Min gantaallada Yemen ilaa dagaalka Suudaan: Sidee garaadka macmalka ah loogu adeegsanayaa colaadaha gobolka?

صورة توضيحية لجندي يحمل رشاشاً، مع علم السودان.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Shirkadda garaadka macmalka ah ee Anthropic waxay sheegtay in dad aaladdan isticmaalaya oo ku sugan waqooyiga Yemen ay isku dayeen inay barnaamijkeeda garaadka macmalka ah ee Cloud u adeegsadaan horumarinta hub hagitaan leh, halka hawlgal kale ay ku ogaatay olole saameyn ah oo lala xiriiriyay saraakiil Imaaraad ah, kaas oo ku saabsanaa dagaalka Suudaan isla markaana lagu bartilmaameedsaday khubaro Qaramada Midoobay ah.

Shirkaddu ma aysan shaacin dadka isticmaala ee Yemen, mana aysan xaqiijin inay ku guuleysteen hawlgelinta hub. Waxay sidoo kale sheegtay inaysan caddayn karin in agabka ololaha ee "lala xiriiriyay saraakiil Imaaraad ah" uu gaaray bartilmaameedyadii loogu talagalay ama uu saameeyay go'aannada siyaasadeed.

Warbixinta shirkadda, oo la daabacay 10-kii Sebtembar, waxay ka koobnayd kiisas ay sheegtay inay ogaatay intii u dhaxaysay Diseembar iyo Agoosto, kuwaas oo ku saabsanaa isku dayo lagu doonayay in qalabkeeda loogu adeegsado horumarinta hubka, kormeerka iyo sameynta hawlgallada.

Xogtan ayaa timid kaddib baaritaanno saxaafadeed oo ka hadlay adeegsiga ciidamada Israel ee garaadka macmalka ah si ay u falanqeeyaan xogta sirdoonka iyo inay ka caawiyaan aqoonsiga bartilmaameedyada intii lagu jiray dagaallada Gaza iyo Lubnaan.

Maxay shirkadda ku soo ogaatay Yemen?

calanka Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, calanka Yemen

Mid ka mid ah dhacdooyinka ay shirkaddu soo sheegtay ayaa ku bilaabatay codsiyo lagu raadinayay caawimaad ku saabsan qorista barnaamijyo loogu talagalay hagista, marin-helidda iyo xakamaynta hubka. Kadib markii tijaabadii gantaal hagitaan leh ay u muuqatay inay fashilantay, isticmaalayaashu waxay saacado gudahood ugu soo noqdeen Cloud si ay u ogaadaan sababta, sida ay sheegtay Anthropic.

Shirkaddu waxay sheegtay in kooxda oo fadhigeedu yahay waqooyiga Yemen ay ka shaqaynaysay saddex mashruuc: gantaal hagitaan leh, gantaal ballistic ah oo masaafada bartilmaameedkiisu ka badan tahay 2,000 kiiloomitir, iyo naqshad gantaal oo leh noocyo kala duwan, kuwaas oo mid ka mid ahi uu leeyahay gaari dulmaraya hawada sare oo xawaare ku socda.

Sida lagu sheegay warbixinta, kooxdu waxay adeegsatay aaladda "Cloud" si ay u qorto barnaamijyo, u samayso tijaabooyin ku salaysan jilid iyo inay ogaato khaladaadka, shaqadaas oo shirkaddu sheegtay inay caadiyan u baahnaan lahayd koox injineerro barnaamijyo ah.

Si kastaba ha ahaatee, Anthropic waxay sheegtay inaysan hayn wax caddayn ah oo muujinaysa in isticmaalayaashu si guul leh u hawlgeliyeen hub dhab ah, ayna u muuqato in tijaabadii gantaalka hagitaanka leh ay fashilantay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shirkaddu ma aysan xaqiijin xiriirka kooxda ay la leedahay Xuutiyiinta, kuwaas oo maamula qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Iyadoo ka jawaabaysa warbixinta, xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, Hazam al-Assad, ayaa Associated Press u sheegay in ay tahay "wax aan macquul ahayn oo aan caqli-gal ahayn" in kooxdu ay ku tiirsanaato ilo furan si ay u horumariso oo u soo saarto awooddeeda milatari. Wuxuu intaas ku daray in ciidamadoodu ay haystaan tignoolajiyo iyo awood wax-soo-saar oo ay urursadeen sannado dagaal ah, isla markaana hubkooda loo adeegsado is-difaac.

Falanqeeyaha hubka Trevor Poole oo ka tirsan Armament Research Services ayaa Associated Press u sheegay in Xuutiyiintu laga yaabo inay Cloud u adeegsanayaan inay ku sahamiyaan horumarinta gantaallada xawaaraha aadka u sarreeya, balse wuxuu aaminsan yahay inaysan haysan awoodaha warshadeed iyo farsamo ee ay ku soo saari karaan.

Wuxuu soo jeediyay in kooxdu ay doonayso inay horumariso awooddeeda si ay u yarayso ku-tiirsanaanta hubka iyo qaybaha ay Iran u soo dirto. Tehran ayaa beenisay inay hubayso Xuutiyiinta.

Olole saameyn ah oo lala xiriiriyay dagaalka Suudaan

Sudan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Sudan

Dhacdo kale, shirkadda Anthropic waxay sheegtay inay ogaatay oo carqaladeysay olole saameyn ah oo ay "si heer kalsooni sare leh" ula xiriirisay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirkaddu waxay sheegtay in ololuhu inta badan bartilmaameedsaday Ikhwaanka Muslimiinta, iyo sidoo kale khubaro Qaramada Midoobay ah oo dhaliilay doorka lagu eedeeyay Imaaraadka ee dagaalka Suudaan.

Suudaan waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) tan iyo Abriil 2023. Khubaro Qaramada Midoobay iyo dhinacyo kale ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay taageeraan Ciidamada Taageerada Degdegga ah, eeddaas oo Abu Dhabi ay beenisay.

Anthropic waxay sheegtay in ololuhu adeegsaday "Cloud" si uu u soo saaro warbixinno iyo agab difaacaya mowqifyo siyaasadeed, qoraallo baraha bulshada ah iyo marqaatiyo ku saabsan Suudaan, isla markaana uu maamulayay ku dhawaad 300 akoon oo been-abuur ah oo ku jiray baraha bulshada.

Sida ay shirkaddu sheegtay, hawsha waxaa ka mid ahaa iska dhigista hay'ad dhab ah oo Suudaan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha iyo been-abuurka marqaatiyo loo sameeyay laba qof oo gaar ah, iyadoo ujeeddadu ahayd in Qaramada Midoobay loo gudbiyo agab u adeegaya dhinac ka mid ah colaadda, iyadoo loo ekaysiinayo inay ka yimaadeen dad maxalli ah oo madax-bannaan.

Waxay intaas ku dartay in ololuhu diyaariyay marqaatiyo loogu talagalay in lagu soo bandhigo kalfadhigii 62-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha, iyadoo lagu amray inaan la xusin Imaaraadka. Waxa kale oo uu diyaariyay faylal ku saabsan warbixiyeyaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dhaliilay hab-dhaqanka Abu Dhabi ee Suudaan.

Imaaraadku isla markiiba kama jawaabin codsi faallo ah oo AFP u dirtay, sida lagu sheegay warbixintii wakaaladdu daabacday 11-kii Sebtembar.

Anthropic waxay sheegtay inaysan awoodin inay go'aamiso in marqaatiyada ama faylashaasi ay gaareen dadkii loogu talagalay ama ay saameeyeen go'aannada siyaasadeed.

Mali: Isticmaalka sii kordhaya ee garaadka macmalka ah

Mali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mali

Iyadoo warbixinta Anthropic ay ka hadashay olole saameyn ah oo lala xiriiriyay dagaalka Suudaan, daraasad ay samaysay Machadka Timbuktu ayaa diiwaangelisay adeegsiga garaadka macmalka ah ee dagaalka Mali, oo ay ka mid tahay faafinta farriimo taageeraya dhinacyada colaadda iyada oo loo marayo jilayaal ay farsamadan abuurtay, iyo adeegsiga akoonno been abuur ah.

Daraasaddu waxay sheegtay in adeegsiga garaadka macmalka ah ee wax-abuurka ah ee dagaalka xogtu uu ku sii kordhayo Mali, iyadoo dhinacyada colaadduna ay ku kala duwan yihiin awoodaha, khayraadka iyo ujeeddooyinkooda. Daraasaddu waxay sheegtay in qalabkan loo adeegsanayo in lagu sii xoojiyo kala-qaybsanaanta horay uga jirtay dalka, iyadoo Mali ku tilmaantay "shaybaar furan" oo lagu tijaabiyo adeegsiga tiknoolajiyadda dagaalka.

Mali waxay wajahaysay qalalaase amni tan iyo 2012, kaas oo ay sii hurinayaan kooxaha jihaad-doonka ah, burcadda dambiyada iyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee gooni-u-goosadka ah. Tan iyo Abriil, dagaalyahanno isbahaysi ah oo ka tirsan Jamaacada Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM), oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Dhaqdhaqaaqa Qaranka Xoreynta Azawad (MNLA), oo ah koox gooni-u-goosad ah, ayaa waday weerarro isdaba joog ah oo lagu wiiqayo maamulka milatariga.

Adeegsiga AI ee Gaza iyo Lubnaan

calanka Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, calanka Israa'iil

Baaritaan ay Associated Press daabacday Febraayo 2025 ayaa sheegay in milatariga Israel uu kordhiyay adeegsiga garaadka macmalka ah iyo adeegyada xisaabinta ee ay bixiyaan shirkado Mareykan ah, kaddib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, intii uu socday dagaalkii Gaza iyo Lubnaan

Wakaaladdu waxay natiijooyinkeeda ku salaysay dukumiintiyo gudaha ah, xog iyo wareysiyo ay la yeelatay saraakiil Israa'iili ah oo xil haya iyo kuwo hore u soo noqday, iyo shaqaale ka tirsan shirkadaha tiknoolajiyadda.

Sida laga soo xigtay baaritaanka, milatarigu wuxuu adeegyadaas u adeegsaday falanqaynta xogta sirdoonka, isgaarsiinta la qabtay iyo agabka kormeerka, oo ay ku jiraan qorista iyo tarjumaadda duubista iyo raadinta qaabab ku jira xogta. Sarkaal sirdoon ayaa wakaaladda u sheegay in natiijooyinku ay la mid ahaayeen nidaamyada milatariga ee u gaarka ah ee lagu aqoonsado bartilmaameedyada.