Shuruudda Trump ee heshiiska Iran: Waa in lix waddan oo uu ku jiro Turkiga ay saxiixaan heshiiska Abraham

Xigashada Sawirka, Evan Vucci /POOL/AFP via Getty Images)
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dooday in dalalka gobolka ay caadi ka dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil taasoo qeyb ka ah heshiiska Iran.
Trump ayaa carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in Sacuudiga, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, iyo Urdun ay saxiixaan heshiiskii Abraham.
Heshiiskii Abraham waxa la saxeexay Sebtembar 15, 2020, intii lagu jiray muddadii u horraysay ee Trump. Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa caadi ka dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Israa'iil heshiisyadan. Suudaan, Marooko, iyo Kazakhstan ayaa markii dambe ku biiray saxiixayaasha.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka 25-kii May, ayuu Trump ku soo qoray, "Kadib dhammaan shaqadii uu Mareykanku sameeyay si uu hal-xidhaalahan aadka u adag isugu keeno, waa inay qasab ku noqotaa dhammaan dalalkan inay saxiixaan heshiiskii Abraham, ugu yaraan, isku mar."
Trump ayaa 24-kii bishii May sheegay in madaxda dalalkan uu kala hadlay dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Iran.
"Wadamada lala tashaday waxay ahaayeen Sacuudiga, Imaaraadka Carabta (horta xubin ka ah!), Qatar, Pakistan, Turkey, Egypt, Jordan, iyo Bahrain (horta xubin ayey ka ahayd!)" ayuu yiri.
"Hal ama laba waddan ayaa laga yaabaa inay haystaan sabab aysan uga qaybgelin, taasna waa la aqbali doonaa," ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in dalalka intooda badan ay tahay "diyaar, diyaar u ah, oo awood u leh inay ka dhigaan heshiiska Iran dhacdo taariikhi ah oo aad u weyn" iyagoo saxiixaya heshiiskii Abraham.
Heshiiskii Abraham, kaas oo ujeedadiisu ahayd in la caadiyeeyo xidhiidhka ka dhexeeya dalalka gobolka iyo Israa'iil, ayaa noqday mid aan la hubin, gaar ahaan dagaalkii Qaza ka dib.
Wadamada Khaliijka sida Sacuudiga iyo Qatar ayaa ku adkeysanaya inaysan marnaba caadi ka dhigi doonin xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil haddii aan la dhisin dowlad madax bannaan oo Falastiin ah.
Waxa la filayey todobaadkii ugu danbeeyay ee May in heshiis dhex maray dawlada Iran iyo Maraykanka uu ahaa mid dhow.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa xitaa sheegay in heshiis la gaari karo maalinta Isniinta ah ee May 25-keeda.
Tehran ayaa xaqiijisay in waxoogaa horumar ah laga gaaray wadahadaladii socday balse waxa ay sheegtay in heshiis uusan wali u dhawaanin in si deg deg ah loo saxiixo.
Xiriirka Turkiga iyo Israel
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Turkiga waxa uu aqoonsaday dawladda Israa'iil sannadkii 1949-kii, sannad ka dib markii la aasaasay.
Turkiga iyo Israa'iil waxa ay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed, in kasta oo uu kor u kacay iyo hoos u dhac, wixii xilligaas ka dambeeyay, waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo ku saabsan arrimaha ammaanka, gaar ahaan sagaashameeyadii.
Xiriirka laba geesoodka ah, oo guud ahaan ahaa mid kacsan tan iyo dhacdadii Mavi Marmara ee 2010, ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay ka dib markii Israa'iil ay ka jawaabtay weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023, iyada oo hawlgal militari ka fulisay Gaza.
Inkastoo Turkiga uu kala baxay safiirkooda, haddana ma aysan xirin safaaraddii ay ku lahayd magaalada Quddus.
Turkigu waxa uu sheegay in ay Israa'iil la geli karto hab caadi ah haddii Israa'iil ay joojiso hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo buuxa, iyo in la qaado tallaabooyin lagu hagaajinayo xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah, gaar ahaan Gaza.











