Caqabad cusub oo haweenku ka wajahayaan dhanka uur-qaadista oo hadda la ogaaday

Haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Michelle Roberts
    • Role, Tifaftiraha caafimaadka dhijitaalka
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Cilmi-baaris cusub ayaa muujinaysa in haweenka da'da weyn ay leeyihiin fursad hoose oo ay ku guulaysan karaan habka uur-qaadista bacriminta, xitaa marka la isticmaalo ukumo ay bixiyeen haween da'yar. Hoos-u-dhac muuqda ayaa lagu arkay laga bilaabo haweenka ku jira qiyaastii da'da 49 jir.

Khubarro daraasad ku sameeyay 1,774 haween ah ayaa sheegay in natiijooyinkani ay caqabad ku yihiin fikradda ah in ukumaha deeq-bixiyeyaashu ay gebi ahaanba "dib u bilaabi karaan" saacadda taranka ee haweeneyda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkaysteen in tani aysan niyad jabin lammaaneyaasha waaweyn ee doonaya inay isku dayaan habka bacriminta.

Haweenka da'doodu tahay 49 sano iyo wixii ka weyn waxay lahaayeen halis laba jibbaaran oo dhicis ah marka loo barbardhigo haweenka da'doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano. Sidoo kale, waxay ahaayeen kuwo ay u yarayd fursadda ay uur ku qaadi karaan.

Cilmi-baarayaashu waxay rumaysan yihiin in isbeddellada la xiriira gabowga ee ku dhaca xuubka gudaha ee ilmo-galeenka ay noqon karaan sababta arrintan, isla markaana ay suurtagal tahay in mustaqbalka la helo daaweyn wax ka qabata.

Sharon Marshall
Qoraalka sawirka, Sharon Marshall, oo ka tirsan barnaamijka This Morning, waxay jirtay 46 sano markii ay gabadheeda Betsey ku dhashay daaweynta IVF sannadkii 2018.

Waxay sheegeen in mustaqbalka ay suurtagal noqon karto in la helo habab lagu saadaalin karo, looga hortagi karo ama lagu wanaajin karo gabowga ilmo-galeenka.

Hoggaamiyaha cilmi-baaristan, Dr. Beatrice Crestani oo ka tirsan machad caafimaad oo ku takhasusay taranka la caawiyo oo ku yaalla Talyaaniga, ayaa sheegtay in gabowga taranka muddo dheer loo arkayay inuu yahay dhibaato ku kooban ugxan-sidaha . Sidaas darteedna, haddii ukumaha da'da weyn lagu beddelo ukumo ay bixiyeen haween da'yar, waxaa la rumaysnaa in "saacadda taranka" dib loo bilaabayo.

"Hase yeeshee, natiijooyinkeenna waxay muujinayaan in arrintu ay ka adag tahay sidaas," ayay tiri Dr. Crestani.

Daraasaddu waxay muujisay in haweenka da'doodu u dhaxayso bartamaha ilaa dhammaadka soddonaadkooda ay lahaayeen fursad dhan 54% oo ay ku uuraysan karaan iyagoo adeegsanaya ukumo deeq-bixiyeyaal iyo daaweynta IVF. Heerkaas wuxuu hoos ugu dhacay qiyaastii 43% haweenka da'doodu tahay 49 sano iyo wixii ka weyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidoo kale, heerka dhalmada carruurta nool ayaa hoos uga dhacay 46% ilaa 32%, halka heerka dhiciskuna uu kor uga kacay 24% ilaa 38%.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale ogaadeen isbeddello la xiriira gabowga oo ku dhacay xuubka gudaha ee ilmo-galeenka, kaas oo ah meesha ukunta bacrimaysani ama uurjiifku ku dhego si uu u bilaabo koritaanka.

Inkasta oo dhumucda xuubkaasi ay ahayd mid isku dhow, haddana tayadiisa iyo xaaladdiisu waxay sii xumaanaysay marka da'du korodho.

Dr. Crestani waxay intaas ku dartay: "Natiijooyinkani waa inaysan niyad jabin haweenka doonaya inay maraan daaweynta ukumaha deeq-bixiyeyaasha, maaddaama heerarka guushu ay weli yihiin kuwo macno leh xitaa marka da'du aad u sarreyso.

"Si kastaba ha ahaatee, bukaannada waa in loo caddeeyo in ukumaha deeq-bixiyeyaashu aysan gebi ahaanba meesha ka saari karin saameynta gabowga taranka, gaar ahaan marka da'du ka weyn tahay 49 sano."

Daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in marka dhammaan uurjiifyada la heli karo la geliyo ilmo-galeenka, heerka dhalmada carruurta nool uu ahaa ku dhowaad 80% haweenka da'doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano, halka uu ahaa 62.5% haweenka da'doodu tahay 49 sano iyo wixii ka weyn.

Sharon Marshall, oo ah khabiirka taxaneyaasha telefishinka ee barnaamijka This Morning, ayaa muddo lix sano ah ku jirtay isku-dayo isdaba joog ah oo daaweynta IVF ah iyadoo ku jirtay afartamaadkeedii. Markii ay jirtay 46 sano ayay dhashay gabadheeda, Betsey.

"Waxaan aragnaa dad caan ah oo carruur dhalay iyagoo ku jira dhammaadka afartamaadkooda, billowga kontamaadkooda iyo xitaa da' ka sii weyn. Waan u dabbaaldegnaa guulahooda. Laakiin ma naqaan dhibaatada iyo xanuunka ay soo mareen."

"Markaan dib u milicsado, waxaan u malaynayaa inaan inta badan afartamaadkaygii ku qaatay xaalad xanuun iyo niyad-jab ah. Waxaan dareemayay inaan gebi ahaanba lumiyay awooddii aan ku maamuli lahaa jidhkayga, maaddaama aan mar kasta ku jiray isla habkan daaweynta oo soo noqnoqonayay."

Waxay sheegtay inay nafteeda la gashay ballan ah inay joojin doonto daaweynta marka ay gaadho 47 sano haddii IVF-gu uusan markaas guulaysan.

"Waxaan soo marnay labo uur oo naga soo dhacay ka hor intii aan ugu dambayn ku guulaysan wareeggii toddobaad ee daaweynta," ayay dib u xasuusatay.

Marshall waxay sheegtay inay welwel ku jirtay muddadii uurka oo dhan. "Marna ma aanan dareemin deggenaansho... ilaa daqiiqaddii gabadhaydu dhalatay."

Iyadoo ka hadlaysay natiijooyinka daraasaddan cusub, waxay tiri: "Waa inaan si daacad ah haweenka ugu sheegnaa caqabadaha ay la kulmi karaan iyo sida ay u adkaan karto in uur la qaado marka da'du sii korodho.

"Waxaan mudannahay inaan ogaanno xaqiiqadaas."

Sharon Marshall

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, "Marna hal mar ma aanan dareemin deggenaansho... ilaa waqtigii ay dhalatay," ayay tiri Sharon Marshall, oo halkan lagu sawiray iyadoo la jirta Betsey sannadkii 2018.

Khubarradu waxay adkaynayaan in caafimaadka ilmo-galeenka iyo ugxan-siduhu uu ku kala duwan yahay haweeney kasta, sidaas darteedna aan la isku wada mid ahayn.

Boqortooyada Midowday (UK) kama jiro xad da' oo sharci ah oo ka mamnuucaya daaweynta IVF, si ka duwan qaar ka mid ah dalalka Yurub, sida Giriigga, oo xadka ugu sarreeya uu yahay 54 sano.

Gudaha UK, haweenka da'doodu tahay ilaa 36 sano ayaa loo oggol yahay inay ku deeqaan ama wadaagaan ukumahooda.

Hay'adaha kormeera adeegyada taranka ayaa sidoo kale ka codsada rugaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay inay qiimeeyaan daryeelka iyo danaha ilmaha dhalan doona, iyo sidoo kale awoodda jireed ee haweeneyda qaadanaysa ukunta deeqda ah si ay uurka ugu qaadi karto si ammaan ah.

Dhanka kale, tilmaamaha Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS) waxay ku talinayaan in haweenka da'doodu tahay ilaa 40 sano la siiyo saddex wareeg oo daaweynta IVF ah, halka haweenka da'doodu tahay ilaa 42 sano la siiyo hal wareeg oo IVF ah.

Bukaannada isticmaala ukumo deeq-bixiyeyaal ah badanaa waa inay iyagu iska bixiyaan kharashka qaybtaas ee daaweynta.

Gudaha UK, dadka ku dhashay shahwo, ukumo ama uurjiif laga helay deeq-bixiyeyaal si rasmi ah u diiwaangashan ka dib 1-dii Abriil 2005, waxay hadda xaq u leeyihiin inay codsadaan macluumaadka lagu aqoonsan karo waalidkooda bayoolojiga ah marka ay gaaraan da'da 18 sano.

Natiijooyinka daraasaddan ayaa lagu soo bandhigay shirka Ururka Yurub ee Taranka Aadanaha iyo Embriyoolajiyadda (ESHRE), waxaana sidoo kale lagu daabacay joornaal caafimaad.

Isagoo ka faalloonaya daraasaddan, Prof. Borut Kovacic, oo ah guddoomiye-ku-xigeenka la doortay ee ESHRE, ayaa sheegay in cilmi-baarayaashu ay isku dayayaan inay si fiican u fahmaan "isdhexgalka" ka dhexeeya uurjiifka ku dhegaya ilmo-galeenka iyo xuubka gudaha ee ilmo-galeenka.

Wuxuu sheegay in inkasta oo daraasaddan cusub ay tilmaamayso da' gaar ah oo la xiriirta bilowga hoos-u-dhaca shaqada ilmo-galeenka, haddana xadkaas uusan ahayn mid go'an oo qof kasta si isku mid ah u khuseeya.

"Waxay daraasaddu siinaysaa bukaannada xog muhiim ah, waxayna saldhig wanaagsan u noqonaysaa cilmi-baaris mustaqbalka lagu raadinayo calaamado cusub, oo lagu ogaan karo gabowga ilmo-galeenka," ayuu raaciyay.

Dr. Ippokratis Sarris, oo ah guddoomiye-ku-xigeenka la doortay ee Ururka Bacriminta ee Britain (British Fertility Society), ayaa ku baaqay in cilmi-baaris dheeraad ah la sameeyo. Wuxuu sidoo kale sheegay in uurka haweenka da'da weyn uu la socon karo khatarro badan, sidaas darteed lammaaneyaasha bilaabaya daaweynta bacriminta ay tahay in la mariyo baaritaanno caafimaad oo dhammaystiran iyo latalin ku filan ka hor inta aan la bilaabin daaweynta.