Maxaa ka socda Ari-Caddeeye, halkaasoo in ka badan 20 qof loogu dilay aano qabiil?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Dad ka badan 20 qof oo loo diley aano qabiil ayaa shalay aas-wadareed loogu sameeyey magaalada Ari-Caddeeye ee gobolka Sool ee maamul-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dib dagaal halkaas ku dhex maray labo beelood oo deris ah.
Dagaalkan oo soo noqnoqday ayaa sida la sheegay salka ku haya muran dhuleed oo in muddo ah ka dhex taagnaa beelaha dagaalku dhex maray.
Cali Axmed Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo BBC la hadlay ayaa waxa dhacay ku tilmaamay inay ahayd qaddar aan la fileyn.
"Waxaan u ballansaneyn inaan tii hore xallinno, laakiin qaddar ayaa dhacday," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Labada beelood ayaa isla bishan dhexdeeda uu dhex maray dagaal ku saleysnaa dhul, kaas oo sida uu wasiirku sheegay la xalliyay.
"Markii hore dadku waxay isku qabsadeen dhul-daaqsimeed. Waad garan kartaa dad reer miyi ah oo dooxooyin isku qabsaday ayay ka kacday colaadda. Arrintaas waan dhammeynay, labada beelood iyagaa heshiiyay dowladduna way ku kor joogteyneysay."
Wasiir Cali ayaa intaa ku daray in Isniintii xilli loo ballansanaa xafladda heshiiska labada beelood uu dhacay dagaal kale, kaasoo ka bilaabmay labo nin oo safar ahaa oo waddada loo galay.
"Waxaa socda baaritaanno, meel fiican ayay wax inoo marayaan, si aan u helno cid walba waxa ay geysatay iyo cid aan kula xisaabtanno wixii dhacay." Ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-Seed oo ka mdi ah salaadiinta Ari-Caddeeye kana soo jeeda mid ka mid ah beelaha ay colaaddu dhex martay, oo isna BBC u warramay ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin musiibo, dadka dhintayna ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeel.
"Sida aan warku ku hayo, 24 qof oo midi haween tahay oo beesha aan aniga suldaanka u ahay ah, iyo saddex qof oo midi haween tahay ayaa ku dhintay," ayuu yiri.
Isku dayo badan oo lagu joojinayo colaaddan dambe si xaalka loo xakameeyo ayuu Suldaanku sheegay in lagu guul-darreystay.
Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka maamulka Waqooyi Bari ayaa isna BBC u sheegay inay argagax ku ahayd odayaasha markii ay maqleen dhacdadaas, xilli shalay oo Talaado ah loo ballansanaa in la sameeyo xaflad lagu heshiisiinayo labada beelood.
"Aad baan uga xunnahay waana ka argagaxsannahay tiradaas lagu aasay Ari-Caddeeye, in naga bixi kartay am aysan ahayn. Wixii hadda ka dambeya waxaan Alle ka baryayaa inuu intaas inooga ekeysiiyo." Ayuu yiri.
Garaadka ayaa dhanka kale ku dhaliilay maamulka Waqooyi-Bari inaysan wax weyn ka qaban joojinta colaadda, balse odayaasha iyo culimada deegaanka ay ku guuleysteen inay kala dhex-galaan kuna celiyaan meelihii ay kooxihii dagaallamayay ka yimaadeen.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay colaadda ka dhacya deegaanka Ari-Caddeeye.
"Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.
Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka hormariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka," ayaa lagu yiri.
Waxay ugu baaqday odayaasha iyo dadka deegaanka iyo mas'uuliyiinta maamulka "inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara si looga hortago in colaaddani sii fiddo."
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Cali Axmed Cali ayaa sheegay inay haatan socdaan waanwaan ku saabsan colaadda, haatanna ay xaaladdu deggan tahay, maamulkuna uu amniga gacanta ku hayo.















