Maxaa loo hadal hayaa gantaalka ateh 3 ee uu sameystay dalkan Muslimka ah
Ka dib soo bandhiggidii dhowaan ee gantaalka cruise-ka ee Fateh III ee militariga Pakistan, waxaa la bilaabay in lala barbardhigo gantaalka BrahMos ee Hindiya.
7-dii May, waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan ayaa soo bandhigay sawirka gantaalka cruise-ka ee Fateh-III muuqaal xayeysiin ah oo ku saabsanaa diyaar garowga militariga.
Inkasta oo waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan aysan shaacin awoodaha gantaalka Fateh-III, haddana khubarada difaaca waxay aaminsan yihiin inuu yahay gantaal cruise ah oo xawaare sare leh, kana dheereeya saddex ilaa afar jeer xawaaraha codka, kaas oo Pakistan u samaysay si ay ugu guuleysato bartilmaameed weerarr oo sax ah mustaqbalka.
Haddii aad eegto baraha bulshada, falanqeyaal badan ayaa Fateh-III la barbardhigay BrahMos, kaas oo Ciidanka Hindiya ay sheegeen inay u adeegsadeen Pakistan intii lagu jiray "howlgalkii Sindoor".
Waxaan isku daynay inaan ogaanno waxa ay wadaagaan Fateh-III iyo BrahMos, iyo sida loo isticmaalo marka laga eego awoodahooda iyo waxtarkooda.