Sidee qof uga badbaadin kartaa kulaylka daran ee lala dawakho xilligan xajka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ayadoo lagu jiro xilliga xajka ee ay malaayiin qof gudanayaan acmaasha xajka, ayaa waxaa dhanka kale soo baxaya in heerkulka magaalooyinka barakaysan ee ay dadkaas tirada badan tagayaan uu aad u sarreeyo, kaasoo dadka looga digay.

Haddaba qormadan waxaan ku eegeynaa sida uu jirka bani'aadmigu uga falceliyo kulaylka daran, astaamaha lagu arko qofka uu kulaylku soo rido iyo sida loola tacaalo.

Sare u kaca heerkulka kor u kaca iyo cimilooyinka kulul oo sii batay ayaa jirka bini'aadamka wuxuu si fudud u noqon karaa mid aad u kululaada, taas oo mararka qaarkood u horseedi karta inuu qofku dhul dhaco ama uu la kulmo xanuun uu la dawakho.

Daalka kulaylku badanaa maaha khatar haddii jirka la qaboojiyo, laakiin kulaylku waa xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u baahan daaweyn dhakhsiyo leh. Waxay khatar ku noqon kartaa nolosha kooxo gaar ah, oo ay ku jiraan dadka da'da ah, carruurta yaryar, iyo dadka qaba cudurrada daba-dheeraada.

Muxuu yahay daalka uu kulaylku keeno

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daalka kulaylku wuxuu yimaadaa marka heerkulka jirku si xad dhaaf ah u kaco oo uu awoodi waayo inuu xakameeyo heerkulkaas.

Mid ka mid ah calaamadaha muuqda ee daalka kulaylka ayaa ah dhidid badan, taas oo ay u dheer tahay in la dareemo kulayl iyo daal badan, taas oo ah calaamad ka timaadda jirka oo ku baraarujisa baahida qaboojinta degdegga ah.

Calaamadaha kale ee daalka kulaylka waxaa ka mid ah: madax-xanuun, dawakhaad iyo jahawareer, cunto xumo iyo lalabo, gacmaha, lugaha iyo caloosha oo qofka xanuuna, neefsasho ama wadne garaac degdeg ah.

Marka lagu daro heerkulka kor u kaca ilaa 38 darajo ama ka badan, dareenka haraadka ba'an ayaa kordha.

Dhinaca carruurta yaryar oo laga yaabo inay awoodi waayaan inay muujiyaan dareenkooda daalka, waxay noqdaan kuwo caajis ah oo hurda.

Daalka kulaylku wuxuu saameyn karaa qof kasta, xitaa dadka caafimaadka qaba, gaar ahaan haddii ay sameeyaan jimicsi adag marka uu kulaylku aad u daran yahay.

Marka la eego wakhtiga bilawga daalka uu keeno kulaylka, calaamaduhu waxay u muuqan karaan si lama filaan ah, daqiiqado gudahood, ama si tartiib tartiib ah, saacado gudahood.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidee loola tacaalaa haddii qof uu la kulmo daal ama xanuun kulaylku keenay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii qof uu la kulmo daal kuleyl ka dhashay, waa in tallaabooyin gaar ah la qaadaa si loo xaqiijiyo bedqabkooda, waxaana ku jira, in qofka lagu nasiiyo meel qabow, ama leh mukayif, har leh.

Ka saar dhar kasta oo culus ama aan loo baahnayn si aad u soo bandhigto maqaarka inta ugu badan ee suurtogalka ah, ka dibna qabooji maqaarka adigoo isticmaalaya wax kasta oo la heli karo, sida isbuunyo ama maro qoyan, biyo lagu buufiyo, qoorta iyo kilkilaha oo maryo qoyan laga saaro.

Maqaarku waa inuu noqdaa mid hawada u furan inta uu qoyan yahay, sababtoo ah tani waxay ka caawisaa biyaha inay uumi baxaan, taas oo ka qayb qaadanaysa qaboojinta maqaarka si degdeg ah.

Qofka dhaawaca ah sii biyo badan, cabitaanada isboortiga ama cabitaanada kale ayaa sidoo kale ku haboon. Tan ugu muhiimsan, la joog qofka dhaawaca ah ilaa aad ka hubiso inuu caafimaad qabo.

Waa inuu bilaabo inuu dareemo qabow iyo inuu roonaado 30 daqiiqo gudahood.

Haddii xaaladdiisu ay ka soo rayn waydo ka dib 30 daqiiqo oo nasasho ah, waxa laga yaabaa in uu la ildaran yahay kulayl, haddii ay taasi dhacdo waa in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo fidiyo.