You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo Soomaaliya ku daray liiska dalal wajahaya khatar amni
Dowladda Maraykanka ayaa muujisay walaac ku saabsan faafitaanka kooxaha mintidiinta ee xagjirka ah ee ka howlgala Galbeedka Afrika, gaar ahaan gobolka Saaxil iyo harada Chad.
Maamulka Trump ayaa ka digay in mintidiintu ay xoogeysanayaan Galbeedka Afrika kadib markii ay sheegteen in lagu jebiyey Ciraaq iyo Suuriya.
Maraykanku wuxuu ku sheegay arrintan warbixin uu ku faafiyay istaraatiijiyaddiisa cusub ee la dagaallanka argagixisada ee sanadka 2026.
Warbixintaas, maamulka Trump wuxuu Galbeedka Afrika, gobolka Saaxil, iyo harada Chad, oo ku taal xadka waqooyiga Nigeria, ku tilmaamay meel ay ku badan yihiin dagaalyahannada xagjirka ah, kuwaas oo, sida ay Maraykanku sheeganayaan markii lagu burburiyay Bariga Dhexe, haddana u soo guuray Afrika.
Gobolka Afrika wuxuu la tacaalayaa dhibaatada kooxaha kacdoonka wada, taas oo ay ku tilmaantay inay sabab u tahay daciifnimada dowladaha Afrika.
Khubarada amniga sida Dr. Kabiru Adamu ayaa sheegay in warbixintani ay ka hor imanayso hab-raacyadii hore loo qoray:
"Tan waxaa ku jira hadallo badan oo siyaasadeed, tusaale ahaan, waxa ku jira in madaxweynaha hadda uu tilmaamay in markii uu xukunka yimid uu burburiyay kooxaha IS iyo Al-Qaacida ee Ciraaq iyo Suuriya."
"Intaas ka dib, waxay dib ugu soo laabteen Afrika, sida uu ku sheegay qorshaha dowladda uu kala wareegay maamulkii Biden, taas oo oggolaatay in arrintaas ay dhacdo."
"Trump waxa uu aqoonsaday lix meelood oo Afrika ah oo uu sheegay in kooxahan ay dib ugu soo laabteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Galbeedka Afrika, gobolka Saaxil, harada Chad, Mozambique, Suudaan, iyo Soomaaliya," ayuu yiri.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka istaraatiijiyadda cusub ee ka hortagga argagixisada ee Maraykanku ku dhawaaqay ayaa ah in laga hortago faafitaanka kooxaha argagixisada ee ujeeddadoodu tahay inay weeraraan Maraykanka, sidoo kalena xoogga la saaro ilaalinta Masiixiyiinta oo uu sheegay inay la kulmayaan "khataro," gaar ahaan Nigeria.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Kabiru Adamu ayaa sheegay in tani aysan horseedi doonin in Maraykanku dhiso saldhigyo militari.
"Qorshahan Maraykanku kama hoos dhisi doono saldhigyo, balse wuxuu diri doonaa kooxo yar yar oo ujeeddadoodu tahay inay ka caawiyaan dowladaha Afrika inay is difaacaan."
"Qodobkan waa in Maraykanku uusan qaadan doonin mas'uuliyadda tooska ah, balse dalalka Afrika ay qaadi doonaan mas'uuliyadda, iyadoo la kaashanayo Maraykanka."
"Waxa labaad waa in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya amniga iyo ganacsiga, taas oo micnaheedu yahay meel kasta oo uu gacan ka geysanayo, in la daboolo baahiyihiisa ganacsi."
"Fahamkeenna, waddan kasta waa inuu go'aamiyaa danihiisa iyo waxa uu isku dayayo inuu ka gaaro xiriirka amni iyo la-dagaallanka argagixisada ee ka dhexeeya isaga iyo dalalka gobolladan," ayuu yiri.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto wada shaqaynta ay la leedahay dowladaha Afrika ee wajahaya khataraha kooxaha ku xiran IS iyo Al-Qaacida, kuwaas oo halis ku ah Maraykanka, balse sida ay sheegtay, ilaa ay dalalku xaqiijiyaan amniga xuduudahooda oo ay xiraan dhammaan meelaha ay argagixisadu ka soo geli karto.