Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta lagu wado in heshiis uu la saxiixo Iran, ka dibna marin biyoodka Hormuz si degdeg ah loogu furi doono maraakiibta.
Trump waxa uu carabka ku adkeeyay baraha bulshada in heshiiskan uu Iran ka hor istaagayo in ay hesho hubka Nukliyeerka ah, isla markaana aan wax lacag ah la siin doonin Iran.
Hadalkan ayaa yimid saacado ka dib markii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei uu sheegay in "isfaham kasta oo suurtagal ah oo lala yeesho Maraykanka uu noqon doono oo kaliya qaab lagu sii wado wadahadalka.
Ma noqon doono heshiis kama dambays ah oo u dhexeeya labada dal." Hadalo kale oo laga sii daayay telefiishanka Iran, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in heshiiska is-faham ee la filayo in ay la yeeshaan Mareykanka aan la saxiixi doonin Axadda.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio ayaa uga digay dhiggiisa India in aan loo dulqaadan doonin xadgudub kasta oo lagu sameeyo cunaqabateynta lagu soo rogay Iran.
Waxa uu sidoo kale ka digay waxa uu ugu yeeray in si sharci darro ah shidaalka Iran loogu wareejiyo marin biyoodka Hormuz.
Baaqan ayaa yimid ka dib markii Hindiya ay ka mudaaharaadday dilka saddex badmaax oo Hindi ah oo lagu dilay weerar Maraykanku ku qaaday markab ganacsi horaantii todobaadkan.