Sida Turkigu ugu guuleystay dhexdhexaadinta labada garab ee siyaadda isku haya ee dal Afrikaan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
10-kii Sebtembar, Ankara ayaa isu keentay wakiillo heer sare ah oo ka kala socda maamullada iska soo horjeeda ee Tripoli iyo Benghazi ee dalka Liibiya, iyadoo martigelinta ay sameysay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MİT).
Horumarkan ayaa loo arkay mid ka dhashay xiriirka dhow ee Turkigu uu dhawaanahan la sameystay dhinaca Benghazi, marka lagu daro xiriirka uu hore ula lahaa Tripoli.
Turkigu wuxuu sii wadaa dadaallo diblomaasiyadeed oo firfircoon oo looga golleeyahay in lagu gaaro midnimo siyaasadeed iyo mid militari oo ka dhalata Liibiya. Ujeeddooyinkiisa waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha uu ka gaaray heshiiskii xuduudaha badda ee 2019-kii, iyo sidoo kale faa'iidooyinka uu ka helay tamarta.
Sida ay sheegeen ilo dhanka amniga ah, 10-kii Sebtembar, madaxa Hay'adda Sirdoonka Qaranka Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, Aguila Saleh, iyo madaxa Golaha Sare ee Gobolka, Mohammed Takala.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay'adda Sirdoonka Turkiga ayaa yeeshay muhiimad gaar ah, maadaama uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Golaha Sare ee Gobolka.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in kulankaasi, marka laga soo tago tallaabooyinka la xiriira sii wadidda iskaashiga u dhexeeya Liibiya iyo Turkiga, diiradda lagu saaray dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro midnimo siyaasadeed iyo mid militari oo ka dhalata Liibiya, isla markaana lagu ilaaliyo xasilloonida dalkaas.
Liibiya ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii u qaybsanayd maamullo is-ka soo horjeeda oo kala fadhiya magaalooyinka Tripoli iyo Benghazi. Dowladda Heshiiska Qaranka ee ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ayaa xarunteedu tahay Tripoli, halka hay'adda sharci-dejinta ee ku-meel-gaarka ah ay fadhido Benghazi, ayna gacanta ku hayso maamulka uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar.
Kulankii Ankara, Aguila Saleh ayaa matalayay maamulka Benghazi isagoo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, halka Takala uu matalayay Tripoli isagoo ah Madaxweynaha Golaha Sare ee Gobolka. Ilo-wareedyo ayaa tilmaamay in Saleh iyo Takala ay gaareen heshiis ku saabsan sidii loo gaari lahaa midnimo siyaasadeed iyo midnimada hay'adaha dowladda.
Wararka warbaahinta Liibiya ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan dadaallada lagu gaarayo midnimo siyaasadeed, gaar ahaan iyadoo la kordhinayo shaqada siyaasadeed iyo tan sharciga ah ee loogu talagalay qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamaanka.
Siyaasadda Ankara ee ku aaddan Liibiya ayaa isbeddeshay.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa la xusay in Turkigu uu sameeyay isbeddel muhiim ah oo ku saabsan siyaasaddiisa ku aaddan Liibiya, iyadoo la jaanqaadaysa tallaabooyinka heer caalami ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro kala qaybsanaanta Liibiya ka jirtay tan iyo sannadkii 2014-kii.
Sannadkii 2019-kii, Turkigu wuxuu heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga iyo milatariga la galay Xukuumadda Heshiiska Qaranka, wuxuuna taageero milatari siiyay Tripoli. Tallaabadaas Turkiga ayaa ka badbaadisay Tripoli inay gacanta u gasho ciidamada fadhigoodu yahay Benghazi ee uu hoggaaminayay Jeneraal Khalifa Haftar, kuwaas oo ay taageerayeen Masar iyo Imaaraadka Carabta.
Tan iyo markaas, Turkigu wuxuu Tripoli ku lahaa saldhig milatari oo muhiim ah, wuxuuna ka shaqaynayay xoojinta awoodda milatari ee Xukuumadda Heshiiska Qaranka. Intaas waxaa dheer, xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Tripoli ayaa ka gudbay dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna gaaray qaybaha tamarta, maalgashiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Hase yeeshee, dhawaanahan Turkigu wuxuu bilaabay inuu xiriir la sameeyo maamulka Benghazi, tallaabadaasna waxay heshay dardar dheeraad ah, gaar ahaan ka dib markii la caadiyeeyay xiriirka u dhexeeya Qaahira iyo Ankara.
Booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu ku tagay Tripoli iyo Benghazi, taas oo qaadatay laba maalmood (11-kii iyo 12-kii Agoosto), ayaa loo arkay horumar muhiim ah oo lagu muujinayo siyaasadda cusub ee Ankara, taas oo ay ugu magac-dartay "Liibiya oo Midaysan."
Ka dib markii uu Tripoli kula kulmay madaxa Xukuumadda Midnimada Qaranka, Abdul Hamid Dbeibah, iyo mas'uuliyiin kale, Fidan ayaa u ambabaxay magaalada Benghazi, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Aguila Saleh, iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Liibiya, Khalifa Haftar, iyo tiro ka mid ah saraakiisha sare ee qaybta ciidanka.
Sidoo kale isla muddadaas, Field Marshal Saddam Haftar, oo ah wiilka Khalifa Haftar ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Liibiya, ayaa booqday Turkiga wuxuuna Ankara kula kulmay Wasiirka Difaaca Yaşar Güler.
Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahintu, Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga ayaa sameeyay hawlo tababar oo ay la qaateen ma aha oo kaliya ciidamada ku hoos jira maamulka Tripoli, balse sidoo kale Ciidanka Qaranka Liibiya ee uu hoggaamiyo Haftar.
Sidan, Ankara waxay ku muujisay inay xiriir siman la sameysatay labada dhinac ee Tripoli iyo Benghazi, isla markaana ay higsanayso—iyadoo ku shaqaynaysa qaab-dhismeedka siyaasadda "Liibiya oo Midaysan"—inay hal meel isugu keento kooxaha hubeysan ee kala duwan ee dalka ka hawlgala.















