Alamata: Maxaan ka og nahay magaalada sida weyn loogu dagaallamay ee waqooyiga Itoobiya?

Xigashada Sawirka, SM
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan 50 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo culus oo ka dhacay magaalada Alamata iyo nawaaxigeeda, kaddib markii uu halkaas ka qarxay dagaal cusub oo militari, oo socday muddo saddex maalmood.
Waxay sheegeen in magaalada Alamata ay hadda tahay mid ka mid ah furimaha waaweyn ee dagaalkan cusub, isla markaana ay si buuxda gacanta ugu jirto ciidammada federaalka Itoobiya.
Ilaa hadda, dawladda federaalka Itoobiya, maamulka ku-meelgaadhka ah ee Tigray iyo maamulka gobolka Amxaarada midkoodna kama soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha culus ee rayidka iyo xaaladda cidda gacanta ku haysa magaalada.
Maaddaama adeegyada telefoonka iyo internetka ee deegaanku ay go'an yihiin, hay'adaha gargaarka caalamiga ah iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ma ay awoodin in ay si madax-bannaan u xaqiijiyaan tirada dadka dhintay.
Isniintii la soo dhaafay, hay'adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay in tirada dadka dhaawacyada qaba ee la dhigay isbitaallada Korem iyo Alamata ay 48 saacadood gudahood, intii u dhaxaysay 22 iyo 25 Sebtembar 2026, ay gaadhay 180 ilaa 420 qof, kaddib markii uu dagaal mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya.
Intii u dhaxaysay Sabtidii 26 Sebtembar ilaa Isniintii 28 Sebtembar 2026, duqeymo culus oo ka dhacay Alamata iyo nawaaxigeeda ayaa sababay khasaare ba'an oo nafeed.
Dawit, oo ah qof ku nool magaalada ayaa BBC-da uga warramay xaaladda ka dhacday halkaasi.
"Ku dhowaad 40 qof ayaa lagu dilay gudaha suuqa iyo nawaaxiga Alamata. Inkasta oo aan la garanayn cidda ridaysay madaafiicda, dadka dhintay dhammaantood waxay ahaayeen rayid. Waxaa la ridayay madaafiic culus oo noocyo kala duwan ah, kuwaas oo sameynayay qaraxyo aad u xooggan. Carruurtu cabsi ayay la ooyayeen," ayuu yidhi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xirfadle caafimaad oo aan doonayn in magaciisa la shaaciyo ayaa isna sheegay in weerarku aanu ahayn mid diyaarado ama kuwa aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday, balse uu ahaa madaafiic culus.
"Waxaa dhaawacmay dad da'doodu u dhaxayso ilmo saddex maalmood jir ah ilaa hooyo 68 jir ah. Ilaa hadda waxaa la diiwaangeliyay 52 qof oo rayid ah oo dhintay. Waxaa sidoo kale jira dad lugaha laga jaray iyo kuwo indhaha ay dhaawacyo ka soo gaadheen," ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in duqeymuhu si gaar ah uga dhaceen guryaha la deggan yahay, suuqa iyo meelaha miyiga ah ee ay ku kulmaan xoolo-dhaqatadu.
Waxa uu sheegay in dadka dhibbanayaash ah ay ka mid yihiin shaqaale dawladeed oo aan dagaalka qayb ka ahayn, dad guryahooda ku sugnaa iyo wadayaasha bajaajta, kuwaas oo ah gaadiid saddexda taayir leh ku shaqaysta.
Waxa uu sheegay in uu isagu si toos ah u arkay shan mayd, saddex qof oo lugaha laga jaray iyo qof hal il ku waayay.
Waxa uu intaas ku daray in gaar ahaan shilkii ka dhacay suuqa la yidhaahdo suuqa Sabtidii ay ku jireen dad qaybay dhaawcyo halis ah, xaaladduna ay ahayd mid aad u naxdin badan, iyadoo ay adkayd in la kala garto xubnaha jidhka iyo qofkii ay ka go'een. Waxa uu sheegay in hal goob oo keliya ay ku dhinteen 12 qof.
Si kastaba ha ahaatee, maaddaama adeegyada isgaadhsiinta ee deegaanka ay xaddidan yihiin, BBC ayaan awoodin inay si madax-bannaan u xaqiijiso xaaladdan.
Yaa gacanta lagu hayo magaalada?
Sida uu sheegay xirfadlahaasi caafimaad, dagaallo culus ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhacay deegaannada Qarke, Raya Mender, Der'ita iyo Beri Teklay, oo qiyaastii 18km u jira magaalada Alamata.
Waxa uu intaa ku daray in kaddib markii ciidammada Tigray ay ka baxeen magaalada Alamata, ay iyagoo wata madaafiic iyo taangiyo uga baxeen magaalada laba jiho.
Kaddib dhowr maalmood oo is-rasaasayn iyo dhaqdhaqaaqyo militari ah, ciidammada federaalka iyo boolisku waxay gacanta ku dhigeen dhammaan xarumaha dawladda ee magaalada.
Sida uu sheegay xirfadlahaasi caafimaadka, subaxnimadii Isniinta abbaare 10:00-kii ciidammada federaalka ayaa gudaha u galay Alamata, iyagoo magaalada la wareegay.
Dawit ayaa sheegay in xilligan xubno ka tirsan ciidammada federaalka oo saaran gaadiid milatari oo nooca Oraal-ka ah ay magaalada ku dhex socdaan.
Wuxuu sheegay in markii ciidammada Tigray ay ka baxeen magaalada Alamata, ciidammada loo yaqaan Tigray Peace Force ay galeen xafiisyada maamulka, halkaasna ay maleeshiyaad Amxaaro ah oo ku doodaya in "Raya ay ka tirsan tahay Waqooyiga Wollo" ay iyaguna magaalada u galeen si ay u maamulaan.
Dawit wuxuu sheegay in kaddib khilaaf ka dhashay arrintaas, Ciidanka Difaaca Qaranka iyo Booliska Federaalka ay "labadoodaba ka saareen magaalada, dhammaan adeegyada dadweynahana gacantooda ku dhigeen, isla markaana ay hadda ilaalinayaan".
Dagaalkan sida lama filaanka ah u qarxay ayaa sababay xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran.

Xigashada Sawirka, Alamata comm
Qaylo-dhaan ka soo yeedhaysa dadka deegaanka
Kumanaan qof oo ku noolaa miyiga ayaa u soo qaxay Alamata, iyagoo aaminsanaa in "maaddaama ay magaalo tahay aan la duqayn doonin". Hase yeeshee, markii ay magaalada yimaadeen waxay la kulmeen xaalad ka sii daran.
Xilligan dhammaan dukaamada Alamata way xidhan yihiin. Korontada, adeegyada bangiyada moobilka iyo internet-ka ayaa go'an, taasina waxay dadka magaalada ku ridday xaalad aad u adag.
Dawit, oo sheegay in ciidammada federaalku ay magaalada ku sugan yihiin, ayaa xusay in inkastoo rasaas laga maqlayo meelo ka mid ah magaalada, haddana "hadda ay dadku ku laabteen guryadooda.
Kaddib heshiiskii Pretoria ee laga gaadhay dagaalkii ku dhowaad afar sano, waxa jiray hakad ku yimid colaadda oo hadda mar kale isu beddashay iska horimaad, kaddib markii lixdii bilood ee la soo dhaafay ay sii kordhayeen xiisadda iyo khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada.
Aagga Raya, oo ay ku jirto magaalada Alamata, ayaa muddo dheer ahaa goob ay ka taagnayd muran la xidhiidha cidda iska leh oo u dhexeeya gobollada Tigray iyo Amxaarada.



























