You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo soo saaray shuruuc cusub oo Xajka ah
Maamulka Sucuudiga ayaa hirgeliyay xaddidaad da'da ah oo adag oo lagu soo rogay xujayda Xajka, iyaga oo ka mamnuucay carruurta ka yar 15 sano inay ka qayb‑galaan xajka sannadlaha ah, laga bilaabo xilliga Xajka 2025 isla markaana sii soconaya ilaa Xajka 2026.
Mas'uuliyiintu waxay xaqiijiyeen in fiisooyinkii la siiyay codsadayaal da'doodu ka yar tahay xadka la joojiyay, iyadoo shirkadaha diyaaradaha lagu amray inay ka hor istaagaan raacitaanka diyaaradaha xujayda ka yar da'da la cayimay.
Qoysaska ay saameysay tallaabadan ayaa heli doona lacag celin buuxda oo ku saabsan codsiyadii la laalay.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in go'aankan loo qaatay sidii loo hubin lahaa ammaanka iyo maareynta tirada dadka inta lagu guda jiro xajka, kaas oo ay ka soo qaybgalaan malaayiin cibaadaysanaya oo ka kala yimaada daafaha dunida.
"Carruurta ka yar 15 sano waxaa loo arkaa kuwo aad u nugul oo aan u adkeysan karin culayska jireed iyo khataraha ku xeeran xajka," ayay wasaaraddu tiri, iyada oo xustay walaacyada la xiriira daal, fuuqbax iyo shilal ka dhaca goobaha aadka la isugu ciriiriyo.
Inkastoo hadda da'da ugu yar loo dejiyay 15 sano, ma jiro xad da' oo ugu sarreeya oo xujayda ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka ka yar 18 sano waa inay la safraan wakiil ama mas'uul daryeela.
Xaddidaaddan ma khusayso Cumrada, taas oo weli u oggolaanaysa carruurta yaryar inay ka qaybgalaan, inkastoo xadeyn xilliyeedyo la saari karo marka ay jiraan waqtiyo gaar ah oo ciriiri uu jiro.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo nidaamka iyo badbaadada xajka, kaas oo weli ka mid ah kulannada ugu waaweyn ee sanadle ah ee dadku ku kulmaan caalamka.
Xujeydii ugu horreysay oo Soomaaliya ka socota oo gaartay Sacuudiga
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u billowday hawl‑galka sannadlaha ah ee Xajka, iyadoo dirtay dufcaddii ugu horreysay oo ka kooban 432 muwaadin kuwaas oo ka ambabaxay garoomada caalamiga ah ee Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa guddoomiyay munaasabadda dhoofinta ugu horreysa ee lagu qabtay caasimadda, taas oo astaan u noqotay billowga rasmiga ah ee hawl‑galka sannadlaha ah ee ugu adag dhinaca gaadiidka iyo isku‑xirnaanta caalamiga ah ee dowladdu fuliso.
Isaga oo la hadlayay muwaadiniinta baxaya iyo mas'uuliyiinta duulista, wasiir Roobow waxa uu xaqiijiyay "in dowladda efderaalka ay ku guuelysatay inay meesha ka saarto caqabadihii maamul ee taariikhiga ahaa ee horay u dib‑u‑dhigi jiray ama u adkayn jiray geeddi‑socodka Xajka."
Waxa uu bulshada u sheegay "in dhammaan habraacyada safarka, dejinta, iyo dukumeentiyada ay hadda si habsami leh u socdaan, isla markaana si sax ah waafaqsan jadwalka federaalka."
Wasiir‑ku‑xigeenka Caafimaadka, Maxamed Xasan Boolaale, ayaa isagana sheegay in horumar qaab‑dhismeed weyn ah lagu sameeyay hab‑raaca qaran ee Xajka.
"Dowladdu waxay si toos ah ugu dartay daryeel caafimaad oo dhammaystiran nidaamka saadka iyo abaabulka. Koox gaar ah oo dhakhaatiir ah ayaa si joogto ah ula socda xujayda si ay ula socdaan xaaladdooda caafimaad una bixiyaan gargaar caafimaad oo degdeg ah inta ay ku sugan yihiin Sacuudi Carabiya." Ayay sheegtay dowladda.
Dowladda Sacuudiga ayaa sanadaha qaar soo saarta shuruuc ku aaddan Xajka, iyadoo hadba loo eego xaaladda sida ay tahay.