Dhakhaatiirtu ma waxay ogaadeen nooc cusub oo sonkorow ah?

Sonkoroow

Xigashada Sawirka, BBC World Service

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Markii ugu horeysay ee dhakhaatiirtu ku dureen Noela Mukombe, insulin waxay u maleeyeen in ay badbaadinayaan nolosheeda, laakiin 30-jirkan u dhalatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay in ay dareentay inay dhimanayso.

Noella, oo ah timo-jare, ayaa laga helay nooca 1-aad ee sonkorowga sanadkii 2023, laakiin waxay sheegtay in ayna waxani sax ahayn.

Kadib markii ay bilawday irbado insuliin ah oo maalinle ah, hooyadan leh laba caruutar ah ayaa sheegtay in ay dareentay dawakhaad oo ay lumisay dheelitirnaanteedii, ka dibna ay maalin miyir beeshay.

"Waxaan nadiifinayay dharka carruurta markii ninkeyga uu arkay anoo dhulka aala oo qaylinaya," Noella ayaa u sheegtay BBC.

Sonkorowga, oo saameeya in ka badan 830 milyan oo qof oo adduunka ah, wuxuu qofka ku dhacaa marka jirku awoodi waayo inuu si habboon u habeeyo heerka sonkorta dhiigga isagoo isticmaalaya insulin, taasoo keeni karta heerar khatar ah.

Nooca 5-aad ee cudurka macaanka waa nooc la rumeysan yahay inuu ka dhashay nafaqo-xumo daba-dheeraatay, gaar ahaan xilliga carruurnimada iyo xilliga qaan-gaarka, waxaana sannadkii hore si rasmi ah u aqoonsaday Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga, kaasoo matalaya 251 ururro oo heer qaran ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma aqoonsan Ururka Caafimaadka Adduunka, oo aaminsan in aan weli la helin caddayn ku filan oo muujinaya in uu yahay nooc gaar ah oo cudurka ah.

Saynisyahanada qaar ayaa aaminsan in nooca 5-aad ee macaanku uu saameeyo ilaa 25 milyan oo qof, waxayna ka digeen in laysku khaldo isaga iyo noocyada kale ee dhibaatada u keena bukaanka.

Dr. Meredith Hawkins, oo ah maamulaha machadka caalamiga ah ee sonkorowga ee Albert Einstein College of Medicine, ayaa sheegay in kala saarista khaldan ay tahay "dhibaato aad u baahsan" oo ay sababto dhimasho sababtoo ah daawaynta insulinta ee aan habboonayn.

"Si joogto ah u daallan"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nooca 1-aad ee xanuunka macaanku waa cudur difaaca jirka ah kaas oo jidhku joojiyo soo saarista insulinta, halka nooca 2aad ee macaanku uu xiriir la leeyahay iska caabbinta insulinta.

Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannadu waxay soo jeedinayaan in nooca 5-aad ee sonkorowga laga yaabo inuu xiriir la leeyahay nafaqo-xumo daba-dheeraata taas oo saameynaysa koritaanka xameetida-xubinta ka mas'uulka ah soo saarista insulinta.

Bukaannadani waxa laga yaabaa inay weli awood u yeeshaan in jidhkoodu soo saaro insulin, laakiin tiro aan ku filnayn, iyo sidoo kale waxay u nugul yihiin si aan caadi ahayn. Sababtan awgeed, daaweynta dhaqameed ayaa laga yaabaa inaysan had iyo jeer shaqeynin, xitaa waxay noqon kartaa waxyeello xaaladaha qaarkood, sida ku dhacday Noella Mukwambi - xitaa qiyaasta caadiga ah ee insulinta waxay keeni kartaa hypoglycemia, taas oo ah, hoos u dhac halis ah oo ku yimaada heerarka sonkorta dhiigga oo laga yaabo in halis noqoto.

Sida noocyada kale, nooca 5-aad ee sonkorowga wuxuu u horseedi karaa dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan indho-la'aan, kelyaha oo fadhiista , dhaawac dareemayaasha soo gaara iyo nabarro si aan bogsanayn oo xubnaha qaar la gooyo.

Sababtiisa awgeed dhalinyarada miisaankoodu aad u hooseeyo, heerarka sonkorta dhiiggana aad u sarreeya, waxaa suurragal ah in lasysku khaldo isaga iyo nooca 1-aad ee sonkorowga, calaamaduhuna aad ayay isu shabbahaan .

Noella, oo hadda ku nool Uganda, ayaa sheegtay in tani u ahayd waayo-aragnimo: waxay ahayd, wax yar ka dib markii ay umushay ilmaheedii labaad, waxay bilowday inay dareento caafimaad darro.

"Afkaygu mar walba wuu qallali jiray," ayay raacisay. "Biyo badan baan cabbi jiray, xataa habeenkii laba ama saddex jeer ayaan toosi jiray."

Noella waxa kale oo uu si degdeg ah u lumisay miisaankii, iyasa oo ka soo dhacay 58 kiiloogaraam ilaa 49 kiiloogaraam, waxana uu la kulantay daal joogto ah – labadabaana waa calaamadaha caadiga ah ee nooca 1aad ee sonkorowga.

Macaanka ama Sonkorowga la xiriira caatada

Macaanka

Xigashada Sawirka, Sophia Sharer

Nooca 5-aad ee macaanku wuxuu si gaar ah u saameeyaa bukaannada ku nool qaybo ka mid ah Aasiya iyo Afrikada Saxaraha ka hooseeya, halkaas oo nafaqo-xumada carruurnimo ay weli tahay mid baahsan. Si kastaba ha ahaatee, daraasaduhu waxay muujinayaan in kiisaska sonkorowga ay sidoo kale ku soo badanayaan shakhsiyaadka miisaankoodu hooseeyo ee dalalka kale.

Daraasad 2023 ah oo lagu daabacay joornaalka Daryeelka Sonkorowga, oo ku saleysan xog laga helay in ka badan 2.6 milyan oo qaangaar ah oo Mareykanka ah, ayaa lagu ogaaday kor u kaca waxa loogu yeero "macaanka-hooseeya."

Suxufiyadan oo hadda 26 jir ah ayaa sheegtay in uu aad miisaankeedu u hooseeyay inta badan caruurnimadeeda iyo yaraanteedii, waxaanay wakhti ku qaadatay cusbitaalka. Markii ay bilowday in miisaaneedu korodho iyada oo 19 jir ah, waxay bilowday inay dareento caafimaad darro.

"Aad baan u gaajooday oo si degdeg ah ayaan u gariiray, waxaanan dareemay in aan suuxayo," ayay tiri Sofia.

Ka dib markii baaritaanno laga saaray nooca 1-aad ee cudurka macaanka ama noocyada hidde-sidaha dhifka ah ee cudurka, Sofia waxay sheegtay in dhakhaatiirtu waxay geeyeen rugta caafimaadka nooca 2-aad "maxaa yeelay ma jirin ikhtiyaar kale."

Mid ka mid ah saynisyahannada ku lug leh aqoonsiga nooca 5 ee sonkorowga ayaa u sheegay iyada inay u badan tahay inay leedahay astaamaha cudurka. Si kastaba ha ahaatee, maadaama aysan hadda jirin baaritaan si rasmi ah loo aqoonsan yahay gudaha UK, xaaladeeda weli lama hubo.

Aqoonsi cusub

La'aantan baaritaanka ogaanshaha dhabta ah waxay qayb ahaan sharraxaysaa sida xaaladdan looga aqoonsaday caalami ahaan.

Ururka Caafimaadka Adduunku waxa uu sannadkii 1985-kii u aqoonsaday magaca "Macaanka la xidhiidha nafaqo-xumada," ka hor inta aan laga saarin noocyada rasmiga ah ee 12 sanno ka dib, maadaama ay dhakhaatiirtu isku afgaran waayeen inuu ka duwan yahay macaanka nooca 2aad.

Intaa ka dib, xaaladdu waxay inta badan ku soo ururtay buugaagta waxbarashada caadiga ah iyo tilmaamaha bukaan-socodka.

Kadib, Abriil 2025, Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga ayaa si rasmi ah u aqoonsaday xaaladdan. Aqoonsigan waxa kale oo taageeray daraasad ay sameeyeen in ka badan 50 saynisyahano ah oo lagu daabacay Lancet sannadkii hore.

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu sheegay in dib u eegista nidaamka kala-soocidda ee 1999 iyo 2006 "ma helin caddayn cilmi ah oo ku filan si loo caddeeyo jiritaanka qaybtan sida kala saarid gaar ah."

Si kastaba ha ahaatee, waxay qiraysaa in kala-soocideeda hadda "aysan daboolin sifooyinka kiliinikada ee dhammaan noocyada sonkorowga," iyo nooca 5 waxaa laga yaabaa in dib loogu dhawaaqo tilmaamihiisa mustaqbalka "haddii caddayn cilmiyeed oo wanaagsan ay soo baxdo" si ay u taageerto xaaladdeeda sida qayb gaar ah.

Taageerayaashu waxay yiraahdeen aqoonsiga xanuunka waxaa gacan ka gaysanyaa xalka.Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga oo keliya ayaa durbaba ka caawinaya bukaannada helitaanka daaweyn ku habboon.

"Markii ugu horreysay abid, waxaa dhawaan jiri doona cutub ka mid ah buuga wax-barashada ee DeGroote's Endocrinology," ayuu yiri Dr. Meredith Hawkins, oo ah maamulaha machadka caalamiga ah ee sonkorowga ee Albert Einstein College of Medicine ee New York, isaga oo tixraacaya buug muhiim ah oo caafimaad oo ay isticmaalaan dhakhaatiirta adduunka oo dhan

"Waxaan mar kale dareemayaa xoog."

Dhowr hay'adood oo caalami ah, oo ay ku jiraan Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Ururka Sonkorowga Maraykanka, oo ay weheliyaan saynisyahano kale, ayaa su'aal ka keena jiritaanka nooca 5 ee sonkorowga sida cudur gaar ah.

Mid ka mid ah khabiirada sonkorowga ee Hindiya ayaa aaminsan in waxa loo kala saaro nooca 5 ay si fudud u noqon karto nooc ka mid ah nooca 2 ee sonkorowga ee shakhsiyaadka miisaankoodu hooseeyo, ama nooc ka mid ah sonkorowga 1, oo aan ahayn cudur gaar ah.

"Haddii uu yahay nooca 5, sidee baa loo ogaadaa? I tus ugu yaraan hal calaamad," ayuu yiri Dr. V. Mohan, madaxa xarunta xanuunka sonjorta ee Dr. Mohan,ee Magaalada Chennai ee dalka India.

Haddii aanay jirin hal, baaritaan gaar ah oo ogaanshaha, dhakhaatiirtu waxay raadiyaan qaabab ay ka mid yihiin nafaqo-xumada carruurnimada, miisaanka jidhka oo hooseeya, iyo jawaabaha insulinta oo aan caadi ahayn.

Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga ayaa hadda sameeyay koox shaqo si ay u horumariyaan shuruudaha ogaanshaha rasmiga ah iyo tilmaamaha daaweynta.

Cilmi-baaris horudhac ah ayaa soo jeedinaysa in bukaannada qaarkood laga yaabo inay muujiyaan nafaqada oo hagaagtay iyo daaweynta daroogada si taxadar leh loo maareeyay.

Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta ayaa weli ah caqabad weyn iyadoo ay jirto dhimis ballaaran oo lagu sameeyo gargaarka dibadda iyo miisaaniyadda caafimaadka adduunka, oo ay ku jiraan deeq-bixiyeyaasha waaweyn sida Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Cilmi-baarayaasha qaar ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu ay aad ugu baahato meelaha ay saameeyeen dagaallada, macluusha, iyo cunto yarida.

Professor Meredith Hawkins ayaa yiri, "Waxaa muuqata in qarka loo saaran yahay dhibaato cunto yari oo caalami ah oo aad u daran. Tani waxay noqon doontaa war aad u xun jiilka soo socda."

Tan iyo markii la helay cudurka dib loo eegay, dhakhaatiirtu waxay yareeyeen qiyaasta insulinta ee Noella waxayna ku bilaabeen metformin, kaniini inta badan loo isticmaalo in lagu daweeyo nooca 2 ee sonkorowga.

Waxay sheegtay in caafimaadkeedu aad u soo hagaagay; Indhaheeda ayaa roonaaday, miisaankeeduna wuu soo noqoday.

Waxay ku dartay: "Anigu markii hore waxaan dareemi jiray tabar dari, laakiin hadda waxaan dareemayaa inaan xoog badanahay."

Haddii aanay jirin hal, baaritaan gaar ah oo ogaanshaha, dhakhaatiirtu waxay raadiyaan qaabab ay ka mid yihiin nafaqo-xumada carruurnimada, miisaanka jidhka oo hooseeya, iyo jawaabaha insulinta oo aan caadi ahayn.

Xiriirka Caalamiga ah ee Sonkorowga ayaa hadda sameeyay koox shaqo si ay u horumariyaan shuruudaha ogaanshaha rasmiga ah iyo tilmaamaha daaweynta.