Xiisad cusub iyo Bariga Dhexe: Xuutiyiinta oo sheegtay inay beegsadeen Sacuudiga

Xigashada Sawirka, EPA
Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa sheegtay inay gantaal ku weerareen Sacuudiga, kaddib markii Riyadh ay Jimcihii duqeymo ku qaaday goobo lala xidhiidhinayo kooxdaas.
Subaxnimadii Sabtida hore, warbaahinta Ansarollah ee Xuutiyiinta ayaa Telegram ku sheegtay in "weerar gantaal oo Yemen ka yimid" uu sababay dab ka kacay magaalada magaalada Jizan ee Sacuudiga. Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa hore u soo saaray digniino degdeg ah oo ku wajahan gobolkaas.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa horay ugu hanjabtay inay aargudan doonaan, kaddib markii Sacuudigu uu Jimcihii duqeymo cirka ah ku qaaday fariisimo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin magaalada dekedda ah ee Xudeyda iyo jasiirad ku dhow.
Arrintan ayaa timid xilli markii ugu horreysay muddo laba toddobaad ah aysan jirin war sheegaya duqeymo mir ah oo ka dhacay si guud gobolka oo ay fuliyeen Mareykanka ama Iraan.
Milatariga Mareykanka Sabtidii ma aysan shaacin weerarro cusub oo ka dhan ah Iran, kaddib markii ay 13 habeen oo joogta ah weerarro ku qaadayeen dalkaas. Inta muddadaas lagu jiray, Iran ayaa iyaduna duqeymo diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaaday xarumo iyo saldhigyo milatari oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Goo sii horeysay, wafdi ka socda Cumaan ayaa gaadhay caasimadda Iran ee Tehran si ay wadahadallo uga yeeshaan marin-biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA. Cumaan ayaa maamusha xeebta koonfureed ee marinkaas.
Isagoo Jimcihii galabtii suxufiyiinta kula hadlay Aqalka Cad, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sii waday hanjabaadaha weerarro kale, isaga oo sheegay in wadaxaajoodyadu ay socdaan.
"Waxaan la hadlaynaa iyaga. Waxaan u maleynayaa inay ka go'antahay (wada hadalada). Waxaan u maleynayaa inay yahiin kuwa ay aad ugu go'anyahiin (wada hadaladu) ill aiyo hadda intaan aragna, laakiin taasi macnaheedu ma aha inaan heshiis gaadhnay," ayuu yidhi Trump.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii wax laga weydiiyay qorshihiisa ka bixitaanka dagaalka Iran, Trump wuxuu yidhi:
"Waxaa jirta jid milatari oo aan ku sii wadno sida aan hadda u wadno, xitaa aan ka dhigi karno mid ka culus, oo aan baabi'inno wax kasta oo ay haystaan. Ama waxaa jirta xeelad ka caqli badan oo ah in heshiis la gaadhno."
Laakiin wuxuu ku daray:
"Waxaan diyaar u nahay dagaal. Hubkii waa diyaar, waan dhaqaaqi karnaa."
Marinka Hormuz Jimcihii, milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu rasaas ku furay isla markaana curyaamiyay markab shidaal oo ku sugnaa Gacanka Cumaan, kaas oo isku dayayay inuu ka baxsado xannibaadda Mareykanka uu saaray dekedaha Iran.
Markabkan uu Mareykanku weeraray ayaa noqday markabkii labaad ee ganacsi oo Mareykanku curyaamiyo tan iyo markii uu dib u soo celiyay xannibaadda uu ku hayo dekedaha Iran horraantii bishan.
"Waxaan curyaaminay markabka kaddib markii shaqaalihiisu ay ugu yaraan afar jeer isku dayeen inay jebiyaan xannibaadda," ayuu AFP u sheegay Kabtan Tim Hawkins oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka.
"Shaqaalaha markabka dhowr jeer ayaa loo digay, laakiin ma aysan u hoggaansamin, sidaas darteed ciidamada Mareykanka ee goobta joogay ayaa curyaamiyay markabka kaddib markii ay rasaas kaga dhufteen qaybta matoorka," ayuu yidhi. "Markabku hadda uma sii socdo Iran."
Walwalka sii kordhaya ee ku saabsan hanjabaadaha cusub ee maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas uga imaanaya Xuutiyiinta Yemen ayaa sababay in qiimaha saliidda caydhiinka ah uu toddobaadkan kor uga gudbo $100 foostadii, taas oo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo bishii May.
Si kastaba, qiimaha ayaa mar kale hoos u dhacay galabnimadii Jimcaha, iyadoo shidaalka Brent uu hoos uga dhacay in ka badan $4, kuna soo dhacay $96 foostadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters. Hoos u dhaca ayaa yimid kaddib markii laba markab oo waaweyn oo shidaal qaada, kuwaas oo ay kiraysteen Shiinuhu, ay si nabad ah uga gudbeen marinka Baabul Mandab.
Kaddib is-rasaaseyntii Sabtidii hore, warbaahinta Ansarollah ee Xuutiyiinta ayaa Telegram ku qortay:
"Weerarka cadowga Sacuudiga uu ku qaaday xarumaha rayidka ah ee Xudeyda iyo jasiiradda Kamaran waa tallaabo khatar ah oo sii kordhineysa xiisadda."
Waxay intaas ku dartay:
"Waxaan xaqiijineynaa in dambiyadan cusub aysan ka jawaab la'aan noqon doonin."
Mas'uuliyiinta Sacuudigu si degdeg ah ugama aysan jawaabin hadalkaas.
Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa toddobaadka soo socda magaalada London ku qaban doona shir looga hadlayo xaaladda marinka Hormuz, sida ay BBC ogaatay. Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka Dan Caine ayaa ka qeyb geli doona shirkaas, kaas oo markii ugu horreysay ay soo warisay Axios.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu Talaadada ku wajahan yahay Aqalka Cad si uu ula kulmo madaxweynaha Mareykanka.
Bishii Juun, Mareykanka iyo Iran waxay ku heshiiyeen heshiis is-afgarad ah oo ka kooban 14 qodob, kaas oo lagu joojinayo howlaha milatari, dib loogu furayo marinka Hormuz, isla markaana lagu gaari lahaa heshiis lagu soo afjarayo dagaalka 60 maalmood gudahood.
Laakiin saddex toddobaad kaddib markii heshiiskaas la saxiixay, Trump ayaa ku dhawaaqay in xabbad-joojintu ay "dhammaatay", kaddib weerarro Iran ay ku qaaday maraakiib ku sugnaa marinka iyo duqeymo uu Mareykanku kaga jawaabay.












