16 qof oo gaajo ugu dhintay dalka Uganda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 16 qof ay toddobaadyadii la soo dhaafay gaajo ugu dhinteen gobolka Karamoja, oo ku yaalla waqooyi-bari dalka.
Sida ay dowladda Uganda sheegtay, abaarta daba dheeraatay ayaa sabab u noqotay macluusha ka jirta gobolka.
Beeraleyda ayaa sheegay in dalagyadoodii ay baaba’een sababo la xiriira abaarta daran, iyadoo roobabkii la filayay laga bilaabo bisha Abriil ilaa bilowgii xilliga beerashada ay aad u yaraayeen ama gebi ahaanba aysan di’in.
Khubarada ayaa sheegay in gobolka uu wajahayo cunto yari ay sabab u yihiin isbeddelka cimilada, roob la’aanta, xaalufinta dhirta, daaqsinka xad-dhaafka ah iyo xaalufka deegaanka. Waxay ka digeen in arrimahan ay bulshada u horseedi karaan gaajo baahsan.
Ra’iisul Wasaaraha Uganda, Robinah Nabanja, ayaa sheegtay in kumannaan qoys ay waayeen cunnadoodii iyo dalagyadoodii. Waxay intaas ku dartay in xafiiskeedu uu sugayo go’aanka Golaha Wasiirrada si gargaar loogu fidiyo deegaannada ay dhibaatadu saameysay.
Waxay sheegtay in dowladdu ay bixinayso gargaar degdeg ah.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in dalagyo ay ka mid yihiin baradhada, bisinga iyo bocorka ay ku baaba’een abaarta.













