Maxay yihiin qaraxyada xalay laga maqlayay Addis Ababa?

Itoobiya
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ayaa habeenkii xalay ku waabariisatay dhawaqa qaraxyo, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay ilo diblomaasiyadeed. BBC-da ayaa iyaduna arrintan ka xaqiijisay dad ku nool xaafado kala duwan oo magaalada ka tirsan.

Mid ka mid ah ilo xiriir la leh isbahaysiga kooxaha mucaaradka ah ee tan iyo toddobaadkii hore dagaal kula jiray ciidamada federaalka ee waqooyiga Itoobiya, ayaa Reuters u sheegay in isbahaysigu uu dhowr weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ka fuliyay Addis Ababa, kuwaas oo ay ku jiraan weerarro lagu beegsaday xarumo milatari iyo taliska guud ee ciidamada Itoobiya.

BBC-da ilaa hadda si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashadaas.

Dadka ay BBC-da la hadashay ee ku nool xaafadaha Gotera iyo Bethel ee Addis Ababa, ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa qaraxyo kadib saqdii dhexe, abbaaro 00:20 (6:20 marka loo eego saacadda Itoobiya).

Labo qof oo ku nool xaafadda Gotera, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni awgood, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan oo ruxay dhismaha ay ku sugnaayeen xilli ay shaqaynayeen, abbaaro saqdii dhexe iyo 20 daqiiqo.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo xitaa dhaliyay dhawaaqa digniinta baabuurta.

Wuxuu sheegay inay qaraxa maqleen xilli u dhexeeyay 00:20 iyo 00:30 habeenimo.

Qofkaasi ayaa sheegay inuu gurigiisa ka soo baxay si uu u ogaado waxa dhacay, balse uusan arag wax dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in uu ku guuldarraystay inuu ogaado in qaraxu ka yimid dhinaca Tora Hayloch ama xarunta taliska ciidamada ee afraad.

Dhanka kale, wiil dhalinyaro ah oo ku nool xaafadda Bethel, kaas oo isaguna codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis ay ciyaarayeen ciyaar markii ay maqleen dhawaqa qarax abbaaro 1:00 habeennimo (7:00 marka loo eego saacadda Itoobiya).

Wuxuu sheegay in maaddaama qaraxu uu u dhawaa halka ay deggan yihiin, ay suuragal tahay inuu ka dhacay agagaarka Tora Hayloch, oo ah halka uu ku yaallo taliska guud ee ciidamada difaaca Itoobiya.

BBC-da ayaa taleefoon iyo iimaylba su'aalo ku saabsan dhacdadan u dirtay ciidamada difaaca Itoobiya iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha, balse wax jawaab ah kama helin.

Afhayeenka booliska federaalka iyo kan magaalada Addis Ababa ayaa iyaguna ka gaabsaday inay arrintan ka hadlaan, iyagoo sheegay inaysan iyaga khusayn.

BBC-da kuma guulaysan inay ilo madax-bannaan ka xaqiijiso qaraxa iyo inuu jiro khasaare ka dhashay.

Dadka ay BBC-da la hadashay sidoo kale ma aysan awoodin inay xaqiijiyaan in qaraxu hal mar dhacay ama uu ahaa mid soo noqnoqday, iyo in sababtiisu ahayd weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo in kale.

Haddii xogtan la xaqiijiyo, waxay noqon kartaa weerarkii ugu horreeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay xoogagga dowladda ka soo horjeeda ku qaadaan caasimadda Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii shalay, Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadgelyada Qaranka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay muddo aan la cayimin mamnuucday dhammaan duullimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacaya Addis Ababa iyo nawaaxigeeda, iyadoo sabab uga dhigtay "khatarro amni".

War ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegtay inaan wax oggolaansho ah loo siin doonin nooc kasta oo duullimaad diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ka dhaca caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Itoobiya

Waxay sidoo kale sheegtay in la bilaabay hawlgallo lagu kormeerayo laguna xakameynayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo aaladaha kale ee hawada ku shaqeeya, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad isku-dhafan oo ka hortagga drones-ka.

Kooxaha ku jira isbahaysiga mucaaradka ayaan hore loogu aqoon inay leeyihiin awood ay ku adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Hase yeeshee, warbixinno soo baxay muddooyinkii u dambeeyay ayaa tilmaamay inay suuragal tahay inay heleen ugu yaraan awood ay ku duuliyaan.

Reuters ayaa hore u sheegtay in koox taageersan dowladda federaalka oo dagaal kula jirta TPLF ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay diyaarado aan duuliye lahayn iyo baytariyo ay lahaayeen xubno xiriir la leh ciidamada Tigrayga. Hase yeeshee, xogtaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Arrimihii ugu dambeeyay, gaar ahaan weerarrada la sheegay inay ka dhaceen Addis Ababa, ayaa muujin kara in kooxahaasi ay awood u leeyihiin inay beegsadaan goobo aad uga fog furimaha dagaalka ee ka socda gobollada Tigray, Canfarta iyo Amxaarada.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalin karta walaac ku saabsan inuu sii fidayo dagaalka.

Dagaalka dib uga qarxay gobollada deriska ah ee Tigray, Amxaarada iyo Canfarta ee waqooyiga Itoobiya ayaa galay toddobaadkiisii koowaad.

Dagaalka oo hakad ku jiray ku dhowaad afar sano kadib heshiiskii Pretoria, ayaa dib u soo laba kacleeyay kadib markii xiisadaha iyo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyadu ay sii xoogaysteen lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya ayaa TPLF ku eedaysay inay billowday dagaalka cusub ee dhowaan dib uga qarxay waqooyiga dalka, iyadoo sidoo kale isbahaysiga cusub ee kooxaha mucaaradka ku tilmaantay isku day lagu doonayo in dalka lagu kala qaybiyo.