TOOS, Toogasho ay dad ku dhinteyn oo Maraykanka ka dhacday
Laba qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xaflad cunto oo ka socotay meel u dhow bartamaha Seattle.
Tebin toos ah
War deg deg ah, Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacay Seattle, Maraykanka
Laba qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen rasaastii ka dhacday Xarunta Seattle, Washintong, sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Seattle.
Labada qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goobta, halka dadka dhaawacmay lasoo sheegayo inuu ka mid ahaa wiil laba jir ah oo loo qaaday isbitaalka, inkasta oo xaaladdiisu deggan tahay, iyo haweeney 56 jir ah oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Mid kamid ah dadkii dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.
Waaxda dab-damisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca dhaawacyada.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan: Tallaabada Ukraine jawaab la'aan ma ahaan doonto.
Xigashada Sawirka, .
Ebrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa yiri isagoo ka jawaabaya weerarkii Ukraine ay ku qaaday markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo ku sugan Badda Caspian: "Weerar kasta oo lagu qaado Iiraan had iyo jeer wuxuu leeyahay kharash, tanina ilaa maanta ayay run tahay. Mareykanka iyo Israa'iil si fiican ayay uga warqabaan arrintan. Ukraine sidoo kale waxay u badan tahay inay dhawaan ogaan doonto in Iiraan aysan ka hari doonin ficilladeeda ka dhanka ah iyada oo aan laga jawaabin."
Sida laga soo xigtay IRNA, Mr. Azizi wuxuu sheegay inuu sidoo kale hadalladan uu ka jeediyay wadahadallo uu la yeeshay mas'uuliyiinta Midowga Yurub, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka: "Ficillada Ukraine lama jawaabi karo."
War deg deg ah, Weerarradii Xuutiyiinta oo durba saameyntooda la dareemayo iyo xog laga helayo
Xigashada Sawirka, Reuters
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in, sida ku
cad xogta maraakiibta ee madasha falanqaynta Kepler, isu-socodka maraakiibta ee
marinka Bab al-Mandeb uu hoos u dhacay kadib weerarradii ay Xuutiyiintu ku
qaadeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ee xeebta Badda Cas iyo ku
dhawaaqistoodii xanibaadda badda ee dalkaas.
Maalintii Axadda, 11 markab oo xamuul sida ayaa maray
marinka Bab al-Mandeb, taasoo ah tiradii ugu yarayd ee la diiwaangeliyo bilihii
u dambeeyay, sida ay xogtu muujinayso.
Toddobo ka mid ah maraakiibtaas waxay ahaayeen kuwa
shidaalka qaada, iyadoo saddex ay galeen Badda Cas halka afar kalena ay ka
baxeen.
Dhanka kale, xogta Kepler waxay muujinaysaa in wax ka yar
10 markab ay maalin kasta ka gudbeen marinka Hormuz intii lagu jiray dhammaadka
usbuuca, inkastoo ay joogsadeen weerarradii is-dhaafsiga ahaa ee u dhexeeyay
Mareykanka iyo Iiraan.
Sida ay Reuters sheegtay, Sabtidii waxaa marinka maray
saddex markab oo damiyay qalabkooda gudbinta xogta. Axaddii, toddobo markab
ayaa maray, kuwaas oo ay ku jireen saddex markab oo shidaal sida isla markaana lala
xiriirinayo Iiraan, iyagoo ka baxay marinka.
War deg deg ah, Trump oo joojinaya weerarradii Iran iyo Iran oo ka jawaabtay dhankeeda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Safiirka Mareykanka ee Qaramada
Midoobay, Mike Waltz, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu
joojiyay weerarradii lagu qaadayay Iran habeenkii labaad oo xiriir ah si waqti
dheeraad ah loogu siiyo dadaallada diblomaasiyadeed.
Dhankiisa, afhayeenka militariga
Iran ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay iyaduna hakisay weerarradii ay jawaabta
uga bixinaysay gobolka.
Hakadkan ayaa yimid kadib ku
dhowaad laba toddobaad oo ay socdeen weerarro maalinle ah oo ay
isweydaarsanayeen Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo si dhab ah u soo afjaray
xabbad-joojin la gaaray bishii Juun.
Markii NBC weydiisay in Trump uu
hadda ka tanaasulay sii hurinta colaadda, Waltz wuxuu ku jawaabay: “Anigu
sidaas uma arko. Madaxweynuhu wuxuu weli miiska saarayaa dhammaan
xulashooyinka.”
Wuxuu sidoo kale beeniyay warbixin
uu daabacay The New York Times, taas oo sheegtay in qaar ka mid ah saraakiisha
maamulka ay ka digeen in sii xoogaysashada colaadda ay si khatar ah u yareyn
karto kaydka sii dhammaanaya ee nidaamyada difaaca cirka ee Mareykanka.
“Ciidamada Mareykanka waxay
haystaan wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay hawlgalkan ugu fuliyaan si
hufan,” ayuu yiri Waltz.
Ilaa habeenkii Axadda, Donald
Trump si rasmi ah ugama uusan hadlin dhacdooyinkan ugu dambeeyay. Si kastaba ha
ahaatee, saacado ka hor ayuu bartiisa Truth Social ku daabacay sawirro lagu
sameyay AI, kuwaas oo muujinayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeynaya
maraakiibta Iran iyo Jasiiradda Kharg.