa imanaysa xilli baarlamaankaas uu ka doodayo hindise sharciyeed ku saabsan afti dadweyne, kaas oo dad badan badani aaminsan yihiin in loogu gogol xaarayo muddo korosi uu Madaxweynaha talada haya, Félix Tshisekedi ku kororsanayo xilkiisa.

    Sidoo kale akhri

  2. Iiraan oo duqeyn ka geysatay dal Carbeed iyo khasaare ka dhashay

    gantaalka Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, gantaalka Iiraan

    Sida aan horey u tebinnay, Iiraan ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo iyo diyaarado qumaatiga u kaca oo Mareykanku leeyahay kuna yaalla "dal ka tirsan gobolka," taasoo ay ku tilmaantay aargoosi. CENTCOM ayaa sheegtay in Tehran ay labo gantaal ku ridday Kuwait iyo saddex kale oo ku wajahan Baxrayn, kuwaas oo dhammaantood hawada ku kala jabay ama la qabtay ka hor intaysan gaarin bartilmaameedkooda.

    Wakaaladda wararka ee dawladda Kuwait ayaa ArbacadA maanta ah werisay in weerar diyaaradeed oo Iiraan ah iyo gantaal lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha ee Kuwait International Airport ay sababeen dhaawacyo iyo sidoo kale joojinta ama hakinta duulimaadyada.

    Warbixintu waxay soo xigatay Hay'adda Duulista Rayidka ee Kuwait oo sheegtay, in weerarku uu bartilmaameedsaday dhismaha T-1 ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah, duulimaadyadana loo weeciyay garoomo kale.

    Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Kuwait ayaa Arbacadii werisay, in seeriga digniinaha la maqlayay, waxayna ku boorrisay muwaadiniinta inay ka digtoonaadaan inay ku soo dhacaan burburka gantaallada ka dhasha.

    Ciidamada Mareykanka ayaa dhankooda sheegay inay fuliyeen duqeymo ay ku tilmaameen "is-difaacid" oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana ay soo rideen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu weeraray maraakiib iyo dalalka Khaliijka.

    Sidoo kale akhri

  3. Faa’iidooyinka aan la wada ogeyn ee uu leeyahay koob shaah ah oo aad cabto maalin kasta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

    Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.

    Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .

    Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .

    Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.

    Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12 boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.

  4. Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay taliyeyaasha kooxo hubeysan oo ka dhisan Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay laba taliye oo ka tirsan kooxaha hubeysan oo lagu eedeeyay inay kicinayaan rabshado iyo xasillooni darro ka jirta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Talaadadii, Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka (OFAC) ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Gustave Kubwayo, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay taliyaha qaybta sirdoonka iyo hawlgallada gaarka ah ee Ciidamada Xoreynta Rwanda (FDLR).

    Dhanka kale, John Imani Nzenze, oo la sheegay inuu ahaa taliyaha iyo madaxa sirdoonka ee kooxda fallaagada M23, ayaa sidoo kale lagu soo rogay cunaqabatayn.

    "Ururka FDLR iyo M23 waxay xoog ku qabsadeen dhul, waxayna ku dileen dad rayid ah bariga DRC," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxdaas.

    Rwanda waxay ku eedeysay dowladda DRC inay taageerto jabhadda FDLR, oo ah koox hubaysan oo ka kooban askartii hore ee Rwanda iyo xagjiriin u cararay bariga Congo intii lagu jiray xasuuqii 1994. Kigali waxay u aragtaa fallaagada inay yihiin khatar.

    Dhanka kale, mas'uuliyiinta Congo iyo kormeerayaasha kale ee caalamiga ah ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto kooxda M23, oo ah koox hubaysan oo ka qabsatay dowladda DRC dhulal badan sannadkii la soo dhaafay.

    "Rabshadaha socda ee kooxaha hubaysan waxay sii xumeynayaan dhibaato bani'aadamnimo oo ba'na oo khatar ku ah danaha Mareykanka ee gobolka," ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent.

    "Cunaqabataynta maanta waxay taageeraysaa ballanqaadka nabadda iyo joojinta dhiigga daadanaya," ayuu raaciyay, isagoo ugu baaqay DRC iyo Rwanda inay joojiyaan taageeradooda kooxaha hubaysan ee la xayiray sida ku cad heshiisyadii nabadda ee uu Mareykanku hoggaaminayay ee la saxiixay bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

    Maaha markii ugu horreysay ee xubnaha kooxaha hubeysan ee DRC lagu soo rogo cunaqabatayn. Laakiin tallaabooyinkan ayaa ku guuldareystay inay joojiyaan dagaalka ka socda gobolka bari ee dalka ee kacsan.

    Sidoo kale akhri

  5. Sheeka-xariirada ay ciidanka Botswana ka sheegaan Janaraal Caydiid

    Madaxweyne Duma Boko ayaa ciidamada Botswana u sheegay in askarta dalkiisa ay mar ka hortageen xoogaggii Maxamed Faarax Caydiid ee ku sugnaa magaalada Baydhabo, isaga oo dib u xusay sheeko xariiro uu sheegay inay muujinayso sumcadda Ciidanka Difaaca Botswana (BDF).

    Hawlgalka uu ka hadlay in Ciidanka Botswana loogu diray Soomaaliya, waa xaqiiq. Dagaalka uu sheegayse kama muuqdo diiwaannada taariikhiga ah ee la heli karo xogaha howlgalkaas ku saabsan, waxaana madaxweynuhu laftiisu sheekada u dhigay qaab sheeko xariiro ahaan loo weriyo.

    Isagoo ka hadlayay doorkiisa ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, lana hadlayay saraakiisha sare ee BDF, ayuu Boko wuxuu soo hadal qaaday hawlgalkii ugu horreeyay ee ciidankaasi dibadda uga qayb qaato, in ka badan soddon sano ka hor. Wuxuu sheekadan kusoo hadalqaaday khudbadda oo lagu baahiyay boggiisa rasmiga ah ee Facebook, toddobaadkan gudihiisa, 26-dii May.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Botswana loo diray Soomaaliya, "meel la yiraahdo Baydhabo", halkaas oo Caydiid "dadka ku cabsi gelinayay", islamarkaana ciidammo nabad ilaalin ah oo hore uga hawlgallay ay ku guul darreysteen inay wax badan ka qabtaan.

    "Kadibna waxaa halkaas gaaray cutub ka tirsan Ciidanka Difaaca Botswana," ayuu yiri.

  6. War deg deg ah, Iiraan oo sheegatay weerar lagu qaaday saldhigyada Mareykanku ku leeyahay Baxrayn

    Daqiiqado yar kadib markii warbaahinta taabacsan Ilaalada Kacaanka Iraan ay baahiyeen warar ku saabsan “weerarro gantaallo” oo lagu riday saldhigyada Mareykanka ee Kuwait, wakaaladda wararka ee Tasnim oo iyaduna sheegtay in weerar lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Baxrayn, isla markaana ay sheegtay in ugu yaraan saddex qarax laga maqlay gudaha Kuwait.

    Wakaaladdu sidoo kale waxay sheegtay in qarax laga maqlay xeebta Jasiiradda Qeshm, waxayna qortay in “walax la soo tuuray ay u badan tahay inay ku dhacday xeebta u dhexeysa magaalada Souza iyo tuulada Masan",

    Dhanka kale, wakaaladdaa Fars ayaa dhankeeda ku dartay in waddamada digniinaha sameenaya ay ku jirto Sacuudiga, iyada oo gantaallo ay ku dhacayn garoonka diyaaradaha Dubai.

    Ilaa hadda, CENTCOM wax jawaab ah kama bixin warbixintaas.

    Sii Akhri

  7. War deg deg ah, Iiraan oo weerartay saldhigga Maraykanka ee Kuwait

    Iiraan oo weerartay saldhigga Maraykanka ee Kuwait

    Xigashada Sawirka, Reuters/X

    Hal saac kadib markii CENTCOM ay soo saartay bayaan ku saabsan jin ay joojiyeen markab shidaal oo ku sii jeeday dekedaha Iraan, wakaaladaha wararka ee gudaha Iraan iyo kuwa ku dhow Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in dhawaaqa digniinta laga maqlay Kuwait kadib weerar gantaallo oo lagu qaaday saldhig ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalkaas.

    Inkasta oo wakaaladda wararka ee Tasnim aysan si rasmi ah u xaqiijin in weerarku ka yimid Iraan, haddana waxay soo xigatay ilo Carabeed oo sheegay in “ugu yaraan saddex qarax” laga maqlay Kuwait, isla markaana la weeraray laba saldhig oo kala ah Ali al-Salem iyo Arifjan.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in aroornimadii Arbacada laga dhawaajiyey kambaleelka digniinta, waxayna muwaadiniinta uga digtay inay ka taxaddaraan burburka ama jajabka ka dhasha rasaasta difaaca hawada ee lagu celinayo weerarrada gantaallada.

    Sii Akhri

  8. CENTCOM: “Waxaan banjarinay markab shidaal oo ku sii jeeday mid kamid ah dekadaha Iiraan”

    CENTCOM: “Waxaan banjarinay markab shidaal oo ku sii jeeday mid kamid ah dekadaha Iiraan”

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Talaadadii ay hawl-gab ka dhigayn markab shidaal kaas oo ku sii jeeday deked ku taal Iraan, gudaha Gacanka Faaris.

    CENTCOM ayaa tilmaamtay in markabkaan ay xannibaadda ku sameeyeen uu ahaa nooca shidaalka qaada kaas oo summadiisu ahayd MT Lexie oo watay calanka Botswana, xilli uu ku socday biyaha caalamiga ah kuna wajahnaa Jasiiradda Kharg.

    Sida lagu sheegay bayaanka, shaqaalaha markabka ayaa iska indho-tiray digniino si isdaba jog loogu dirayey, waxayna dhowr jeer diideen inay u hoggaansamaan amarrada ciidamada Mareykanka muddo 24 saacadood ah.

    CENTCOM waxay intaas ku dartay in ugu dambayn diyaarad Mareykan ah ay ku dhufatay gantaal nooca Hellfire ah qolka matoorka markabka, taas oo sababtay inuu hawl-gab noqdo lagana hor istaago inuu gaaro Iraan.

    Talisku waxa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono dhaqan-gelinta cunaqabataynta dhammaan maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iran, taas oo bilaabatay 13-kii Abriil.

    Weerarkii hore ee ciidamada Mareykanka ku qaadeen markab Iraan leedahay oo lagu magacaabo "Lion Star" ayaa la kulmay jawaab celin ka timid Iraan. Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa markaas ku dhawaaqday inay gantaal nooca cruise missile ah ku weerartay markab xamuul oo koonfur kaga sugnaa dekedda Ciraaq ee Umm al-Qasr, waxayna baahiyeen muuqaallo muujinaya gantaalka iyo goobta uu ku dhacay markabka ganacsiga ee "MSC Sariska."

    Sii Akhri

  9. AROORYO SUUBAN

    Waxaa halkaan innooga bilaabaneysa tebinta tooska ah ee wararka caalamka Soo dhawaada