You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu Ruushka u xirxiray culimada Muslimiinta?
Dhowr wadaad oo muslimiin ah iyo tiro dad ah oo bulshada laga dhex yaqaao ayaa dhawaan waxaa xabsiga dhigay ciidamada ammaanka ee Ruushka. In kasta oo warbaahinta dawladdu ay wax yar ka hadashay xarigooda, sheekooyin badan oo iyaga ku saabsan ayaa ka soo baxay internetka.
Marka loo eego warbaahinta midigta fog iyo kanaalada, xiritaankan ayaa bilow u ahaa olole la wada sugayey oo lagu baabi'inayey maamulka diinta ee Muslimiinta Ruushka, oo ah hay'adda Kremlin taageerto ee mas'uulka ka ah matalaadda Muslimiinta dalka.
Warbaahinta dibad joogga ah, dhacdooyinkani waxay calaamad u ahaayeen kor u kaca Islaam nacaybka ee Ruushka, iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay farta ku fiiqeen sharci cusub oo muran dhaliyay kaas oo mamnuucaya salaadda jameecada ee "dhismayaasha la dagan yahay " lagu dhex tukado taasoo caddayn dheeraad ah u ah isbeddelkan.
BBC Monitoring ayaa baaritaan ku sameysay mowjadda xarigga, falcelinta culimada maxalliga ah iyo cawaaqibka ka dhalan kara bulshooyinka Muslimiinta ee Ruushka.
Yaa la xiray oo dacwad lagu soo oogay?
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 8 wadaad oo Muslimiin ah iyo wakiilo ka socday bulshooyinka Islaamka ay xireen ciidamada ammaanka Ruushka bishii May 2026. Ugu yaraan mid ka mid ah ayaa markii dambe la sii daayay.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah Wissam Bardwill, muftigii hore ee Karelia. Mr. Bardwill ayaa lagu xukumay 15 maalmood oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyay "uu diiday amarrada booliiska" ee garoonka diyaaradaha ee Sheremetyevo May 14, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS ee ay dowladdu maamusho.
Sidoo kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay warbaahinta maxalliga ah ee Furtanga, May 12, Ciidama Amniga Federaalka ee Ruushka ayaa xiray fiqiga Ingush Akhmad Tangiyev iyo ku xigeenka Wissam Bardwil.
Shabakadda caanka ah ee Ruushka Lenta.ru ayaa sheegtay in Rael Asaynov, muftiga Jamhuuriyadda Mordovia, la xiray 19-kii Maajo isaga oo looga shakiyay "Laaluush", isagoo soo xiganaya ilo heer sare ah oo ka tirsan Golaha Muftiyda ee Ruushka.
Wargeyska ganacsiga ee Kommersant ayaa daabacay liis dheer oo maxaabiis ah 23-kii Maajo, isagoo soo xiganaya xafiiska warfaafinta ee garsoorka iyo baarayaal badan oo aan la magacaabin.
Sida uu sheegay Kommersant, Mohammed Khuni, oo ahaa madaxii hore ee urur diimeedka Woqooyi-Galbeed ee Muslimiinta, ayaa lagu xiray St. Petersburg. Mid ka mid ah qaraabadiisa, iyo sidoo kale Al-Sheikh Nidal Awadullah Ahmed, ku xigeenka muftiga gobolka Saratov ee Ruushka, ayaa sidoo kale la xiray.
Shabakadda ayaa sidoo kale daabacday magacyada afar qof oo kale oo la xiray. Xarunta baarista ee Agenstvo waxay u aqoonsatay inay yihiin wakiilada xarumaha bulshada Muslimiinta ee Tatarstan, Murmansk, iyo Petrozavodsk.
Maxaa loo xiray?
Xariggaan ayaa loo sameeyay sababo kala duwan oo isugu jira "Laaluush" iyo "adeecid la'aan ", laakiin dadka wax ka qora iyo saxaafaddu waxay soo jeediyeen eedeymo aad u culus.
Dukumentiyada kiiskan oo la sheegay in uu dib u eegis ku sameeyay wargeyska ganacsiga ee Kommersant 23-kii bishii May, ayaa lagu sheegay in tiro ka mid ah dadkan ay ku biireen ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ah urur laga mamnuucay Ruushka tan iyo 2003-dii.
Ruslan Ostashko oo u dhaq dhaqaaqa warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale ku celceliyay sheegashada xiriirka ay la leeyihiin Ikhwaanul Muslimiinka, balse wuxuu wadaadada la xiray ku tilmaamay tiir shanaad oo cusub oo wada shaqeyn la leh "hay'adaha sirdoonka shisheeye" iyo hay'adaha Midowga Yurub.
"Su'aasha si isa soo taraysa la isu weydiinayo ayaa ah: Tani ma qaab-dhismeed diimeed baa mise shabakad argagaxiso oo gacan shisheeye iyo xiriir caalami ah leh?" Ayuu ku yiri cod digniin ah.
Sida la filayo, kanaalada midigta-fog ayaa soo dhaweeyay warka xariga, iyagoo si cad u muujinaya rabitaanka muddada dheer ee dowladda si ay u caburiso Golaha Ruushka ee Muftiyaasha.
Kanaalka midigta fog ee Monarchy ayaa qoray Maajo 19: "Ciidamada amniga ee geesigyaasha ah ee Ruushka waxay ugu dambeyntii la tacaaleen kiciyeyaasha iyo waxa loogu yeero 'xalaal cunayaasha' (iyaga oo u isticmaalaya ereyadaas liiditaan) ee Maamulka Diinta Islaamka ee Ruushka, kuwaas oo hurinaya khilaafka diimeed ee Ruushka."
Kanaalka ayaa ku daray: "Waxaan rajeynayaa in tani ay tahay bilow!"
Qoraal gaar ah oo meel ka dhac ah oo uu qoray blogger Yuri Baranchik bishii Maajo 21, ayaa lagu yiri: "Dadkan u janjeera dhaqdhaqaaqa gurracan ee waxa ay ugu yeeraan 'Islaamaynta' iyo 'fidinta xijaabka ee bulshada Ruushka' ayaa muddo dheer mudnaa in xabsiga loo taxaabo