Markii uu Donald Trump ku dhawaaqayey kordhinta xabbad-joojinta Israa’iil iyo Lubnaan waxa uu ku sugnaa miiska Resolute Desk ee ku yaalla xafiiska Oval, waxaana garabkiisa taagnaa madaxweyne ku xigeenkiisa iyo xoghayaha arrimaha dibadda, iyo sidoo kale safiiro ka kala socday Lubnaan iyo Israa’iil
Dhammaantood waxa ay Madaxweynaha ku amaanayeen tallaabada taariikhda cusub ee uu sameeyey.
In kasta oo ay arrin muhiim ah tahay, haddana xabbad-joojintu waxay weli u muuqataa isku day lagu joojinayo dagaalladii dib u qarxay markii Trump laftiisa uu Iiraan dagaal ku qaaday, isaga oo ay la jirto Israa’iil.
Marka laga hadlayo rabitaanka in la gaaro nabad waarta oo u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, arrintaasi waa mid qoto ballaaran una baahan in laga fakao in hub ka dhiigis lagu sameeyo ururka Xisbullaah ee ka dagaallama Lubnaan.
Kooxdan ay taageerto Iiraan muddo dheer waxay ahayd awoodda ugu xooggan ee Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka iyo Israa’iil waxay aaminsan yihiin in hadda ay daciiftay kooxda, kadib markii ay hoos u dhacday awoodda Iiraan sanadihii u dambeeyey, taasina ay abuurtay fursad lagu hub ka dhigi karo Xisbullah.
Hase yeeshee, si ay dowladdu Lubnaan u sameyso dadaal noocaas ah, waxay u baahan tahay in waxyaabo badan isbeddel xoogan lagu sameeyo, tusaale ahaan in Israa’iil ay ka baxdo dhulka ay hadda haysato iyo in la helo dammaanad lagu joojinayo weerarrada Israa’iil, iyo sidoo kale taageero badan oo ka timaadda Washington si loo xoojiyo ciidamada rasmiga ah ee Lubnaan.
Xisbullah waxay isu aragtaa inay tahay xoogga keliya ee hubeysan ee si dhab ah uga hortagi kara Israa’iil, waxaana suuragal ah in qorshe Maraykan ah oo ku salaysan cadaadis keliya oo aan lahayn dhiirrigelin uu kiciyo xiisado diimeed oo cusub gudaha Lubnaan, oo aan weligeed si buuxda uga soo kaban dagaalkii sokeeye ee burburka weyn sababay ee socday 15 sano.