You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Georgia Meloni: Kabalyeeri (adeegto maqaayad) ilaa Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga
Giorgia Meloni waxay xafiiska la wareegtay Oktoobar 22, 2022, iyadoo hogaaminaysa dawladdii garabka midig ee ugu horeysay ee Talyaaniga tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.
Meloni waxay wax ka aasaasay "Walaalaha Itaaliya" sanadkii 2012, waxayna hogaaminaysay ilaa 2014-kii.
Xisbiga ayaa ku guuleystay 26% codadkii la dhiibtay doorashadii 2022, taasoo siisay isbaheysiga Meloni aqlabiyadda labada aqal ee baarlamaanka Talyaaniga. Meloni waxay siyaasadda ku soo biirtay iyada oo jaamacad ku jira .
Maxay Meloni samayn jirtay ka hor intii aysan Ra'iisul wasaare noqon
Giorgia Meloni waxay ku dhalatay 5 Janaayo 1977 agagaarka Garbatella, koonfurta Rome. Waxa ay hoy u ahayd dad aad u tiro badan oo shaqaysta, deegaankuna waxa uu dhaqan ahaan u ahaan jiray xarunta saamaynta garabka bidix .
Xitaa maanta, xisbiga Giorgia Meloni halkan kama helo codad badan. Laga soo bilaabo maalmaheedii hore ee kulliyadda, Giorgia waxay ku biirtay garabka dhalinyarada ee Dhaqdhaqaaqa Bulshada Talyaaniga.
Dhaqdhaqaaqan ayaa waxaa bilaabay dhowr hogaamiye oo ka tirsan fikirka Faashiistaha ee Talyaaniga ka dib markii la riday Benito Mussolini 1946. Waqtigaas, fidinta fikirka garabka bidix ayaa ku sii korortayay Talyaaniga.
Meloni ma awoodin in ay gasho jaamacad lacag la'aan darteed, sidaas darteed waxa ay ku baratay luqado kala duwan kulliyad maxalli ah.
Georgia waxay ka soo shaqeysay shaqooyin kala duwan, oo ay ku jiraan ka shaqaynta meelaha lagu caweeyo, sida inay kabalyeeri (adeegto) ka ahayd maqaayadaha, iyo xannaanaynta carruurta.
Sannadkii 1996-kii, iyadoo 19 jir ah, waxa ay ku biirtay Xisbigii Isbahaysiga Qaranka iyada oo shaqaale ah.
Markii ay amaantay Mussolini
Warbixin muuqaal ah oo 1996-kii, Giorgia waxay ku sheegtay "Waxaan u maleynayaa in Mussolini uu ahaa siyaasi wanaagsan, wax kasta oo uu sameeyay, wuxuu u qabtay Talyaaniga. Ma aanan helin siyaasi isaga la mid ah 50kii sano ee la soo dhaafay".
Hadalkan ayay ku sheegtay waraysi ay siisay mid ka mid ah TV-yada Faransiiska. Intaa ka dib ayaa si fiican loo bartay.
Georgia hooyadeed ayaa sidoo kale ka soo muuqatay muuqaalkan, oo la sii daayay 1996. Laakiin hooyada ayaa sheegtay in aysan isku dayin in ay ku dhiirigeliso gabadheeda fikradda garabka midig.
Dhaqdhaqaaqa Bulsho ee Talyaanigu, oo ka bilaabmay xukunkii Mussolini, ayaa markii dambe u xuubsiibtay Xisbiga Isbahaysiga Qaranka, halkaas oo Giorgia ay sidoo kale hoggaaminaysay garabka ardayda.
Guusheedii markii ay jirtay da'da 11
Markii ay jirtay da'da 11, Georgia waxay akhriday sheeko-yaqaanka JRR Tolkien ee 'Lord of the Rings'. Waxay kaloo jeceshay inay u labisato sida hiwaayadaha buuggu ku sheegay.
Waxay sidoo kale noqotay wasiirkii ugu da'da yaraa ee Talyaaniga ee dowladdii Berlusconi intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2011.
Markii ay xafiiska la wareegtay haweeneydii ugu horreysay ee ra'iisul wasaare ka noqota Talyaaniga Sebtember 2022 iyadoo 45 jir ah, xisbigii ay aasaastay ayaa helay codadka ugu badan. Xisbigeeda ayaa ku guuleystay 26% codadkii la dhiibtay. Taas oo la barbar dhigay doorashadii hore oo xisbigeedu uu helay 4.3% oo kaliya.
Waxay la kulantay dhaleecayn ah in afar dumar ah oo keliya ay ka siisay xilal wasiirnimo xukuumadeeda.
"Dhiirrigeli qoys dabiici ah ee aan ahayn LGBT"
Meloni waxay khudbad ka jeedisay Spain bishii Juun 2021. Qodobbadii ay khudbadda 2021 ku sheegtay waxay ahaayeen "Maya u ololaynta LGBT, dhiirrigeli qoyska dabiiciga ah, cambaareeya rabshadaha Islaamka, xuduudahayaga suga. Diida socdaalka ballaaran," kuwani waxay ahaayeen qodobbada khudbadeeda.
Golaheeda wasiirada waxaa ka mid ah wasiirka qorsheynta qoyska oo lagu magacaabo Eugenia Rossella. Wasiirka ayaa aad uga soo horjeeda ilmo iska soo ridida iyo waalidnimada dadka isku jinsiga ah ay caruur waalid u noqdaan. Waxay xitaa ku hanjabtay inay kala noqon doonto xuquuqdii hore loo siiyay.
Laakiin ka dib markii ay xukunka qabatay, Meloni waxay bixisay hal-ku-dhegga 'xukunka loo dhan yahay'.
Intaa waxaa dheer in sidoo kale la xaqiijiyay in ay sheegatay "aysan jiri doonin wax isbeddel ah oo ku yimaada siyaasadeena arrimaha dibadda ee Yurub".