Sida magaaladan ku taala Afrika ay London iyo Rome uga guuleystay martigelinta tartan caalami ah

Orodyahannada Beatrice Chebet iyod Faith Kipyegon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Orodyahannada Beatrice Chebet iyod Faith Kipyegon
    • Author, Rob Stevens
    • Role, BBC Sport Africa
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in Horyaalka Adduunka ee Ciyaaraha Fudud uu "gurigiisa imaanayo", iyadoo Nairobi ay taariikh dhigi doonto kadib markii loo magacaabay magaaladii ugu horreysay ee Afrika ee martigelisa tartankan sanadka 2029-ka.

Ruto ayaa ku tilmaamay guusha martigelinta inay tahay "guul u soo hoyatay jiilal badan oo ciyaartoy ah", taas oo Kenya ka dhigtay dal "lagu yaqaan heerka ugu sarreeya" ee orodka iyo tartamada waddooyinka lagu qabto.

Nairobi ayaa ka adkaatay magaalooyinka London iyo Rome si ay u hesho xuquuqda martigelinta, halka Munich loo doortay inay martigeliso tartanka 2031-ka.

Kadib markii ay ku guuldarreysatay inay martigeliso Koobkii Adduunka ee 2025-kii oo lagu qabtay Tokyo, dhowr arrimood ayaa markan ka caawiyay Kenya inay ka adkaato tartamayaashii reer Yurub.

Ciyaar ku milantay dhiigga qaranka

Madaxweynaha tartamada Cayaaraha ee Adduunka, Lord Coe oo ku dhawaaqay go'aanka Budapest Talaadadii, ayaa ku tilmaamay dalabka Kenya mid "soo jiidasho badan leh".

Dalkan ku yaalla Bariga Afrika ayaa ah dalka labaad ee ugu guulaha badan taariikhda Koobka Adduunka, isagoo haysta 72 biladood oo dahab ah, waxaana ka horreeya oo kaliya Maraykanka.

Inta badan guulahaas, oo ay weheliso 38 biladood oo dahab ah oo Olombikada, waxay ka yimaadeen orodka dhexe iyo kan dheer.

Lord Coe ayaa sheegay in ciyaaraha fudud ay "ku dhex milmeen astaanta" qaranka, isla markaana Kenya ay kaalin ka qaadatay "qaabeynta taariikhda" ee ciyaaraha.

Wuxuu xusay dhowr orodyahan oo ay ka mid yihiin kuwo laba jeer ku guuleystay Olombikada oo ka ah, Eliud Kipchoge - oo qayb ka ahaa ololaha dalabka Kenya - ninka haysta rikoorka adduunka ee orodka 800m ee ragga, David Rudisha, iyo ciyaaryahannada ku guuleystay billado badan oo adduunka iyo Olombikada ah sida Faith Kipyegon.

Taageerayaasha xamaasadda leh ayaa sidoo kale ka mid ah awoodaha ugu waaweyn ee dalka.

68% kamid ah dadka Kenya ee ay sahanka ku sameysay World Athletics ayaa xiisahooda ciyaaraha fudud ku qiimeeyay mid aad u sareeya, marka loo eego celceliska adduunka oo ah 39%.

Ciyaaraha fudud waa ciyaarta labaad ee ugu daawashada badan dalka, waxay ka dambeysaa kubadda cagta oo kaliya, markii World Athletics ay qiimeysay baraha bulshada, Kenya waxay ahayd dalka afaraad ee ugu sarreeya tirada taageerayaasha.

Xarumihii oo la casriyeeyay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalabkii hore ee Kenya ee 2025 wuxuu ku fashilmay inta badan sababo la xiriira xarumihii cayaareed ee uu dalka lahaa.

Markan, Garoonka Kasarani waxaa lagu sameyn doonaa dib-u-habeyn dhameystiran xili hore ka hor inta aysan ciyaartoydii ugu fiicnaa adduunka soo gaarin Nairobi.

Garoonka oo qaadi kara 48,000 oo qof ayaa la isticmaali doonaa marka Kenya ay si wadajir ah ula martigeliso Tanzania iyo Uganda Koobka Qaramada Afrika ee 2027 bisha Juun iyo Luulyo.

"Waxaan wax badan ka barannay dalabkii 2025, waayo waxaa jiray meelo aan si fiican uga soo bixin," ayuu yiri Barnaba Korir oo ka mid ahaa kooxdii ka shaqeysay dalabkii guuleystay, isagoo u warramay BBC-da.

"Sidaas aawgeed, waxaan ku guuleysanay inaan horumarinno meelahaas. Waxaan ku faraxsanahay in kaabayaasha aan horay u habeynay ay hadda la jaan-qaadi doonaan heerarka caalamka laga arko."

Dhinaca hoteellada looma maleynayo inay caqabad noqon doonto, maadaama Nairobi ay si joogta ah u martigeliso shirar waaweyn oo caalami ah.

"Kenya waxa kale oo lagu yaqaanaa martigelinteeda diirran iyo waaxdeeda dalxiiska ee firfircoon," ayuu BB-da u sheegay Elijah Mwangi, xoghayaha guud ee Waaxda Dowladda ee Ciyaaraha.

"Waxay leedahay beerta xayawaanka ee ku dhex taalla magaalada, sidaas darteed waxaan sugeynaa inaan soo dhaweyno qof walba."

Madaxweyne Ruto wuxuu bixiyay dammaanad qaadyo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah si loo xaqiijiyo qabashada Koobka.

"Waxaan uga mahadcelineynaa World Athletics kalsoonida ay noo muujiyeen," ayuu yiri Ruto.

"Waxaan ku sharfi doonnaa kalsoonidaas annagoo soo bandhigayna koob aan la ilaawi karin oo u qalma ciyaartoydeena, dalkeena iyo qaaraddeena.", ayuu yiri Ruto.

Ballaarinta ciyaaraha fudud

Orodyahanka Kenya ee Ferdinand Omanyala, oo sawir laga qaaday isagoo ku tartamaya Garoonka Kasarani sanadkii 2023

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ferdinand Omanyala

Lord Coe wuxuu noqday madaxweynaha cayaaraha fudud ee Adduunka oo markaas loo yaqaanay IAAF sanadkii 2015, wuxuuna ballan qaaday inuu ciyaaraha ku faafin doono adduunka oo dhan.

Intii uu xilka hayay, Koobka Adduunka waxaa lagu qabtay Qatar (2019), Maraykanka (2022) iyo Tokyo, halka caasimadda Shiinaha ee Beijing ay martigelin doonto 2027.

Kenya waxay si guul leh u martigelisay tartamada da'da yar ee Nairobi iyo Koobka Adduunka ee Orodka Waddooyinka ee Mombasa, halka tartanka World Athletics Relays lagu qabtay caasimadda Botswana ee Gaborone bishii May.

Iyadoo muddo-xileedkii saddexaad ee Coe uu ku eg yahay sanadka soo socda, hal sarkaal oo ku lug lahaa dalabka Kenya, oo hadlay ka hor ku dhawaaqista martigeliyaha, ayaa sheegay inay "aan la malayn karin" in Nairobi aysan guuleysan doonin.

"Go'aankan waxaan ku sii wadeynaa fulinta himiladeena ah inaan ciyaaraha fudud ku fidinno adduunka oo dhan," ayuu yiri Coe.

"Waxay ahayd muhiim in Koobka Adduunka ee Ciyaaraha Fudud uu yimaado Afrika marka aan heysanno martigeliyaha saxda ah, dalabka saxda ah iyo xaaladaha saxda ah."

Coe wuxuu ammaanay "tayada, hamiga iyo sida ay uga go'an tahay" dhammaan afarta magaalo ee tartameysay.

London, Munich iyo Rome dhammaantood waxay horey u martigeliyeen Olombikada, iyadoo Koobka Adduunka ee cayaarahan fudud lagu qabtay London dhowaan 2017-kii, balse fursadda lagu jebinayo dhul cusub oo Afrika ah ayaa si cad u soo jiidasho lahayd.

Madaxa fulinta ee UK Athletics Jack Buckner ayaa sheegay in kooxdiisu ay "aad uga niyad jabsatay" in London ay tartanka ka hartay.

Maxaa xiga ee loo baahan yahay?

Kenya waxay hadda wajahaysaa caqabado xagga saadka iyo abaabulka ah saddexda sano ee soo socota, iyadoo isu diyaarinaysa inay martigeliso Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee Afrika lagu qabto.

Iyadoo Koobka Afrika ee 2027 uu soo dhow yahay, Nairobi waxay heli doontaa fursad ay ku tijaabiso sida taageerayaasha loo soo gelinayo loogana saarayo Garoonka Kasarani, oo qiyaastii nus saac u jira bartamaha magaalada.

Garoonku ma laha isku xirnaan tareen, balse Korir wuxuu sheegay in saraakiisha World Athletics ay "aad ugu qanacsan yihiin" qorshaha gaadiidka ee Kenya.

Waxaa jiray xaalado ciriiri ah markii garoonku martigeliyay ciyaarihii Kenya ee Koobka Qaramada Afrika ee ciyaartoyda gudaha ku ciyaara sannadkii hore, taasoo keentay in awoodda garoonka loo yareeyo ciyaaraha qaar.

Dib u dhacyada diyaargarowga Koobka Afrika ee cayaaraha fudud ayaa walaac dhaliyay, maalgelinta Koobka Adduunkana waxay gebi ahaanba ka imaan doontaa dowladda Kenya.

Mwangi wuxuu shaaciyay in $78m (£58.5m) ay tahay qiyaasta hadda ee ka qeyb-qaadashada dowladda, iyadoo heshiisyada kafaala-qaadku ay sidoo kale door ka ciyaari doonaan.

"Waxaan u diyaar garownay inaan hubinno in wax kasta oo la filayo in la bixiyo, lagu bixiyo waqtigii loogu talagalay," ayuu raaciyay.

Garoonka Kasarani Stadium

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Garoonka Kasarani Stadium

Doorashooyinka madaxweynaha Kenya ayaa dhici doonta sanad kadib.

Tigidhada ugu jaban ee Koobka Adduunka ee da'da ka yar 18 jirka sanadkii 2017 waxaa lagu qiimeeyay 200 oo shilinka Kenya ah ($1.15, £1.14) balse imaanshaha dadweynaha ayaa yaraa ilaa gelitaanka laga dhigay mid bilaash ah.