TOOS, Eedeysanaha oo gacanta lagu hayo kadib markii rasaas laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad

Madaxweynaha ayaa waxaa meesha ka saaray ciidanka kadib markii rasaas la maqlay.

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Trump oo sheegay in Iran aysan ku lug lahayn dhacdadii toogashada intii lagu guda jiray cashada wariyaasha Aqalka Cad

    Trump

    Xigashada Sawirka, DANIEL HEUER/POOL/EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in rasaastii ka dhacday cashadii aqalka xilli lagu guda aysan ka joojin doonin qorshihiisa dagaal uu la galo Iran, inkastoo uu aaminsan yahay in dhacdadu u badan tahay inaysan xiriir la lahayn arrintaas.

    “Ma iga hor istaagi doonto inaan ku guuleysto dagaal aan la galo Iran,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad kadib dhacdada. “Ma garanayo haddii ay wax xiriir ah la leedahay, mana u maleynayo sida aan hadda ognahay.”

    Si kastaba, Trump ayaa hore u yiri: “Waligeen si buuxda uma ogaan karno” haddii dhacdadu la xiriirto dagaalka Iran, isagoo xusay in baarayaashu ay wali wadaan dadaallo lagu ogaanayo ujeeddooyinka qofkii wax toogtay, kaas oo uu ku tilmaamay “fal kaligiis-uu ku ahaa”.

  2. waaxda ilalada gaarka ah 'Fulay ayaa isku dayay inuu abuuro masiibo qaran' -

    Waxaan goor-dhaw bayaan ka soo baxay waaxda ilaalada gaarka ee madaxwaynaha, kuwaas oo joojiyay tuhmanihii rasaasta furay xilli lagu guda jiray casho uu ka qaybgalayay Madaxweyne Donald Trump xalay.

    “Caawa, qof fulay ah ayaa isku dayay inuu abuuro musiibo qaran. Wuxuu dhayalsaday awoodaha ilaalinta ee Adeegga Sirdoonka Mareykanka, waxaana la joojiyay isla markiiba markii uu isku dayay weerarka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Ku-xigeenka Agaasimaha, Matthew Quinn.

    “Adkeysiga iyo xoogga nidaamkayaga amni ee lakabyada badan leh ayaa si cad u muuqday,” ayuu yiri Quinn, isagoo xusay in ay jireen “xeelado iyo tallaabooyin badan oo ka hortag ah oo weli diyaar ahaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan uga mahadcelineynaa ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee Adeegga Sirdoonka iyo la-hawlgalayaashayada qiimaha leh ee fulinta sharciga.”

  3. War deg deg ah, Eedeysanaha ayaa sheegay inuu doonayay inuu beegsado mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Donald Trump – CBS

    CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC ee Mareykanka, ayaa soo warisay in ninka lagu tuhunsan yahay toogashada uu u sheegay mas’uuliyiinta in uu beegsanayay saraakiil la xiriira Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Iyadoo laga soo xiganayo laba ilo oo aan la magacaabin, CBS ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan shan illaa sideed xabbadood la riday intii uu dhacdadu socotay.

    Sidoo kale akhri:

  4. Rasaas laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad – Soo koobid

    Rasaas ayaa laga riday xafladda Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cadee ka dhacday Washington DC habeenkii Sabtida. Eedeysanaha waa la qabtay, halka askari la toogtay, balse jaakaddiisa ka hortagga rasaasta ayaa badbaadisay.

    Halkan waxaan idinkugu soo koobeynaa waxa dhacay:

    • Xafladda sanadlaha ah waxaa lagu qabtay hoteelka Washington Hilton, iyadoo Donald Trump uu ka qeyb galay markii ugu horreysay isagoo madaxweyne ah
    • Marwada Koowaad Melania Trump, Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, iyo boqollaal wariyeyaal, dad warbaahin ah iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa sidoo kale goobta joogay
    • Nin la tuhunsan yahay ayaa galay hoolka hore ee hoteelka, isagoo isku dayay inuu dhaafo ciidamada ammaanka iyo qalabka baaritaanka biraha, qiyaastii 00:45 GMT
    • Dhawaqyo rasaas ah ayaa la maqlay, taasoo keentay in ciidamada ammaanku ay goobta si degdeg ah uga saaraan madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale goobta
    • Boqollaal marti ah ayaa halkaas ku haray ku dhowaad saacad ka hor inta aan hoolka la nadiifin
    • Trump ayaa baraha bulshada ku wadaagay sawirro iyo muuqaalka eedeysanaha
    • Cole Tomas Allen, 31 jir ah, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay eedeysanaha
    • Waxaa la filayaa in Isniinta lagu soo oogo dacwado dhowr ah, oo ay ku jiraan isticmaalka hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah

    Trump ayaa markii dambe wariyeyaasha u sheegay: “Ma qiyaasi karo xirfado badan oo ka khatar badan,” isagoo ka hadlayay isku dayo toogasho oo dhacay sanadihii u dambeeyay.

  5. Waa kuma eedeysanaha, maxaase lagu soo oogay?

    Trump

    Xigashada Sawirka, @realDonald Trump/ Truth Social

    Ninka lagu tuhunsan yahay weerarka toogashada ayaa lagu sheegay inuu yahay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah kana soo jeeda Torrance, California, sida ay sheegtay CBS oo ah la-hawlgalaha wararka Waqooyiga Ameerika ee BBC.

    Donald Trump ayaa sheegay in FBI-da iyo Sirdoonka ay fulinayaan amarro baaritaan oo ka socda cinwaan ku yaalla California.

    Taliyaha ku-meelgaarka ah ee booliiska Washington DC, Jeffery W Carroll, ayaa sheegay in eedeysanuhu uu ahaa marti deggan hoteelka lagu qabanayay munaasabadda, isla markaana uusan jirin sabab loo aaminsan yahay in qof kale uu halis ku jiro.

    Inkasta oo hay'adaha ammaanku xaqiijiyeen in rasaas la riday, haddana lama oga tirada saxda ah. Booliiska ayaa sheegay in ay rasaas isweydaarsadeen eedeysanaha iyo saraakiisha ammaanka.

    Carroll ayaa sheegay in eedeysanaha uu "ku hubeysnaa qori, bastoolad, iyo mindiyo badan".

    Jeanine Pirro, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Washington, ayaa sheegtay in eedeysanaha wajahayo laba dacwadood oo la xiriira adeegsiga hub intii lagu guda jiray fal rabshado ah, iyo weerar lagu qaaday saraakiil federaal ah iyadoo la adeegsanayo hub halis ah.

    Waxay intaas ku dartay in si rasmi ah dacwad loogu soo oogi doono Isniinta.

    Sababta ka dambeysa weerarka wali ma cadda, balse Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu bixiyo war cusub Axadda maanta ah.

    Sidoo kale akhri:

  6. Toogashada maanta waxay ka dhacday isla goobtii 1981 ay halis ku gashay nolosha Reagan

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Saddex qof ayaa ku dhaawacmay isku daygii lagu dili lahaa Ronald Reagan sanadkii 1981.

    Dhacdada rasaasta ee maanta ayaa ka dhacday hoteelka Washington Hilton ee ku yaalla Connecticut Avenue — isla hoteelkii lagu toogtay laguna dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan sanadkii 1981.

    Weerarkaas wuxuu dhacay 30-kii Maarso 1981, markaas oo dambiilaha John Hinckley Jr uu rasaas ku furay Reagan xilli uu ku sii socday gaarigiisa limuusinka ahaa kadib khudbad uu ka jeediyay gudaha hoteelka.

    Reagan wuu ka badbaaday, balse si xun ayuu u dhaawacmay kadib markii xabbad ay ka soo boodday dhinaca gaariga madaxweynaha oo ay kaga dhacday laabtiisa, taasoo jebisay feer dhaawacna gaarsiisay mid ka mid ah sambabbadiisa. Waxaa si degdeg ah loo geeyay George Washington University Hospital, waxaana ugu dambeyn laga saaray 11-kii Abriil.

    Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas, James Brady, ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, sidaas oo kale waxaa dhaawacmay sarkaal ka tirsan Sirdoonka iyo askari ka tirsan Booliiska Magaalada Washington DC.

    Brady wuxuu la kulmay dhaawac maskaxeed oo culus, wuxuuna naafo noqday inta ka dhiman noloshiisa. Dhaawacyadiisa ayaa sii saameeyay ilaa geeridiisii sanadkii 2014.

    Sannadkii xigay, Hinckley waxaa lagu waayay dambi sabab la xiriirta xaalad maskaxeed oo heysatay, balse waxaa lagu hayay qayb amni sare leh oo ka tirsan St Elizabeths Hospital ilaa laga sii daayay 2016.

    Illaa maanta, calaamad ayaa weli ku taalla darbiga hoteelka, taas oo xusaysa goobtii uu weerarku ka dhacay.

  7. Faahfaahin kasoo baxeysa ninka rasaasta riday

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jeffrey W Carroll, Taliyaha Ku-meelgaarka ah ee Booliiska, Waaxda Booliiska Metropolitan

    Eedeysanaha ayaa lagu sheegay inuu yahay Cole Tomas Allen, 31 jir ah, kana soo jeeda Torrance, California, sida ay warbaahinta Mareykanka sheegtay.

    Taliyaha booliiska Washington DC, Jeffery W Carroll, ayaa sheegay inuu ahaa marti deggan hoteelka lagu qabanayay munaasabadda, isla markaana qolkiisa la xiray iyadoo qayb ka ah baaritaanka.

    Waxaa la weydiiyay haddii ay jiraan wax isbeddel ah oo dhinaca ammaanka ah oo lagu sameeyay dhacdooyinka la xiriira caasimadda Mareykanka ee inta badan lagu qabto munaasabaddan oo kale.

    Wuxuu sheegay inaysan jirin sabab loo aaminsan yahay in qof kale uu halis ku jiro, balse ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo lagu arkayo goobaha dhacdooyinka sida xafladaha ka dambeeya munaasabadda.

  8. Trump oo sheegay inuu diyaar u ahaa inuu jeediyo khudbad “aan aad u habboonayn” intii cashada socotay

    Trump ayaa sheegay in uu gebi ahaanba diyaar u ahaa inuu khudbaddiisa ka jeediyo cashada, ka hor inta aysan rasaastu dhicin.

    “Waxaan diyaar u ahaa inaan si dhab ah u dhaliilo, waxaanan ku iri dadkayga, ‘tani waxay noqon lahayd khudbaddii aan ugu habbooneyn ee abid la jeediyo’ haddii aan sidaas sameeyo,” ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in uu hadda ka shakisan yahay inuu mar kale sidaas u adkaan karo: “Ma garanayo haddii aan mar kale sidaas u adkaan karo caawa.”

    Marka laga hadlayo khudbadda munaasabadda dib loo qaban doono, wuxuu sheegay: “Waxaan u malaynayaa inaan noqon doono mid aad u deggan. Waxay u badan tahay inaan noqon doono caajis marka xigta, laakiin waxaan qaban doonnaa munaasabad aad u wanaagsan.”

  9. Khibraddu waxay ahayd mid naxdin leh oo ku adkaatay Melania, ayuu yiri Trump

    Trump ayaa sheegay in munaasabadda dib loo qaban doono taariikh dambe, isagoo intaas ku daray in dhacdadani ay ahayd “khibrad naxdin leh” oo si gaar ah ugu adkayd Marwada Koowaad, Melania Trump.

    “Ma ogolaan doono in qofna uu la wareego bulshada aan leenahay,” ayuu yiri.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in markii hore uusan rabin inuu ka baxo goobta. “Si adag ayaan u dagaallamay inaan sii joogo,” ayuu yiri, balse waxaa loo sheegay in ay tahay habraaca amniga in laga kaxeeyo goobta, maaddaama aan weli si cad loo ogayn in weerarku ahaa mid qof keli ah ama koox ah.

  10. Tuhmanaha “waa qof aad u xanuunsan,” ayuu yiri Trump

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Trump ayaa sheegay in tuhmanaha, oo hadda lagu hayo gacanta, uu yahay “qof aad u xanuunsan.”

    “Ma doonayno in waxyaalahan oo kale ay dhacaan,” ayuu yiri.

    Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha munaasabadda, isagoo sheegay inay “si qurux badan u qabteen habeen aad u wanaagsan” oo diiradda lagu saaray xorriyadda hadalka iyo dastuurka.

    Wuxuu sheegay in munaasabadda dib loo qaban doono 30-ka maalmood ee soo socda, isagoo intaas ku daray inay noqon doonto “mid ka weyn, ka wanaagsan, oo xitaa ka qurux badan.”

    Trump ayaa sidoo kale u mahadceliyay warbaahinta, isagoo sheegay inay “si masuuliyad leh” uga warrameen dhacdada.

  11. War deg deg ah, FBI oo sheegtay in qof laga shakiyay gacanta lagu hayo

    FBI-da ayaa xaqiijisay in tuhmane lagu hayo gacanta kadib markii rasaas laga riday hotelka ay ka socotay Cashadii Weriyeyaasha Aqalka Cad.

  12. Su'aalo laga keenay ammaanka

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Su’aalo waaweyn ayaa weli ka taagan dhacdadan rasaasta, balse isla markiiba kadib waxay kicisay walaac ku saabsan nidaamka amniga ee Cashada Weriyeyaasha Aqalka Cad.

    Munaasabadda ka dhacda hotelka Washington Hilton waxaa inta badan sanad kasta ka qayb gala madaxweynaha, xoghayayaal ka tirsan golaha wasiirrada, iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan maamulka, iyo sidoo kale boqolaal wariyeyaal ah.

    Ka qeybgalayaasha waxaa laga doonayaa inay maraan baaritaan amni oo la mid ah kan garoomada diyaaradaha si ay u galaan hoolka weyn ee cashadu ka dhacdo. Sidoo kale, waxaa jira amni lagu sugayo bannaanka hotelka.

    Aragti ahaan, waa inay noqotaa munaasabad si aad ah loo sugay marka laga eego dhinaca amniga ee Washington. Ma jiraan dhacdooyin la mid ah oo hore uga dhacay cashooyinkan. Laakiin xaqiiqda ah in tani ay caawa dhacday waxay hubaal gelinaysaa in si gaar ah loo eego amniga munaasabaddan mustaqbalka.

  13. Daawo: Xilliga Trump si degdeg ah looga saaray Cashadii Weriyeyaasha Aqalka Cad kadib markii rasaas la maqlay

    Qoraalka Muuqaalka, Xilligii Trump laga kaxeynayay Aqalka Cad

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si degdeg ah loogu qaaday meel ammaan ah kadib markii rasaas laga maqlay goobta ay ka socotay Cashadii Weriyeyaasha Aqalka Cad.

    Madaxweynaha iyo marwada koowaad, Melania Trump, ayaa u muuqday inay ku jireen wada hadal ka socday hotelka Washington Hilton markii buuq ka dhacay goobta lagu baraarugay.

    Dhawaaqyo xooggan ayaa la maqlay, kadibna xubno ka tirsan Sirdoonka ayaa madaxweynaha ka kaxeeyay goobta iyagoo ku qaylinaya “hoos u jiifta, hoos u jiifta”.

  14. Sawirro muujinaya wixii ka dhacay gudaha hoteelka

    Sawirro ayaa laga helay hotelka Washington Hilton, kuwaas oo muujinaya martida oo hoganeysa kadib markii la maqlay rasaas.

    Kooxaha amniga ayaa ka caawiyay qaar ka mid ah martida in laga daadgureeyo dhismaha.

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidanka ammaanka oo kaxeynaya qaar ka mid ah martida
    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Robert F. Kennedy Jr. (midig) oo ay kaxeeyeen ciidanka ammaanka
    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Martida oo hoos galaya miisaska
  15. War deg deg ah, “Dhammaan dadka aan ilaalino waa badqabaan” – Sirdoonka Maraykanka

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha, marwada koowaad, iyo dhammaan dadka kale ee ay ilaaliso Hay’adda Sirdoonka waa badqabaan, sida uu sheegay afhayeenka hay’adda, Anthony Guglielmi.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in hal qof—oo aan la ogeyn xaaladdiisa—la hayo oo la xiray.

  16. War deg deg ah, Trump oo lagala cararay Aqalka Cad kadib markii rasaas la maqlay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu dhexda kaga jiray hadal ka socday hotelka Washington Hilton markii uu kasoo dhex galay buuq ka dhacay miiska Aqalka Cad.

    Dhawaaqyo xooggan ayaa la maqlay, waxaana kadib xubno ka tirsan sirdoonka ay madaxweynaha ka kaxeeyeen goobta iyagoo ku qaylinaya “hoos u jiifta, hoos u jiifta”.

    Stephen Miller, oo ah lataliyaha sare ee Trump, ayaa la arkayay isaga oo laga soo galbinayo dadka dhexdiisa loona kaxaynayo bannaanka goobta. Inta badan ka qeybgalayaashii kale markii hore hoos ayay u foorarsadeed intii buuqu socday, balse waxay ku sii nagaadeen gudaha ka dib markii madaxweynaha laga kaxeeyay meesha.