Sidee ayey uga hortagaan jees-jeeska ay la kulmaan ragga sita magaca hooyada?

Simon Macharia Wangũi ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in magaciisa dambe uu yahay mid dumar
Qoraalka sawirka, Simon Macharia Wangũi
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Carruur badan oo Kenya ku nool waxay qaataan magaca aabahooda balse waxaa jira kuwa qaata magaca hooyada oo marka la sheegayo magaca u dambeeya uu yahay mid dumar.

Tani waxay si gaar ah uga dhex muuqataa qowmiyadda ugu weyn dalka kenya ee Kikuyu, waxayna noqotay mowduuc dood dhaliyay iyadoo mararka qaar lagu jees-jeeso ragga sita magacyada haweenka.

Haweenka sita magaca hooyada lama kulmaan inta badan jees-jees si la mid ah tan ay la kulmaan ragga, qaar badan waxay doortaan marka ay guursadaan in ay qaataan magaca ninkooda.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in ay korortay ragga sita magaca hooyada, waxayna sheegeen in taasi ay ka turjumeyso isbaddelka ku yimid bulshada halka kuwa Kalena ay dhaliilaan ragga qaata magaca hooyada.

Waagii hore waxay ahayd arrin dhif ah in rag xilal muhiim ah haya ay lahadaan magac dumar, balse maanta waxaa jira siyaasiyiin dhowr ah oo magacooda dambe uu yahay mid dumar sida xildhibaanka lagu magacaabo John Njũgũna Wanjikũ.

Xildhibaan John waxaa soo korisay hooyo kaligeed ah, waxaana markii ugu horreysay loo doortay xilka sannadkii 2021.

Ragga qaar ee sita magaca hooyada waxaa loo bixiyay markii ay dhasheen halka kuwo kalena ay iyagu doorteen si ay sharaf ugu muujiyaan hooyadood.

Fannaan Kenya u dhashay

Xigashada Sawirka, Kĩgia wa Esther/Facebook

Qoraalka sawirka, Peter Kĩgia

Mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee jabiya dhaqankii ahaa in raggu qaataan magacyada aabbayaasha, wuxuu ahaa fannaanka reer Kenya Peter Kigia, kaas oo magaca hooyadii u doortay in uu noqdo kan uu masraxa uu u isticmaalo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suxufi Simon Macharia Wangũi ayaa BBC-da u sheegay in uu si ula kac ah u go'aansaday in uu magaca hooyadii ka dhigto magaciisa rasmiga ah ee qoyskiisa.

"Maxay tahay sababta qof loo siinayo wax uusan muteysan? ayuu yiri isagoo ka hadlayay aabihiis oo ka maqnaa inta badan noloshiisa, wuxuu kaloo sheegay in uu maqlay oo kaliya jiritaankiisa"

Suxufigan ayaa aaminsan in aan lagula xiriirin qof aan noloshaada qeyb ka aheyn markii aad soo barbaareysay.

Waxaa soo korsaday ayeydiis. Wuxuu jiray 12 sano markii hooyadii ay geeriyootay sanadkii 2003-dii. Ma uusan laheyn magaca dambe ee qoyska ilaa uu ka gaaro sanadkii ugu dambeeyay dugsiga sare, markaas oo uu codsaday warqadda dhalashada.

Suxufiga Wangui oo ku qanacsan doorashadiisa wuxuu qiray in inta badan aysan fududeyn in la qaato magac dumar, wuxuu kaloo sheegay in taasi ay keento "dhibaato aqoonsi".

Wariyaha lagu magacaabo Evans Kibe Waceke oo magaciisa dambe uu yahay mid dumar, ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka Kenya ay aaminsan yihiin carruurta aabo la'aanta koray in "akhlaaq gaar ah ay ka maqan tahay".

Wairimũ Mũkũrũ

Xigashada Sawirka, Wairimũ Mũkũrũ/Facebook

Qoraalka sawirka, Wairimũ Mũkũrũ

Wairimu Mukuru waa khabiir da'yar oo ku takhasustay dhaqanka Kikuyu, waxay sidoo kale taageeroyaal badan ku leedahay baraha bulshadah, waxay sheegtay in tirada badan ee carruurta ee sita magaca hooyada ay ka timid arrimo la xiriira qoysaska hooyooyinka kaligood ah oo batay.

Si kastaba ha ahaatee, waxay intaas ku dartay in tani ay weli tahay arrin aan caadi ka ahayn dhaqanka dalka, maadaama xitaa wiilasha ay dhaleen haweenka aan la qabin badanaa la siiyo magacyo rag ah.

Mukuru waxay kaloo sheegtay in ragga qoyska hooyada kaligeed ilmaha haysata aysan ogoleyn in la qaato magacooda taasna waxay ku saleeyaan si looga fogaado muranka ka imaan doona arrimaha dhaxalka.

 Ngũgĩ

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ngũgĩ wa Thiong'o

Aqoonyahanka lagu magacaabo George Gathigi ayaa sharaxaad ka bixiyay ragga qaata magacyada dumarka, wuxuu sheegay inkastoo ragga Kikuyada ay dhaqan ahaan isku aqoonsan jireen dhinaca hooyooyinkood, haddana taasi waxay ahayd mid aan rasmi ahayn. In magaca dumar si rasmi ah loo qaato oo uu noqdo magaca qoyska ama magacaaga oo saddaxan waa arrin cusub.

George Gathigi wuxuu kaloo tusaale u soo qaatay in marka raggu guursadaan xaasas badan ay carruurtu ku aqoonsadaan magacyada hooyada dhashay si looga fogaado jahawareer. Arrintaasi waxay aheyd ayuu yiri Gathigi mid la xiriirta dhaqanka Kikuyada.