You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gudaha meel loo yaqaano "Xabsiga cayilka" oo maalintii qofka laba jeer la miisaamo
- Author, Sarah Bell
- Role, Weriye BBC
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Muuqaallo ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya dad ku jimicsanaya goob jimicsi oo weyn, oo saf ugu jira cunnada kafateeriyada, iyo qolalka hurdada oo sariiro ay yaallaan.
Xaruntan cusub ee isboorti ma ahan goob isboorti oo raaxo leh, balse waa xero miisaan dhimis oo loo qaabeeyey xerooyinka militariga ee Shiinaha. Waxay dadka qaar ku tilmaameen "xabsiyada cayilka", waxay ka kooban tahay mamnuucid adag oo cunnada fudud ah, waxayna u baahan tahay ardayda inay is miisaamaan laba jeer maalintii.
Warbixinnada warbaahinta Shiinaha ayaa tilmaamaysa in ku dhawaad 1,000 kaamamkan oo kale ah ay ku yaalliin guud ahaan Shiinaha, waddan sidoo kale la tacaalaya dhibaatada buurnida adduunka. Qaddar $600 ah waxaad ku helaysaa joogitaan bil ah oo ay ku jiraan hoy, cunto, iyo xisado jimicsi oo maalinle ah.
Hal-abuuraha hawshan TL Huang ayaa u sheegtay barnaamijka What in the World ee BBC in ay " dareentay in ay xabsiga ku jirto" sababtoo ah kama aysan bixin xerada 28 maalmood oo ay ku qasbanaatay in ay la socoto miisaankeeda.
Waxay tiri: "Macalimiintayadu waxay u joogeen inay na kormeeraan, si ay u hubiyaan in aynaan ku dhuuman karin cunto aan caafimaad qabin, iyo inaan ka qayb galno dhammaan fasallada. Nalooma ogolayn inaan ka maqnaanno xiisadaha ama aan ka baxno xerada sababo macquul ah mooyaane.
Khubarada nafaqadu waxay ka digeen in hababka adagi ay leeyihiin khataro jireed iyo mid maskaxeed oo daran.
Tababaraha gaarka ah iyo nafaqeeyaha Luke Hanna ayaa leh: "Xeryaha qaar ayaa lagu soo waramayaa inay ujeedadoodu tahay inay kaa caawiyaan inaad lumiso hal kiilo oo miisaan ah maalintii. Tani waxay aad uga fog tahay waxa loo arko inay badbaado u tahay xitaa dadka waaweyn ee kormeerka caafimaadka".
Laakin sidee bay xerooyinkaas u shaqeeyaan, sideese caannimadaas ku heleen?
Huang waxa ay sheegtay in marka hore ay xeryahan ka maqashay hooyadeed oo Shiinees ah. Caafimaadkeedu wuu sii xumaanayey ka dib markii ay kaligeed u safartay Shiinaha, halkaas oo ay ku wayday hawl-maalmeedkeedii caadiga ahaa oo ay si aad ah ugu tiirsanayd cuntada ay qaadato.
Muddo saddex sano ah, Huang waxa ay sheegtay in ay ku kororay ilaa 20 kiiloogaraam, taas oo keentay in ay faallooyin ka bixiyaan qaraabadeeda oo dareensiisay in la gaaray xilligii isbeddelka.
Waxay intaa ku dartay: "Waxaan dareemayay in la igu caayayo culeyskeyga dartiis, laakiin isla mar ahaantaana, waxaan u maleynayaa inay i siinayeen talo daacad ah oo adag".
Imaanshaha xerada waxay ahayd "naxdin dhaqameed aad u weyn," laakiin Huang waxay leedahay dareen xoog leh oo saaxiibtinimo ah ayaa ka dhex muuqday ka qaybgalayaasha, iyadoo xiriirkoodu uu sii qoto dheereeyay safarkooda miisaan dhimista.
Maalin kasta waxay ku bilaabataa 7:30 a.m. ee subaxnimo, waxaana ku jira afar saacadood oo jimicsi ah, oo ay ku jiraan xilliyada baaskiilka, boodboodka trampoline, tababbar aad u culus oo wakhti uu u dhaxeeyo jimicsiga culus ee Tabata, iyo tababarka miisaanka.
Quraacdeeda waxa kale oo laga yaabaa inay ka kooban tahay afar ukun oo la karkariyey, xabbad yaanyo ah barked, iyo laba xabbo oo qajaar ah. Waxaa jira fiidiyow ay Huang dib ugu eegayso qadadeeda oo ay ku jiraan shrimp, khudaarta la kariyey, tofu ama kalluunka la uumiga lagu bisleeyey, celery, khudradda cagaaran oo la kariyey.
Waxay sheegtay in cuntooyinku ay "wanaagsan yihiin, isku dheeli tiran yihiin oo loogu talagalay in ay noqdaan kuwo u dhadhamaya sida cunnada Shiinaha ee maalinlaha ah".
Ka qaybgalayaasha waxaa looga baahan yahay inay ka soo qaybgalaan fasalka ugu dambeeya ee hal saac cashada ka dambeeya ka hor inta aan la gelin miisaanka labaad ee 7:30 p.m., ka bacdina way qubaysan karaan oo nasan karaan.
Huang waxa ay sheegtay in nidaamku uu "aad ugu cusbaa" iyada usbuucii ugu horreeyay, laakiin waxay markii dambe ogaatay inay u baahan tahay inay ku sii adkaysato saddex toddobaad oo kale. Xiriirinta asxaabteeda ayaa ka caawisay inay adkaysato.
In kasta oo ay ku sifaysay goobta mid u eg xabsi, Huang waxa ay aaminsan tahay in ay u qalantay, maadaama ay lumisay 6 kiiloogaraam 28 maalmood gudahood.
"Waxay i siisay billow cusub, waxayna i siisay amarkii aan u baahnaa," ayey tiri Huang.
Khubaradu waxay ku baaqayaan taxaddar. Tusaale ahaan, Luke Hanna, oo ah tababare jir dhis oo fadhigiisu yahay London ayaa sheegay in habka xerooyinkani ay si gaar ah walaac uga qabaan sababtoo ah marka miisaanka la lumiyo, jirku wuxuu lumiyaa unugyada muruqa marka lagu daro baruurta. Sidaa darteed, isticmaalka hababka xad dhaafka ah sida tabobarka xad-dhaafka ah waxay kordhisaa suurtagalnimada luminta unugyada muruqa.
Tani waxay noqonaysaa mid aad khatar u ah marka ay tahay carruurta ama dhalinyarada sidaan miisaanka u luminaya.
Waxa uu intaa ku daray in "tani ay caqabad ku noqon karto koritaanka caadiga ah, taas oo saameyn karta dhererkaaga ugu dambeeya iyo caafimaadka lafaha".
Tani waxay sidoo kale keeni kartaa dhibaatooyin nafsi ah, sida khatar aad u korortay oo ah inay ku dhacaan khalkhal cunto.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Dadka qaar ayaa miisaankooda luminaya xaddi badan, taasoo u muuqata mid soo jiidasho leh, laakiin qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa si degdeg ah u soo ceshanaya marka ay noloshooda caadiga ah ku soo laabtaan, sababtoo ah dhibaatooyinka asalka u ah ayaan wax laga qaban".
Adeegga Caafimaadka Qaranka UK (UK's National Health Service) wuxuu ku talinayaa in tartiib tartiib loo dhimo miisaan u dhexeeya 0.5 iyo 1 kiiloogaraam.
Hanna waxa uu sheegayin dadku ay taas beddelkeeda diiradda saaraan isbeddelada tartiib tartiibta ah ee caadooyinkooda maalinlaha ah gudaha deegaankooda caadiga ah, iyagoo ku raaxaysanaya cuntooyin joogto ah, cunto nafaqo leh, helitaanka borotiin ku filan, iyo jimicsi si ay u horumariyaan xirfado, ciyaaro, iyo madadaalo, ma aha ciqaab ahaan.
Dhab ahaantii, fiidiyoow Instagram ay soo dhigtay ayaa TJ Huang waxay ku sheegtay in qaybta ugu adag ay tahay inay guriga ku soo noqoto, sababtoo ah jirkeedu ma ogaanin waxa ay dareemayso inay cunayso cunto "caadi ah".
Cuntooyinka caafimaadka qaba waa inay ku jiraan ugu yaraan shan qaybood oo khudaar ah maalin kasta, oo ay la socdaan 150 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq jireed ah todobaadkii.
Cabitaanka biyaha halkii cabitaanka sonkorta leh, iyo xaddididda qaadashada cuntooyinka dufanka iyo sonkorta ku badan yihiin ayaa sidoo kale ku caawin kara.