You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Washintong

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump ayaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ku soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoon diyaaradeed oo militari oo ku dhow Washington.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iran oo digniin u dirtay dalalka deriska ah ciddii qayb ka noqota cunnaqabateynta diyaaradaheeda lagu soo rogay

    Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa uga digay dalalka deriska ah inay ku biiraan cunaqabateynta Mareykanka ee lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran.

    Wuxuu sheegay in haddii dalalkaasi taageeraan cunaqabateynta, garoomadooda diyaaradaha ay sidoo kale wajihi karaan in duulimaadyadu istaagaan.

    Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in wada-hadallada iyo kulamada dhinacyada shirka Qaramada Midoobay aysan ahayn wada-hadal rasmi ah, balse ay yihiin oo keliya is-dhaafsiga mowqifyada. Wuxuu sheegay in Iran ay wadato toddobo shuruudood, isla markaana aan marinka Hormuz dib loo furi doonin ilaa shuruudahaas wax laga beddelo ama laga qaado.

  2. War deg deg ah, Qarax weyn oo laga maqlay koonfurta Lubnaan

    Qarax weyn ayaa xalay ruxay magaalada Khayyam iyo deegaannada ku xeeran ee koonfurta Lubnaan.

    Wakaaladda wararka dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxu dhacay wax yar kadib saqdii dhexe, iyadoo xooggiisa laga dareemay deegaanno ka fog goobta qaraxa.

    Ilaa hadda lama oga sababta qaraxa ama cidda ka dambeysay.

  3. War deg deg ah, Madaxweynaha Iran oo lagu yiri jooji "weerarrada dalalka Khaliijka"

    Madaxweynaha Golaha Yurub, Antonio Costa, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ugu baaqay inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah dalalka deriska ah, isla markaana la xaqiijiyo xorriyadda buuxda ee maraakiibta mara marinka Hormuz.

    Costa ayaa sheegay in kulankooda New York uu ahaa mid “miro dhal ah oo muhiim ah”, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wada-hadalku yahay waddada keliya ee lagu xallin karo khilaafaadka laguna xaqiijin karo nabad waarta gobolka.

    Wuxuu sidoo kale Iran ugu baaqay inay dib u bilowdo iskaashiga ay la leedahay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA), isagoo sheegay in Midowga Yurub diyaar u yahay inuu taageero dadaallada diblomaasiyadeed ee arrimahaas lagu gaarayo.

  4. War deg deg ah, Madaxweynaha Shiinaha oo warkaan sheegay saacdo kadib markii Trump si cajiib ah u soo dhaweyay

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ugu baaqay Shiinaha iyo Mareykanka inay noqdaan iskaashi wadaag halkii ay ka noqon lahaayeen kuwa xafiiltama, saacado kadib markii uu Washington ku tagay booqasho rasmi ah.

    Xi ayaa sheegay in danaha labada dal ay si weyn isugu xiran yihiin, ayna tahay inay iska kaashadaan arrimaha muhiimka ah, iyadoo uu jiri karo tartan xaddidan.

    Inta lagu gudo jiro booqashada saddexda maalmood ah, waxaa la filayaa in Trump iyo Xi ay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, sirdoonka macmalka ah, Taiwan iyo Iran.

    Labada dal ayaa sidoo kale kordhiyay xabbad-joojinta ganacsi ee dib u dhigtay dhaqan-gelinta canshuuraha waaweyn ee Mareykanka, waxaana hadda la kordhiyay ilaa Janaayo.

  5. War deg deg ah, Garsoore Mareykank ah oo maamulka Trump amar ku soo rogay

    Garsoore Mareykan ah ayaa amray in maamulka Donald Trump inuu dib ugu soo celiyo Aqalka Cad saddex warbaahin oo waaweyn: CNN, MSNow iyo Politico.

    Garsooruhu wuxuu sheegay in mamnuuciddooda ay u muuqato inay ka hor imanayso Dastuurka Mareykanka.

    Trump ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in saddexda warbaahin laga mamnuucayo Aqalka Cad, taas oo keentay inay dacwad ka gudbiyaan maamulka, iyagoo sheegay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday sababo la xiriira wararkooda.

    Warbaahino kale oo waaweyn ayaa iyaguna joojiyay tebinta dhacdooyinka Aqalka Cad, iyagoo ka baxay nidaamka warbaahinta wadajirka ah ee halkaas ka shaqeeya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  6. War deg deg ah, Mareykanka oo muwaadiniintiisa Itoobiya ku sugan digniin u diray iyo xaaladda gobolka Tigray

    Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire.

    Ethiopian Airlines ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii tagayay ama ka imaanayay saddexda garoon, iyadoo aan la ogeyn goorta dib loo bilaabi doono.

    Safaaradda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inaysan u safrin Tigray iyo Afar, halka kuwa ku sugan gobolladaas lagu boorriyay inay goobaha ay joogaan ku sugnaadaan ilaa xaaladdu ammaan caadi noqonayso.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  7. War deg deg ah, War cusub: Askartii Mareykanka ee Bariga Dhexe loo diray oo qaarkood sameyay ficillo naxdin leh

    Ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, Hong Kao, ayaa sheegay in siddeed askari oo ka tirsan shaqaalaha markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln ay isku dayeen inay isdilaan intii uu socday howlgal dheer.

    Kao ayaa warqad uu u diray Senator Kirsten Gillibrand ku sheegay in markabku, oo ay saarnaayeen ku dhowaad 5,000 oo qof, uu wajahay culays ka dhashay howlgalka oo dheeraaday, xaalado adag iyo cadaadis maskaxeed.

    Wuxuu sheegay in markabka ay saarnaayeen wadaaddo ciidan iyo khubaro caafimaadka dhimirka ah, halka siddeedda qof ee isku dayay inay isdilaan ay ka kala tirsanaayeen shaqaalaha markabka iyo cutubyo kale oo taageerayay.

    Markabka Abraham Lincoln ayaa Bariga Dhexe loo diray bishii November ee sanadkii hore, isagoo qayb ka ahaa howlgallada milatari ee Mareykanka, waxaana hadda uu ku soo laabanayaa Mareykanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  8. War deg deg ah, Ciidamada Isreal oo saaka weerar ku qaaday Daanta Galbeed

    Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay saaka weerareen magaalada Tamoun ee Daanta Galbeed ee la haysto.

    Sida ay Wafa sheegtay, ciidamada Israel ayaa magaalada galay iyagoo wata dhowr gaari oo milatari, waxayna baaritaanno ka sameeyeen guryo ay leeyihiin dadka deegaanka.

    Tamoun waxay ku taallaa koonfur-bari magaalada Tubas ee Daanta Galbeed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. War deg deg ah, Wasiirrada dalalkoodu dagaalku ka socda oo kulmay

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine Andriy Sibiha ayaa sheegay inuu magaalada New York kula kulmay dhiggiisa Iran, Cabbaas Caraqji, intii uu socday kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Sibiha ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen tallaabooyin lagu yareynayo xiisadaha, isla markaana ay ku heshiiyeen in ay sii furnaadaan waddooyinka wada-xiriirka.

    Waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo Yurub, iyo dadaallada socda ee nabadda. Sibiha ayaa sheegay inuu mar kale xaqiijiyay mowqifka Ukraine ee ah in sida ugu dhaqsaha badan loo gaaro nabad iyo xasillooni labada gobol.

    Xiriirka Kyiv iyo Tehran ayaa xumaaday kadib eedeymo sheegaya in Iran ay Ruushka siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Iran ayaa dhankeeda Ukraine ku eedeysay inay weerartay markab ganacsi oo Iiraan leedahay oo ku sugnaa Badda Caspian-ka.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Pakistan oo duqeymo culus ka gaysatay dalka Afghanistan iyo xiisadda labada dal oo sii xoogeysanaysa

    Milatariga Pakistan ayaa sheegay inuu duqeymo cirka ah iyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla Afghanistan, isaga oo ka jawaabaya weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dhowaan laga soo qaaday gudaha Afghanistan.

    Pakistan ayaa Arbacadii sheegtay in difaaca cirka ay soo rideen siddeed diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo hawadeeda ka soo galay Afghanistan. Afar ayaa lagu soo riday meel u dhow xadka Torkham, halka afarta kalena lagu soo riday dhul buuraley ah oo u dhow Kohat.

    Islamabad ayaa sidoo kale sheegtay in duqeymo ay dhowaan ka fulisay bariga Afghanistan lagu dilay 28 dagaalyahan. Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah lagu dilay weerarradaas.

    Xiisadda labada dal ayaa sii korortay, kadib weerarro xuduudaha isaga gudba iyo eedeymo is-dhaafsi ah oo ku saabsan kooxaha hubeysan. Dowladda Taliban ayaa beenisay eedeymaha Pakistan ee ah inay hoy siiso kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Islamabad.

  11. Maxaa illaa iyo hadda ka ognahay Booqashada madaxweynaha Shiinaha

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Maraykanka, halkaas oo uu shir muhiim ah kula yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Liiskan hoose waa qodobada muhiimka ah ee ku saabsan imaanshaha Xi ee Maraykanka iyo wadahadallada toddobaadkan dhacaya:

    • Maraykanka iyo Shiinaha ayaa heshiis ka gaaray in ay kordhiyaan xabbad-joojinta dagaalka ganacsi, taas oo markii hore ku ekaan lahayd bisha Nofeembar, balse waxaa hadda la kordhiyay ilaa ugu yaraan 10-ka Janaayo.
    • Markii Madaxweyne Xi iyo xaaskiisu ay diyaaradda kasoo dageen, waxaa lagu soo dhaweeyay roog cas. Madaxweyne Trump iyo marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa iyaguna goobta joogay si ay si shaqsi ah u soo dhaweeyaan lamaanaha.
    • Xi Jinping ayaa bayaan qoraal ah oo uu jeediyay ku sheegay in Shiinaha iyo Maraykanku ay noqonayaan “lamaanayaal halkii ay iska soo horjeedi lahaayeen”, sida ay werisay warbaahinta dowladda Shiinaha.
    • Sida ay qortay wariyaha BBC-da ee Shiinaha, Laura Bicker; Trump iyo Xi waxa ay isku dayayaan in ay maareeyaan xiriir adag oo u dhexeeya labada dal, midkood ayaa hadalladiisa iyo soo dhaweyntiisa uga muujinaya dhinaca kale si ka xamaasad badan,
    • Booqashada Xi waxay sidoo kale Trump u keeni kartaa dhaleeceyn kaga timaadda taageerayaashiisa MAGA, sida uu qoray weriyaha Aqalka Cad ee BBC-da, Bernd Debusmann Jr.
    • Xi waxaa safarkan ku weheliya qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Shiinaha, oo ay ku jiraan Cai Qi, oo ka mid ah xubnaha ugu dhow Xi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi.
    • Madaxda waaweyn ee shirkadaha tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah ee Maraykanka ayaa Khamiista ka qaybgeli doona casho sharafeed ay wada joogaan labada hoggaamiye.
    • Weli ma cadda in madaxda shirkadaha Shiinaha ay qayb ka yihiin wafdiga Xi, iyadoo la sheegay in Xi uu u arki karo ka qaybgalka madaxda ganacsiga Shiinaha arrin khatar ku ah Beijing.
  12. Booqashada Xi ee Washington waa kulankiisii labaad oo fool-ka-fool ah ee uu sanadkan la yeesho Trump

    Labada hoggaamiye ayaa markii ugu dambeysay bishii May ku kulmay Shiinaha, halkaas oo Trump uu Xi uga helay soo dhaweyn heer sare ah oo xaflad rasmi ah lagu maamuusay, taas oo ka dhacday Hoolka weyn ee Dadweynaha ee Beijing. Waxaa sidoo kale la riday salaan madaafiic ah, waxaana koox muusig ay qaaday heesta calanka qaranka Mareykanka.

    Laakiin marka laga tago xafladaha iyo muuqaallada diblomaasiyadeed, shirkii wuxuu soo saaray natiijooyin la taaban karo oo kooban, marka laga reebo heshiis ay Shiinuhu ku iibsanayeen 200 diyaaradood oo Boeing ah iyo dhowr ballanqaad oo dhinaca ganacsiga ah, oo ay ku jirto in beeraleyda Mareykanka loo fududeeyo inay badeecooyinkooda ka iibiyaan suuqa Shiinaha.

    Falanqeeye Pattie Kim ayaa booqashada ku tilmaantay mid “ballanqaadyo la taaban karo ay ku yar yihiin”.

    Iyadoo la hadlaysay Machadka Brookings, Kim waxay sheegtay in ka hor shir-madaxeedka ay jireen “walaac badan oo laga qabay in Trump uu qaadi karo tallaabo wax looga beddelayo siyaasadda Mareykanka ee Taiwan, arrintaas oo Shiinuhu muddo dheer doonayay.”

    In kasta oo arrintaasi aysan dhicin, Trump ayaa shirkii kaddib wareysi uu siiyay Fox News uga digay Taiwan inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay ka madax-bannaan tahay Shiinaha.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale si weyn u ammaanay Xi, isaga oo wariyeyaasha kula hadlay diyaaradda Air Force One kaddib booqashadii, wuxuuna yiri: “Madaxweyne Xi waa nin cajiib ah. Waan is fahannay, waxaana sameynay heshiisyo ganacsi oo badan oo wanaagsan".

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  13. War deg deg ah, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Washintong

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa Arbacadii fiidkii waqtiga magaalada Washintong uga qeyb-galay munaasabadda lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa Peng Liyuan, xilli ay ka soo degeen saldhigga militariga Andrews ee ku dhow Washington. Weriyeyaashu soo dhaweynta waxay ku tilmaameen mid “aan caadi ahayn".

    Bernd Debussman Jr., oo ah weriyaha BBC-da ee Aqalka Cad, kana qaybgalay munaasabadda ka dhacday saldhigga ciidamada cirka ee Andrews, ayaa sheegay in xaflad milatari oo aad u ballaaran loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha Shiinaha.

    “Waxaan tebiyay kulamo badan oo ay yeesheen madaxda dalalka, oo ay ku jiraan madaxda dalalka xulafada la ah Mareykanka iyo saaxiibbada muhiimka ah ee Mareykanka ee Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, balse habka loo qabtay xafladdan lama mid ahayn wax aan horay u soo arkay,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in marka madax shisheeye ay booqasho rasmi ah ku yimaadaan Mareykanka, ay caadiyan ka soo galaan albaabka waqooyi ee Aqalka Cad, halkaas oo ay maraan saf ay taagan yihiin ciidamo milatari oo dareys ah. Trump ayaa inta badan ku soo dhaweeya albaabka garabka galbeed ee Aqalka Cad.

    Kulamada aan sida rasmiga ahayn, madaxdu mararka qaar waxay ka soo galaan albaab dhinaca ah oo u dhexeeya Aqalka Cad iyo Dhismaha Xafiiska Fulinta, halkaas oo aysan warbaahintu si toos ah uga arki karin.

    Dhab ahaantii, tani waa markii ugu horreysay tan iyo 1962-kii ee madaxweyne Mareykan ahi uu si shaqsi ah hoggaamiye shisheeye ugu soo dhaweeyo saldhig milatari. Sannadkaas, madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas John F. Kennedy ayaa saldhig milatari ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii Britain Harold Macmillan.

    Soo dhaweyntan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Donald Trump siinayo booqashadan, waxayna sidoo kale si weyn uga tarjumaysaa arrimaha muhiimka ah ee labada dhinac ay u baahan yihiin inay ka wada hadlaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin sirdoonka macmalka ah, ganacsiga, dagaalka Iran iyo sheegashada muddada dheer ee Beijing ee ah inay Taiwan leedahay.

    Sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Aqalka Cad, waxaa xusid mudan in Trump uusan helin soo dhaweyn noocan oo kale ah markii uu bishii May ee sannadkii hore booqday Shiinaha.

  14. Iran iyo Kuuriyada Koonfureed oo heshiis ku kala saxiixday shir-madaxeedka QM

    Sida ay sheegeen wakaaladaha wararka rasmiga ah ee Iraan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan Cabbaas Araghchi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed Cho Hyun ayaa Arbacadii, 21-ka Oktoobar, heshiis ku saabsan wareejinta maxaabiista labada dal ku kala saxiixday, iyaga oo ku kulmay dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Heshiiskan ayaa saameyn ku yeelan kara kiis muran dhaliyay oo dhawaan soo baxay, kaas oo laba xubnood oo ka tirsan xulka qaranka Iran ee ciyaaraha fudud lagu xukumay xabsi muddo gaaban ah, kaddib eedeymo la xiriiray faraxumayn galmo oo loo geystay haweeney ku sugan Kuuriyada Koonfureed.

    Bishii Juun ee sanadkan, oo ku beegnayd 1404-ta Hijriyada qorraxeed, ayaa la soo sheegay in Kuuriyada Koonfureed ay xirtay dhowr ciyaartooy iyo tababare ka tirsan xulka qaranka Iran ee ciyaaraha fudud, kaddib markii lagu eedeeyay faraxumayn galmo oo ay hotel ugu geysteen haweeney u dhalatay dalkaas.

    Dadka la xiray ayaa maxkamad la soo taagay bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaana laba ka mid ah lagu helay dambiga lagu soo oogay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Sidee ayey usoo dhaweeyeen siyaasiyiinta Iraan khudbaddii Madaxweyne Pezeshkian ee Qaramada Midoobay?

    Mas’uuliyiin sare, siyaasiyiin muxaafid ah iyo madaxweyne ku-xigeen hore oo ka tirsan garabka dib-u-habaynta ayaa ammaanay khudbaddii Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, uu Arbacadii ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Falcelinnada ayaa inta badan diiradda lagu saaray difaaca uu Pezeshkian u sameeyay Iraan iyo jawaabtii uu ka bixiyay hadallada madaxweynaha Maraykanka.

    Dhanka kale, siyaasiga Mohammad Ali Abtahi ayaa soo dhaweeyay xoojinta uu madaxweynuhu khudbaddiisa ku sameeyay muhiimadda wada-hadalka. Ammaantan ayaa timid kaddib dhaleeceyn loo jeediyay fadhigii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Abbas Araghchi, uu la yeeshay ergeyga Maraykanka Steve Whittaker.

    Khudbaddiisa, Masoud Pezeshkian wuxuu Maraykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay gardarro iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida Iran u qabto awood ku filan oo ay isku difaacdo, isaga oo sheegay in Tehran ay weli diyaar u tahay wada-hadal, balse aysan u hoggaansami doonin cadaadis ama xoog.

    Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha baarlamaanka Iran oo hoggaaminayay wada-xaajoodyadii Iran ee lagu gaaray is-afgaradkii Islamabad bishii Juun, ayaa qoraal ku baxay afka Ingiriisiga oo uu ku daabacay barta X ku sheegay in Pezeshkian uu “u hadlayay magaca ilbaxnimo 3,000 sano jirtay, ee uusan kaliya u hadleyn dowlad.”

    Waxa uu madaxweynaha ku tilmaamay “cod awood leh oo muujinaya geesinimada, adkaysiga iyo awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Mohammad Mokhbar, oo ah la-taliye u ah hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in Masoud Pezeshkian uu yahay “wakiil iyo cod mudan oo matalaya dhammaan dadka Iran”, isaga oo ammaanay “difaaciisa go’aanka leh ee ku dhisan caqli iyo dood” ee uu u sameeyay dalkiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  16. War deg deg ah, Taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay Saravan

    Taliye ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan (IRGC) ayaa lagu dilay iska horimaad dhex maray ciidamada dowladda iyo rag hubaysan oo ka dhacay magaalada Saravan.

    Taliska Quds ee gobolka ee IRGC ayaa Arbacadii, xaqiijiyay in Sarreeye Guud Hossein Zarifi, oo ahaa taliyaha xarunta hawlgallada “Shahid Sajjad” ee Saravan, lagu dilay rasaas ay fureen rag hubaysan.

    Sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Iraan, waxaa sidoo kale iska horimaadka lagu dilay shan nin oo hubaysan, waxaana “meesha ay ku dhuumaalaysanayeen kooxdan hubaysan laga helay hub iyo tiro rasaas ah.”

    Dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha hubaysan ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay gobollada dalka Iiraan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. War deg deg ah, Maraykanku oo xaqiijiyay geerida askari kale oo ka tirsan ciidamadiisa.

    Milatariga Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in askari ka tirsan ciidamadiisu uu ku dhintay magaalada Dooxa ee dalka Qadar. Sargaalkan ayey sheegeyn in uusan ku dhiman dhibaato dagaalka Iiraan kasoo gaaray.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon), Kabtan Bianca C. Wilkerson oo 37 jir ahayd, kana soo jeeday Norfolk, Virginia, ayaa dhimatay shan maalmood ka hor, 18-kii Sebtembar.

    Faahfaahinta dhacdadii sababtay geerida Kabtan Wilkerson ayaa la sheegay inay weli baaritaan ku socoto. Sida ay Pentagon-ku sheegtay, Wilkerson oo geerideeda kaddib loo dallacsiiyay darajada Major, waxay ka howlgeli jirtay xarunta taliska Ciidanka Dhexe ee Mareykanka (U.S. Army Central Command) iyo Ciidanka Saddexaad, oo fadhigoodu yahay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Shaw Air Force Base ee gobolka South Carolina.

    Sida ku cad tirooyinka Pentagon-ka, tani waa askarigii 19-aad ee Mareykan ah ee dhinta tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iraan. Tiradan waxaa ku jira dhimashooyinka ka dhashay “howlgallada dagaalka ama howlgallada aan dagaalka ahayn”.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in tirada ciidamada Mareykanka ee dhaawacmay ay ka badan tahay 800.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. War deg deg ah, Maamulka Tigrey oo iska fogeeyey eedeyntii Safaaradda Maraykanka usoo jeedisay

    Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya ayaa TPLF ku eedeysay inay qaaday weerar militari oo ballaaran. Bayaan ay maanta, 23-ka Sebtembar 2026, soo saartay, Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin J. Massinga ayaa sheegay inuu “niyad-jab ku noqday inuu arko hoggaanka TPLF, oo Mareykanku horraantii sanadkan cunaqabateyn saaray, oo qaatay go’aan khaldan oo ah inay bilaabaan weerar ballaaran".

    Dhanka kale, hoggaanka gobolka Tigray ayaa si adag u diiday eedeymahaas. Madaxweyne ku-xigeenka gobolka, Amanuel Assefa, ayaa qoraallo uu baraha bulshada ku daabacay ku tilmaamay hadallada Danjiraha kuwo “niyad-jab weyn leh”, isaga oo ku eedeeyay ergayga Maraykanka iyo Midowga Afrika inay iska indhatireen saameynta duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada cirka ee joogtada ah ee ay fulinayso waxa uu ku tilmaamay “maamul kali-talis ah”.

    Waxa uu sheegay in duqeymahaasi ay Tigray ku sababeen “khasaare badan oo rayid ah”, isaga oo sidoo kale iftiimiyay xaaladda boqollaal kun oo qof oo gudaha dalka ku barakacay, kuwaas oo ku nool xeryo ku-meelgaar ah. “Way adag tahay in la fahmo sida eedda sidan loogu wareejinayo dhinac kale loogu tixgelin karo caddaalad,” ayuu Amanuel ku qoray qoraalkiisa, isaga oo intaas ku daray in walaaca laga qabo dhexdhexaadnimada diblomaasiyiintu uu weli yahay “arrin aad u walaac badan.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  19. Qodobada uu ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay meertada 81-aad oo ka socota New York, ajandayasha waxaa ka mid ah dagaalka Ukraine.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa kulanka ka jeediyay hadallo, waxaana kuwan ah qodobadii ugu muhiimsanaa:

    • Waxaan diyaar u nahay wada-xaajood lagu doonayo in lagu gaaro nabad caddaalad ah oo Ukraine ah.
    • Yurub waxay doonaysaa oo keliya xabbad-joojin ay uga faa’iidaysato inay maamulka Kyiv siiso waqti uu dib ugu dhiso awooddiisa militari.
    • NATO waxay ka aamustay tallaabooyinka uu qaaday maamulka Kyiv.
    • Yurub ayaa mar kale diidday wixii lagu heshiiyay Anchorage, waxayna isku dayday inay ka laabato intii lagu jiray wada-hadalladii Istanbul.
    • Kulamadii dhexmaray Whitkoff iyo Kushner waxay xaqiijiyeen rabitaanka Washington ee ah in xal laga gaaro arrinta Ukraine.
    • Ma joojin doonno hawlgalka militari ee gaarka ah ee Ukraine, halka Yurub ay doonayso xabbad-joojin ay uga faa’iidaysato inay hub ku siiso maamulka Kyiv.
    • Hawlgalkayagu wuxuu ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo danaha amni ee Ruushka iyo in la dhowro xuquuqda dadka ku hadla afka Ruushka ee Crimea, Donbas iyo guud ahaan Ukraine.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  20. Maraykanka oo ka hadlay xiisadda ka tagan gobolka Tigray ee Itoobiya

    Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa soo sartay bayaan ay kaga hadashay xiisadda ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

    “Waxaan ka xumahay inaan arko hoggaanka TPLF, oo Maraykanku cunaqabateeyay horaantii sanadkan, inuu maanta qaatay go’aan daciifnimo oo ah inuu bilaabo weerar ballaaran.”ayaa lagu qoraalka safaarada.

    Bayaanka wuxuu intaa ku daray in “Diidmada wada-hadalka uu Midowga Afrika garwadeen ka yahay, kaas oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Obasanjo, iyo ku lug yeelashada dagaal aan guul laga gaari karin waxba uma tarayaan shacabka.”

    Safaaradu waxay u jeedisay kooxaha kale ee hubeysan waxaa u wanaagsan inay ka fogaadaan arrintan.

    “Inkastoo Maraykanku haysto awood uu cunaqabateyn ugu soo rogi karo hoggaamiyeyaal kale oo isku daya inay Itoobiya u riixaan waddo qaldan, haddana waxaan weli aaminsanahay in wada-hadal siyaasadeed oo macquul ah uu yahay waddada saxda ah ee loo maro.”ayuu inta ku daray bayaanku.

    Maamulka Tigray ayaa ku dhawaaqay inay ciidamada Tigray farayaan inay iska caabiyaan waxa ay ku tilmaameen weerar iyo duullaan ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen gobolka. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada Tigray ay bilaabeen hawlgallo dagaal oo difaac ah. Sida bayaanka lagu sheegay, go’aankan wuxuu yimid kaddib weerar ay ciidamada Itoobiya qaadeen Arbacadii.

    Dhanka kale La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) inay weerar cusub ku qaadday fariisimaha dowladda ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada.

    Bayaan uu soo dhigay baraha bulshada, Getachew wuxuu yiri: “Hoggaanka TPLF ayaa saaka aroortii qaaday weerar ballaaran oo lagu qaaday fariisimaha dowladda ee Canfarta iyo Amxaarada.” Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay dhacday iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan dhinacyo gudaha iyo kuwo caalami ah oo looga hortagayo in colaadda Tigray dib u soo noqoto.