Mucaaradka Soomaaliya ma waxay shardi ku xirayaan sii joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee dalka?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Abdirahman Abdishakur

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ah isbahaysiga ugu weyn mucaaradka, ayaa warqad furan oo uu u diray hoggaamiyayaasha wadamada ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, ee kamidka ah hawgalka Midowga Afrika, ku boorriyay in ajandaha shirkooda ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku darsadaan, in xoogga la saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada.

"Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu rabaa inuu hubiyo inay si buuxda nooga go'an tahay heshiis nabad ah, gorgortan leh, oo ay Soomaalidu leedahay, oo lagu gaaro wadahadal iyo tanaasul halkii laga gaari lahaa tallaabo hal dhinac ah.

Annagoo taas u marayna, waxaan soo gudbineynaa in mudnaanta koowaad ee Soomaaliya ay tahay heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu dhisayo Golaha Ku-meel-gaarka ah oo loo dhan yahay si loo bixiyo kormeer wadajir ah oo ku saabsan kala-guurka dastuurka iyo doorashada ilaa hay'adaha qaranka ee sharciga ah si nabad ah loo cusbooneysiiyo.

Hay'adda noocaas ah waxay soo celin doontaa sharciyadda siyaasadeed, waxay dib u dhisi doontaa kalsoonida qaranka, waxay ilaalin doontaa dhexdhexaadnimada Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo dhammaan hay'adaha dawladda, waxayna hubin doontaa in kala-guurka lagu maareeyo si loo dhan yahay, hufan, oo lagu kalsoonaan karo." Ayaa lagu yiri warqadda mucaaradku ay soo saareen.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah mucaaradka Soomaaliya

Bishan 31-keeda ayaa lagu wadaa in dalka Uganda ay ku shiraan madaxweyneyaasha waddamada Afrika ee ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, si looga arinsado walaaca ka taagan maalgalinta hawlgalka AUSSOM oo kharash loo la'yahay, dowladda Soomaaliya ayaana la filayaa inay qeyb ka noqoto shirkaas.

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa BBC-da u sheegay in warqadda furan ee ay direen, ay uga gol leeyihiin si hawlgalku u guuleysto in marka hore siyaasadda laga heshiiyo.

"Aragtideenna waxaa shirka looga doodi doonaa mustaqbalka ciidamada AUSSOM ee muddada dheer waddankeenna joogay. Sidaad la socoto, dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay aqbali doonin inay sii socdaan dhaqaalihii lagu bixin ciidamada oo ay joojineyso, khaasatan qeybaha saadka iyo waxa la xiriira taasna ay saameyn ku yeelaneyso joogitaanka ciidamada halkan. Sidaas darteed maaddaama dooddan ay socoto, annaga waxaan aaminsannahay in ciidamada ay shaqo badan qabteen oo ay abuureen masaaxad ay dadka Soomaaliyeed dowlad-dhiskooda uga doodaan, ama uga heshiiyaan ama ay hore ugu socdaan.

Marka dooddeenna waxay ahayd in siyaasadda laga heshiinayo ay asal tahay, dalkan hadda uu ku jiro marxalad kala guur ah, dowladdaduna hadda sharciyadda ay ka dhammaatay. Marka keliya inaan laga hadal ciidankaas mushaarkiisa iyo saadkiisa ee laga hadlo arrinta asalka ah ee siyaasadda." Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inay shardi ka dhigayaan in siyaasadda laga heshiiyo si uu usii socdo howlgalka Midowga Afrika, maaddaama sida uu sheegay ay u joogaan inay caawiyaan dowladda, uuna aaminsan yahay in sharciyadda dowladda ay dhacday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin wada-hadal, ayna ugu baaqayaan madaxweynaha Soomaaliya inuu miiska wadahadalka yimaado.

"Annaga tanaasulka ugu badan ayaan sameynaa. Markii wada hadalka la isugu yimid, dowladda doorashada ay ayada wadatay ayaan la qaadannay. Waxaan oggol nahay in laga wada hadlo qodobbada dhiman ee guddiga doorashada qaabka loo dhisayo, kan hadda madaxweynaha uu dhistay ma oggolin, sharciga uu doorashada ku dhistay annaga ma oggolin, heshiis siyaasadeed in laga galaan rabnaa. Waxaa kale oo aan rabnaa in laga wada hadlo qaabka doorashada ay ku dhacayso." Ayuu yiri.

Ujeedka warqadda mucaaradka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda gobolka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in farriinta ugu muhiimsan ee ku jirta warqadda mucaaradka ay tahay in xalka siyaasadeed uu ka hormaro isbeddel walba oo dhinaca amniga ah.

"Sidoo kale waxay tilmaamayaan in dowladdan xilligeeda uu dhammaaday, iyo in kala qeybsanaanta siyaasadeed ay maanta ka weyn tahay khatar kasta oo kale oo Soomaaliya soo wajaheyso," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inay ku eedeynayaan dowladda federaalka kala qeybsanaanta ka jirta dalka.

Horraantii sanadkii 2007 ayey ahayd markii Soomaaliya ay ka dageen ciidamadii ugu horreeyay ee ka socda Midowga Afrika waxanaa howlgalkaasi loo bixiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), 15 sano kadib waxa uu u xuub-siibtay Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee ATMIS kaas oo isna soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tegey ee 2024.

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa la magac baxay AUSSOM waana kan hadda haya hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM Maxamed El Amine ayaa mar uu ka hadlayay munaasabadda magac-beddelka ayaa sheegay in howlgalka cusub uu sii wadi doono guulihii laga gaaray howlgalkii hore ee Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya "si loo xaqiijiyo Soomaaliya in ay gaarto nabad iyo ammaan mustaqbalka fog ah".

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Horraantii bishan Mareykanka ayaa sheegay inuu hor-istaagi doono taageerada Qaramada Midoobay ay siiso hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo sanadka soo socda

Horraantii bishan Mareykanka ayaa sheegay inuu hor-istaagi doono taageerada Qaramada Midoobay ay siiso hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo sanadka soo socda—sida ay muujinayaan labo dukumeenti—tallaabadaas oo saraakiishu sheegeen inay u badan tahay inay soo afjarto hawlgalladaas.

Hawlgalka Midowga Afrika oo ka kooban ku dhowaad ​​12,000 oo askari ayaa taageera dowladda Muqdisho, isagoo ka caawinaya la dagaallanka al-Shabaab; kuwaas oo weerarro hore ay u suurtageliyeen inay soo gaaraan meel aad ugu dhow caasimadda, isla markaana gacanta ku haya dhul ballaaran oo ka tirsan miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hase yeeshee, hawlgalkan oo loo yaqaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada Qaramada Midoobay ee dhanka saadka lagama maarmaanka ah sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidanka.

Qoraal diblomaasiyadeed oo soo baxay 1-dii Luulyo ayaa Washington waxay ku wargelisay Midowga Afrika inaysan taageeri doonin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS)—kaas oo miisaaniyaddiisa guud ay gaareyso ilaa 500 oo milyan oo doollar—wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

Miisaaniyadda AUSSOM sanadkii hore waxay ahayd 190 milyan oo doollar, balse maalgelinta hawlgalka ayaa noqotay mid aan la hubin, taas oo keentay yaraansho baahsan oo dhanka dhaqaalaha ah. Sanadkii hore, Washington ayaa hor-istaagtay qorshe loo beddelayo qaabka maalgelinta, kaas oo dhigayay in lacagta Qaramada Midoobay ay daboosho saddex-meelood meel miisaaniyadda.