In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay rabshadihii doorashada Tanzania

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay rabshadaha doorashada Tanzania, baaritaan ayaa ogaaday

Tansaaniya waxaa ka dhacay xaalado aan caadi ahay, inti lagu gudo jiray doorashooyinka, kuwaas oo wadar ahaan 518 qof ay ku dhinteyn qof, iyada oo 197 kamid ah rasaas lagu dilay, intii ay socdeen dibadbaxyadii ballaarnaa ee ka dhashay doorashadii guud ee sanadkii hore, sida ay shaacisay guddiga baaritaanka ee loo xilsaaray.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha guddiga, Mohamed Chande Othman, ma uusan sheegin cidda ka dambeysay dhimashada, waxa uuna ku taliyay in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo.

Tani waa markii ugu horreysay ee mas'uuliyiintu sheegaan tirada dadka dhintay.

Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa hore ugu eedeeyay ciidamada ammaanka inay sameeyeen cadaadis xooggan oo ka dhan ah dibadbaxayaasha dowladda ka soo horjeeday, taasoo keentay dhimashada kumannaan qof.

Madaxweyne Samiya Suluhu Hassan ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay doorashadii 29-kii Oktoobar iyadoo heshay 98% codadka, arrin ay mucaaradku ku tilmaameen "majaajillo dimuqraadiyadeed" kadib markii musharrixiinteedii ugu waaweynaa laga reebay doorashada.

Waqtigaas, madaxweynuhu waxay sheegtay in doorashadu ay ahayd mid cadaalad ah oo hufan, waxayna rabshadaha ku eedaysay dad ay ku sheegtay 'ajaanib', iyadoo sheegtay inay ahaayeen qorshe lagu ridayo xukunkeeda.

Si kastaba, kormeerayaal caalami ah ayaa sanadkii hore muujiyay walaac ku saabsan hufnaan la'aanta doorashada, iyadoo Midowga Afrika iyo ururka Koonfurta Afrika ee SADC ay sheegeen in doorashadu aysan gaadhin heerarka dimuqraadiyadeed ee loo baahnaa.

Sanadkii hore, BBC ayaa xaqiijisay muuqaallo badan oo muujinaya booliska oo rasaas ku furaya kooxo dibadbaxayaal ah. Muuqaallo lagu baahiyay internetka ayaa muujinayay in dibadbaxayaasha ay la kulmeen cutubyo boolis oo hub culus wata, kuwaas oo joojiyay socodkooda isla markaana isticmaalay gaaska ilmada si ay u kala eryaan dadweynaha. Muuqaallo badan ayaa si cad looga maqlayay rasaas iyadoo dadku kala cararayaan.

Baaxadda rabshadaha doorashada Tanzania waxay ahayd mid naxdin leh dal muddo ku dhow lixdan sano ku caan ahaa deggenaansho, is-afgarad iyo nidaam.

Markii ay hadal ka jeedisay ka dib oo ay heshay warbixinta rabshadaha, Samiyaa waxay sheegtay in ay "ruxday qaranka", isla markaana dowladda ay casharro ka baran doonto.

Waxay sidoo kale difaacday tallaabooyinkii hay'adaha ammaanka, iyadoo sheegtay inay ka hortageen in dalka uu galo fowdo.

"Wax baan baranay. Guddigu wuxuu noo sheegay in rabshadaha oo dhan la qorsheeyay, oo la isku dubbariday, lana maalgeliyay, isla markaana ay fuliyeen dad tababar loo siiyay qalabna loo siiyay inay dambiyo geystaan," ayay tiri.

Waxay aaminsan tahay in ujeeddada dadka ku lugta lahaa ay ahayd "in la abuuro firaaq hoggaamineed" oo dalka laga dhigo mid aan la maamuli karin, iyadoo intaas ku dartay in lala xisaabtami doono.

Madaxweynuhu waxay sidoo kale ku dhawaaqday in la sameyn doono hay'ad baaritaan dambiyeed si loo eego falalka la xiriira rabshadihii doorashada ka dib.

Waxay sheegtay in hay'addu ay ogaan doonto dadka ku lug lahaa falal dambiyeed sida dhaca dukaamada, bililiqada hantida, burburinta kaabayaasha iyo sababaynta dhimashada.

"Baaritaanku wuxuu sidoo kale eegi doonaa dhimashada carruurta, wax ka qaban doonaa sheegashooyinka ku saabsan meydad maqan, wuxuuna baarayaa eedeymaha afduubka, oo ay ku jiraan meelaha ka baxsan goobihii rabshadaha ka dhaceyn," ayay tiri.

Xisbiga mucaaradka ee Chadema ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in warbixintu ay tahay "daboolid" islamarkaana ay tahay "isku day lagu baab'inayo dambiyada dowladda".

518-ka qof ee dhintay, 490 waxay ahaayeen rag, 21 carruur ah, halka 16 ay ahaayeen askar ammaanka ah, ayuu yiri Othman.

Laakiin wuxuu sheegay in tiradu ay ka badan karto maadaama qaar ka mid ah dadka la aasay iyada oo aan la ogeysiin mas'uuliyiinta.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa dhaawacmay, oo ay ku jiraan 120 askari oo ammaanka ah, ayuu intaa ku daray.

Kooxo mucaarad iyo kuwo diimeed ayaa sheegay in kumannaan qof la dilay, iyadoo la soo sheegay in meydad laga qaaday isbitaallo qaarna lagu aasay xabaalo wadareed.

Othman wuxuu sheegay in ay jiraan xabaalo wadareed "aan la xaqiijin karin", isagoo ku eedeeyay in sawirro qaar lagu farsameeyay sirdoonka macmalka ah (AI).

Guddigu wuxuu tilmaamay sababo dhowr ah ay ku hayaan rabshadaha, kuwaas oo ay ku jiraan arrimo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho sida baahida isbeddel siyaasadeed, shaqo la'aan iyo "la'aanta waddan jeceyl".

Ka dib markii guddiga 9-ka xubnood ah uu magacaabay madaxweyne Samiya, xisbiyada mucaaradka ayaa muujiyay walaac.

Waxay sheegeen in baaritaanku "uusan noqon karin mid madax-bannaan ama dhexdhexaad ah, gaar ahaan marka dowladda lafteedu tahay tuhunsanaha ugu weyn ee dambiyada la baarayo".

Dhallinyarada dibadbaxayaasha ah ayaa guud ahaan sheegay inay ka caroodeen nidaam siyaasadeed oo ay u arkaan mid hal xisbi uu xukumo tan iyo markii Tanzania ay xornimada qaadatay 1960-meeyadii.

Labada hoggaamiye mucaarad ee ugu waaweyn ayaa laga hor istaagay inay ka qaybqaataan doorashada 2025. Tundu Lissu wali waa xiran yahay isagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran, taasoo uu diidan yahay, halka musharraxnimada Luhaga Mpina loo diiday sababo farsamo.

Guddigu wuxuu soo jeediyay talooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin daaweyn caafimaad oo bilaash ah iyo taageero nafsiyeed oo la siiyo dhibbanayaasha, iyo in la sameeyo maalin qaran oo baroor-diiq ah oo lagu xusuusto dadka dhintay.

Waxay sidoo kale soo jeedisay in la dhiso guddi baaritaan dambiyeed si loo go'aamiyo cidda lala xisaabtami doono.