Rasaas laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad – Soo koobid
Rasaas ayaa laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cadee ka dhacday Washington DC habeenkii Sabtida. Eedeysanaha waa la qabtay, halka askari la toogtay, balse jaakaddiisa ka hortagga rasaasta ayaa badbaadisay.
Halkan waxaan idinkugu soo koobeynaa waxa dhacay:
- Xafladda sanadlaha ah waxaa lagu qabtay hoteelka Washington Hilton, iyadoo Donald Trump uu ka qeyb galay markii ugu horreysay isagoo madaxweyne ah
- Marwada Koowaad Melania Trump, Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, iyo boqollaal wariyeyaal, dad warbaahin ah iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa sidoo kale goobta joogay
- Nin la tuhunsan yahay ayaa galay hoolka hore ee hoteelka, isagoo isku dayay inuu dhaafo ciidamada ammaanka iyo qalabka baaritaanka biraha, qiyaastii 00:45 GMT
- Dhawaqyo rasaas ah ayaa la maqlay, taasoo keentay in ciidamada ammaanku ay goobta si degdeg ah uga saaraan madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale goobta
- Boqollaal marti ah ayaa halkaas ku haray ku dhowaad saacad ka hor inta aan hoolka la nadiifin
- Trump ayaa baraha bulshada ku wadaagay sawirro iyo muuqaalka eedeysanaha
- Cole Tomas Allen, 31 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay eedeysanaha
- Waxaa la filayaa in Isniinta lagu soo oogo dacwado dhowr ah, oo ay ku jiraan isticmaalka hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah
Trump ayaa markii dambe wariyeyaasha u sheegay: “Ma qiyaasi karo xirfado badan oo ka khatar badan,” isagoo ka hadlayay isku dayo toogasho oo dhacay sanadihii u dambeeyay.