Xuutiyiinta oo markii ugu horeysay ka hadlay inay weerar daroon ku qaadi rabeen Makka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacudi Carabiya ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta Yemen, ka hor inta aysan soo gelin aagga magaalada Makka, taas oo ka hortagtay weerar dhici lahaa.
Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacudiga ee ka hawlgala Yemen, ayaa bayaan ku sheegay in tani ay tahay markii labaad oo ay Xuutiyiintu bartilmaameedsadaan Makka; markii ugu horreysay waxay ahayd weerar gantaal oo dhacay bishii Luulyo ee sanadkii 2017-kii.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay sii kordheen weerarrada Xuutiyiintu ay ku hayaan qaybo ka mid ah Sacudi Carabiya.
Shalay oo Talaado ahayd, hay'adaha amniga ayaa soo saaray digniin amni oo ku saabsan magaalooyinka Makka, Jeddah, iyo Taif, iyagoo dadka kula taliyay inay iska ilaaliyaan khatarta weerarrada.
Balse markii dambe, mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Madaniga ah ee Sacudiga ayaa ku dhawaaqay in "aysan jirin wax khatar ah mar dambe."
Maxay yiraahdaan Xuutiyiintu?

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen weerar kasta oo lagu qaaday magaalada Maka ama goobo kale oo barakaysan oo ay leeyihiin Muslimiintu.
Warsaxaafadeed uu ku daabacay baraha bulshada, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa beeniyay eedeymaha uga imaanaya Sacuudi Carabiya ee sheegaya inay bartilmaameedsadeen magaalada Maka intii ay wadeen weerarradooda.
Sida uu sheegay, "ujeeddada hawlgalkeenna waa inaan bartilmaameedsanno xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatariga."
Dhanka kale, kooxdu waxay sheegatay inay Arbacadii soo ridday diyaarad dagaal oo Sacuudigu leeyahay, taas oo ku sugnayd gudaha Yemen.
Saree ayaa sheegay in ciidamada Yemen ay "soo rideen diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo ay leeyihiin Sacuudiga, xilli ay fulinaysay hawlgallo cadawtinimo intii lagu guda jiray dhaqdhaqaaq militari oo ka socday hawada gobolka Ma'rib ee dalka Yemen."
Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay inay adeegsatay "hub iyo rasaas gudaha lagu sameeyay" si ay u soo riddo diyaaradda.
Dhanka kale, waxaa baraha bulshada ku wareegaya muuqaallo la xiriira weerarkii lagu qaaday magaalada Makka, balse BBC-du weli ma aysan xaqiijin karin runnimada muuqaalladaas.
Talooyin ku saabsan badqabka oo loo soo saaray dadka ku sugan Makka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa digniino u dirtay dadweynaha inay raacaan tilmaamaha badbaadada iyadoo la eegayo khatarta ku iman karta magaalada barakaysan ee Muslimiinta ee Makka.
Ogeysiis ay soo dhigtay X oo ay soo saartay Hay'adda Difaaca Madaniga ah, mas'uuliyiintu waxay kula taliyeen dadweynaha inay is dejiyaan oo ay raacaan tilmaamaha dowladda.
Waxay yiraahdeen, "Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, isla markiiba u guur meesha ugu dhow ee ammaan ah, qol gudaha ah oo ka fog daaqadaha, halkaas ku sii jir ilaa khatarta ay ka dhammaato."
Ku dhawaaqiddan ayaa timid iyadoo Hay'adda Difaaca Madaniga ah ay u soo saartay tilmaamo la mid ah dadka deggan Jeddah, Taif, iyo meelo kale subaxnimadii Talaadada.
Bayaanka ku saabsan Makka ayaa sidoo kale u sheegay dadka inaysan si aan loo baahnayn uga bixin guryahooda iyo dhismayaashooda, inay ka fogaadaan meelaha bannaan, daaqadaha iyo muraayadaha, iyo inay ka fogaadaan inay istaagaan balakoonnada ama saqafka.
Saraakiishu waxay sidoo kale dadka kula taliyeen inay ka fogaadaan goobaha dadku ku badan yihiin iyo kuwa khatarta ah, isla markaana aysan sawirro qaadin.
Sida ay sheegtay Hay'adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga, haddii aad fariin digniin ah ka hesho taleefankaaga gacanta adigoo wada gaari, dhinac uga leexo wadada oo gaariga dhig meel ka fog buundooyinka iyo dhismayaasha dhaadheer.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, xilliyada xaaladaha degdegga ah ee magaalooyinka Makka, Madiina, Riyaad iyo Dammam, waxaa la wici karaa lambarka 911, halka meelaha kalena la wici karo 998.
Bulshada waxaa laga codsaday inay raacaan tilmaamaha ay soo saareen hay'adaha ay khuseyso iyagoo adeegsanaya ilo rasmi ah.















