You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Xoghayaha difaaca Maraykanka oo sheegay in Iiraan ay samayso heshiis ‘Maangal ah’ iyadoo Pakistan ay filayso in Iran ay ka qaybgasho wada-hadallo ‘caawa’.

Hadalka Xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa yimi iyadoo wasiiradda arrimaha dibadda ee Pakistan iyo Iiraan ay wadahadal yeesheen

Tebin toos ah

  1. Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah hoggaamiyaasha sare ee al-Shabaab.

    Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya.

    Hoggaamiyahan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul ballaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.

    Haddaba, waa kuma hoggaamiyahan, oo maxaynu ka naqaan noloshiisa Shabaab kahor, iyo hadda ba?

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

  2. Warbaahinta Iiraan oo shaacisay war dhankooda ka soo kordhay

    Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu Jimcaha bilaabi doono safar uu ku tagayo Islamabad, Muscat, iyo Moscow.

    Ilo ka tirsan dowladda Pakistan ayaa hortry BBC u sheegay in Araghchi la filayo inuu caawa yimaado Islamabad.

    Si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ka timid dhinaca Iran ama Maraykanka.

    IRNA waxay sheegtay in ujeeddada safarka Araghchi ay tahay inuu qabto wadatashiyo laba geesood ah isla markaana kala hadlo horumarrada hadda ka jira gobolka, iyo sidoo kale xaaladdii ugu dambeysay ee dagaalka gobolka ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhana iyo Iiraan.

  3. Safiirka Iiraan u fadhiya Geneva, oo war cusub soo saaray

    Cali Baxreyni, oo ah danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay inuu soo afjaro go'doominta uu ku hayo dekedaha Iran haddii la rabo in wadahadalladu sii socdaan.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka World at One ee BBC Radio 4, wuxuu sheegay in go'doomintu ay tahay "xadgudub weyn" oo ka dhan ah xabbad-joojinta, wuxuuna intaas ku daray in marka ay dib ugu laabanayaan wadahadallada ay u baahan yihiin "hab macquul ah oo ka yimaada Mareykanka, kaas oo lagu aqoonsanayo xuquuqda Iran iyo dalabaadkeeda caqligalka ah."

    Wuxuu sidoo kale intaa raaciyay inaysan doonaynin inay wadahadallada u galaan si ay "dhinaca kale" fursad ugu siiyaan inay ugu diyaar-garoobaan weerar ka dhan ah Iran.

    Donald Trump ayaa horay u sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan howlgalada haddii la amarro.

    Baxreyni ayaa sidoo kale iska fogeeyay soo-jeedinnada sheegaya inay jiraan kala qaybsanaan u dhaxaysa madaxda sare ee Iran oo ku saabsan sida loo wajaho xaaladda. Wuxuu sheegay in taa beddelkeeda uu dhibku yahay Mareykanka, kaas oo uu ku tilmaamay inuu "ka buuxo iska horimaad" iyo kala qaybsanaan.

  4. Hadal adag oo xoghayaha difaacada Maraykanku sheegay xilli wadahadallada Pakistan rajo laga muujinayo

    Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa maanta oo jimce ah ku adkeystay in Mareykanku uusan ku degdegayn inuu heshiis la galo Iran, isagoo muujiyay mowqif adag xilli uu qabanayey shir jaraa'id oo uu uga digay in go'doominta Mareykanka ee Marinka Hormuz ay tahay mid "kordhaysa oo caalami noqonaysa."

    Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku uusan "u hamuun qabin" inuu heshiis gaaro, isagoo ku celiyay hadalkii Madaxweyne Donald Trump ee Khamiistii kaas oo ahaa inuusan dareemayn wax cadaadis ah oo ku saabsan inuu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

    "Waxaan haysannaa waqti kasta , uma haraadanayn heshiis," ayuu Hegseth ka yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay Pentagon-ka. Wuxuu xusay in Iran ay "fadhido meeshii laga go’aan qaadan lahaa" si loo gaaro heshiis udub-dhexaadkiisu yahay in nidaamka Tehran ka tanaasulo barnaamijka hubka nukliyeerka.

    Hadalladan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid qaab-hadalka maamulka ka dib markii Trump uu kordhiyay xabbad-joojinta horaantii usbuucan, isagoon cayimin inta ay soconayso. Maalmihii hore ee iskahorimaadka, Trump wuxuu sheegay inuu dagaalku qaadan doono afar ilaa lix toddobaad.

    Balse, dagaalka ayaa hadda ku dhow calaamadda labada bilood iyadoo aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Iran ay doonayso inay ka tanaasusho hankeeda nukliyeerka.

  5. Xog cusub oo ku saabsan dhanka Iiraaan ee wadahadallada Pakistan

    Wufuud ka socota dalka Iran ayaa caawa la filayaa inay gaaraan dalka Pakistan si ay wadahadallo u yeeshaan, sida ay ilo wareedyo u sheegeen BBC-da.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa la filayaa inuu caawa gaaro magaalada Islamabad, sida ay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Pakistan u sheegeen BBC-da.

    Ilaa hadda ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ka timid dhinacyada Iran ama Mareykanka.

    Tallaabadan ayaa timid saacado yar ka dib markii Araghchi uu khadka taleefanka kula hadlay ku-xigeenka ra'iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan, si ay uga wada hadlaan "arrimo la xiriira xabbad-joojinta", balse ma uusan cayimin inay tahay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran u dhaxaysa iyo inay tahay tan Lubnaan iyo Israa'iil.

  6. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  7. Ciidamada Israa’iil oo war cusub soo saaray

    Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay inay saaka weeraro ka fuliyeen koonfurta Lubnaan, ka dib markii ay warbaahinta Lubnaan sheegtay dhacdooyinkaas.

    Wakaaladda Wararka ee Lubnaan ayaa mar sii horreysay sheegtay in Israa’iil ay aroornimadii hore weerartay magaalada Touline iyo aagga Kherbet Selem, iyadoo lagu sifeeyay weerarkaas mid ay fuliyeen "diyaaradaha dagaalka" iyo "madaafiicda goobta".

    Qoraal ay IDF soo dhigtay barta X, waxay ku sheegtay inay weerartay "dhismayaal milatari oo ay leedahay Xisbullah" oo ku yaalla aaggaas, taasoo ay ku tilmaameen mid "jawaab looga dhigayo gantaalladii ay Xisbullah shalay ku tuurtay deegaanka Shtula".

    Qoraal kale oo hore oo ay IDF soo dhigtay X ayaa lagu sheegay inay xalay soo rideen dhowr gantaal oo laga soo tuuray dhanka Lubnaan, iyadoo dhawaqa digniinta laga maqlay aagga Shtula. Kooxda Xisbullah ayaa iyaduna barta Telegram-ka ku sheegtay inay fulisay weerarkaas.

    Xisbullah iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu jebiyay heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee horay loo gaaray.

  8. Wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Pakistan oo wadahadal yeeshay

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa saraakiil sare oo Pakistaniyiin ah ayaa ka wadahadlay colaadda jirta, xilli Pakistan ay diyaar u tahay inay martigeliso wadahadallo nabadeed oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan.

    Abbas Araghchi ayaa qoraal uu soo dhigay barta Telegram-ka ku sheegay inuu wadahadallo la yeeshay Ishaq Dar, oo ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan, Field Marshal Asim Munir.

    Wuxuu sheegay inay ka wadahadleen "horumarrada gobolka iyo arrimaha la xiriira xabbad-joojinta." Araghchi ma uusan cayimin inuu ka hadlayay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran, tan u dhexaysa Israa’iil iyo Lubnaan, iyo haddii uu labadaba u jeeday toona.

    Caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan, iyadoo ay jirto suurtogalnimada inay halkaas ku kulmaan wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo Iran.

  9. Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo ay leedahay Pakistan

    Burcadbadeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay afduubteen markab shidaal meel u dhow Gacanka Cadan, iyagoo afduubtay shaqaalihii saarnaa.

    Waxaa walaac laga muujiyay badqabka muwaadiniinta reer Pakistan ee saarnaa markabkaas.

    Xogtan waxaa qoraya dhowr wargeys oo ka soo baxa gudaha Pakistaan.

    Wargeyska Daily Pakistan ayaa qoraya in Markabka ay saarnaayeen 11 qof oo shaqaale ah oo u dhashay Pakistaan, kuwaas oo weli gacanta ugu jira burcadka, sida uu wargeysku qoray.

    Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, markabka oo lagu magacaabo Owner 25 ayaa la weeraray oo ay qabsadeen burcad badeeddu.

  10. Mas’uuliyiin Mareykan ah oo arriin aan laga fileyn ka sheegay awoodda milatariga Iiraan

    Mas'uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in Iiraan ay leedahay awood militari oo ka xooggan tan uu si cad u qirtay maamulka Trump, sida ay werisay warbaahinta CBC News .

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, oo soo xiganaysa saraakiil iyo ilo sirdoon, kala bar gantaalada ballistic-ga ah iyo nidaamyada gantaalada ee Iiraan ayaa weli yihiin kuwo xooggan.

    Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in 60% ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil.

    Waxaa jira maraakiib dagaal oo yar yar oo si dhakhso ah u socda, Iiraanna waxay adeegsanaysaa doomahan si ay u weerarto maraakiibta jebisa xayiraadda saaran marin biyoodka Hormuz.

    Sida laga soo xigtay warbixinta, ciidamada cirka ee Iiraan ayaa si xun u waxyeeleeyay weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil, laakiin si buuxda looma burburin.

    Saraakiil Mareykan ah oo codsaday inaan la aqoonsan, ayaa u sheegay CBS News in saddex meelood laba meel ciidamada cirka ee Iiraan ay weli shaqeynayaan.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha militariga Mareykanka, oo uu ku jiro Donald Trump, ayaa militariga Iiraan ku tilmaamay inay yihiin kuwo gebi ahaanba la musuqmaasuqay.

    "Waxaan burburinay ciidamadooda badda, waxaan burburinay ciidamadooda cirka, waxaan dilnay hoggaamiyeyaashooda," ayuu Trump ku celiyay Talaadadii.

    Sidoo kale akhri

  11. Askari Mareykan ah sharad ku galay $400,000 in la soo qabanayo madaxweyne Maduro oo la xiray

    Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay, in askari ka tirsan ciidamada gaarka ah la xiray, ka dib markii lagu eedeeyay inuu sharad ku galay in ka badan afar boqol oo kun oo doolar ($400,000) in xilka laga qaadayo madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro.

    Saacado ka hor inta uusan Madaxweyne Trump ku dhawaaqin in Nicolás Maduro la qabtay, Gannon Ken Van Dyke, ayaa la rumeysan yahay inuu dhigay sharadi ku saabsan, in Maduro xilka laga qaadi doono iyo in Maraykanku weerari doono Venezuela.

    Taxanaha sharadahaasi waxay si degdeg ah u kicisay shaki, taasoo keentay baaritaan dheer.

    Mr Van Dyke, wuxuu wajahayaa dacwado dhowr ah, oo ay ku jiraan khiyaano dhanka elektaroonik ah iyo sameynta lacag sharci darro ah.

    Haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi ilaa konton sano ah.

  12. Afartii nin ee Ingiriiska kala heshiisay xornimada Somaliland

    Lixdan iyo saddex sano kahor, madax ka socota Somaliland ayaa u safray London, oo ahayd xarunta dhexe ee Wasaaradda Mustacmaradaha. Wafdigaas waxaa hoggaaminayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda.

    Waxaa se wehliyay Axmed Xaaji Ducaale (Keyse) oo ahaa Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah, Cali Garaad Jaamac oo ahaa Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhsiinta iyo Xaaji Ibraahim Nuur oo ahaa Wasiirkii Adeegga Bulshada iyo xubno kale oo farsamo. Afartu waxay kala matelayeen labo xisbi oo isbaheysi ku jiray, oo haddana ahaa kuwa ugu saameynta weyn Somaliland.

    Waa Xisbiga Ururka SNL loo soo gaabiyay ee Somali National League oo ay matelayeen Cigaal iyo Axmed Keyse iyo kan Xisbiga midnimada Soomaalida ee USP oo ay ka socdeen Cali Garaad Jaamac iy Xaaji Ibraahim Nuur. Waxay London kula yeesheen Wasaaradda Mustacmaradaha ee Ingriiska shir socday 10 maalin oo ay ku doonayeen xornimada Somaliland. Shirkaas waxaa lasoo gebogabeeyay 12kii May, 1960kii iyada oo lagu saxiixay in Somaliland xornimo qaadato 26 Juun 1960. Waxa heshiiskaa qalinka ku duugay mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo mudane Iain Macleod, Xoghayihii Xafiiska Mustacmaradaha Biritayn.

  13. Sirkad weyn oo shaqaale dhimis ballaaran sameyneysa

    Shirkadda Meta ayaa sameyn donta shaqaale dhimis ballaaran bisha soo socota, maadaama ay ku bixiso in ka badan sidii hore mashaariicda garaadka macmalka ah (AI).

    Shirkaddu waxay shaqaalaha u sheegtay warqad ay soo saartay Khamiistii inay qorsheyneyso inay 10% ka jarto shaqaalaheeda - qiyaastii 8,000 oo shaqaale ah. Waxay sheegtay inaysan sidoo kale buuxin doonin kumanaan shaqo oo kale oo furan oo ay shaqaaleysiineysay.

    Meta ayaa barnaamijka AI ku bixin doonta lacag gaareysa $135 bilyan (£100 bilyan) sanadkan.

    Tani waxay qiyaastii la mid tahay lacagtii ay ku bixisay AI saddexdii sano ee la soo dhaafay marka la isku daro.

    Afhayeen u hadlay Meta ayaa xaqiijiyay shaqo dhimista la qorsheeyay laakiin wuu diiday inuu faallo dheeraad ah ka bixiyo.

    Mark Zuckerberg, aasaasaha iyo madaxa fulinta ee Meta, ayaa bishii Janaayo soo bandhigay faallooyin dadweyne oo sheegaya in shirkaddu ay joojin doonto shaqooyin sanadkan.

  14. Shan waxbood oo ay dumarka marnaba rabin inay ragga u sheegaan

    Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.

    Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.

    Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.

    Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shan arrimood oo aysan ahayn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda:

    Ha kala hadlin inta nin ee aad soo shukaansatay

    Waa inaadan seygaaga u sheegin amaba u faahfaahin inta nin ee ay sheeko kaala dhaxeysay kahor intaydaan is guursan.

    Haddii aad arrimahaas kala hadasho una faahfaahiso, isla markaana ay raggaas isaga ka horreeyay aad u badan yihiin, waxaa laga yaabaa inuu kuu qaato qof xun.

    Sidaas darteed, haddii uu ku weydiiyo inta rag ee aad la soo sheekeysatay, intaad qososho waxaad tiraahdaa: ''Aan iska deyno hadalka waxaas".

  15. Markab kale oo diyaaradaha dagaalka xambaara oo ku sii siqaya Bariga Dhexe

    Markabka xambaara diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ee USS George H. W. Bush (CVN-77), ayaa ku soo dhowaanaya Bariga Dhexe, wuxuuna galay qaybta hawada ee taliska, sida laga soo xigtay CENTCOM".

    CENTCOM ayaa sawir soo dhigtay X-Net, sawirkaas oo muujinaya markab nooca Nimitz-class ah oo ku socda Badweynta Hindiya.

    Ma cadda in markabku uu ku biiri doono ciidamada hadda ka jira gobolka ama uu beddeli doono mid ka mid ah, taasoo ah arrin ay warbaahinta qaar ka ku warramayaan.

    Horay, CENTCOM, oo ah Taliska Dhexe ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa ku dhawaaqday in markabka diyaaradaha ee ugu weyn adduunka, USS Gerald R. Ford (CVN-78), uu wali ka shaqeynayo Badda Cas, isagoo taageeraya amniga badda ee Markabka Shanaad ee Mareykanka.

    Sidoo kale akhri

  16. Faahfaahin ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria.

    Dhalinyaradan oo gaaraya ilaa 17 ayaa la sheegay inay geeriyoodeen 17-kii bishan April.

    “Waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda raadinaya ayaa i soo wacay, kadib waxaan tegay labo isbitaal oo u dhow goobta uu shilka ka dhacay,isbitaalki ugu horreeyay hal qof oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa talaagada ku jiray, isbitaalka labaadna waxaan kula kulmay 11 rag ah iyo shan gabdhood oo Soomaali ah, ayuu yiri Amb Yuusuf Jeego oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria oo BBC-da u warramay.

    Soomaalidu keliya ma aha ee dad kale oo iyagana ka soo jeeda wadamada Afrika ayaa sidoo kale saarnaa doonta.

    Dhalinyaradan ayaa ku geeriyooday gobol la yiraahdo Abu Mardaas oo ka tirsan Algeria.

    Lama oga halkii ay ka soo kicitantay doonta qalibantay ito halka lagu aasi doono dhalinyartaas.

    Sawirada dhalinyarada geeriyooday waxaa laga heli karaa bogga wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayuu yiri wasiirka.

    Wadada u dhaxaysa Waqooyiga Afrika iyo Spain waa mid ka mid ah dhowrka waddo ee ay isticmaalaan dadka soogalootiga ah ee doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaas oo inta badan ku safra doomo aad u buux dhaafiyay oo aan u qalmin inay badda maraan.

    Mas'uuliyiinta Aljeeriya weli ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan musiibadii ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa diyaaradda ama sida ay doontu u degtay.

  17. Trump oo la weydiiyay inuu hubka nukliyeerka u isticmaali doono Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iiraan, isagoo sheegay in Mareykanka uu ku gaaray yoolkiisa milatari habab ku habboon.

    Trump ayaa yiri: "Maxaan ugu baahan doonaa taas?" markii weriye uu weydiiyay inuu hubka nukliyeerka u adeegsan doono Iiraan, isagoo su'aashaas ku tilmaamay "wax aan macquul ahayn."

    Wuxuu intaas ku daray: "Maxaan u isticmaali lahaa hubka nukliyeerka iyadoo aan horey u burburinay wax kasta oo aan awoodnay la'aantiis?"

    "Hubka nukliyeerka waa in aan marnaba loo isticmaalin cidna," ayuu yiri Trump.

    Sidoo kale akhri

  18. Maxaad ka taqaan kooxda ka awoodda badan Xamaas ee reer Israa'iil baqdinta ka muujiyeen? - warbixin hore

    Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen beeraleyda lagu muransan yahay ee Shebaa, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah u garab taaganyihiin shacabka Falastiin kadib weerarkii aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil.

    Xilligaasi Israa'iil ayaa ku jawaabtay madaafiic ay ku garaacday koonfurta Lubnaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

    Iyada oo ay taageerto Iran, kooxda shiicada ah ayaa ka soo dhex baxday koox la aasaasay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1975-kii illaa 1990-kii, waxayna noqdeen ciidan aad u hubaysan oo awood weyn ku leh dowladda Lubnaan. Dowlado uu Maraykanku kamid yahay ayaa waxay u arkaan urur argagixiso.

    Qoraal uu daabacay waregeys Israa'iili ah ayaa xaalad walaac leh ku tilmaamay xiisadda sii siyaasedysa ee uruka Xizbullah iyo Israa'iil oo dagaalo laxaad leh ay horay u dhexmareen.

    Asalka kooxda

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa aas aasay Ururka Xisbullah sanadkii 1982-kii, si ay u dhoofiyaan Kacaankeeda Islaamiga ah ayna ula dagaallamaan ciidamada Israa’iill ee duullaanka ku soo qaaday Lubnaan.

    Awoodda millitari

  19. Kanini ay Soomaalidu aad u isticmaasho oo la ogaaday inuu hoos u dhigo khataraha kansarka

    Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.

    Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.

    Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.

    Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.

  20. Ergeyga Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobe oo sheegay in xabbad-joojintu ahayn 100%

    Ergayga Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuusan hubin in xabbad-joojinta cusub ee la kordhiyay ay si buuxda u joojin doonto colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo ururka Xisbullaah ee ay taageerto Iiraan, kaas oo ka dagaallama Lubnaan.

    “Dowladda Lubnaan wax xakameyn ah kuma lahaXisbullaah” ayuu yiri Danny Dannon oo wareysi siiyay CNN.

    “Xisbullaah waxay ridaysaa gantaallo si ay u burburiso xabbad-joojinta, Israa’iilna waa in ay ka jawaabtaa, Mar kasta oo aan aragno hanjabaad, waan inaan tallaabo qaadnaa.”

    Hadalladiisa ayaa imaanaya kadib markii safiirrada Israa’iil iyo Lubnaan ee Mareykanka ay ku kulmeen Aqalka Cad, halkaas oo Trump uu ku dhawaaqay muddo kordhin saddex toddobaad ah oo lagu sameeyay xabbad-joojintii hore ee 10-ka maalmood ahayd.

    “Waxaan rajeynayaa… in ciidanka Lubnaan ay dhab ahaantii awood u yeeshaan inay hirgeliyaan oo ay dhaqan geliyaan xabbad-joojintan," ayuu yiri Danny Dannon