Hubka nukliyeerka Iiraan ma laga heshiiyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.
Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in dib loogu furo marinka Hormuz.
Dhanka kale Iiraan ayaa ogolaatay in aysan samaysan ama soo iibsan hubka Nukliyeerka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la tacaalaan uranium-ka la tanaadiyey ee Tehran ay horey u heysatay.
Habka loo maareynayo maadooyinkaas ma cadda. Dukumeentigu wuxuu xusayaa in habka "lagu heshiin doono si labada dhinacba u cuntanta" wadahadalada xiga, waxaana dusha ka ilaalin doonta Hay'adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.
Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay "halbeegga ugu yar" iyo "guul weyn" oo u soo hoyatay Maraykanka.
Trump ayaa sheegay in ka hortagista Iiraan in ay haysato hubka Nukliyeerka ay tahay "99%" waxa uu rabo markii uu bilaabayey howlgalka Epic Fury horaantii sanadkan.
Maadaama uu Maraykanku ku tilmaamay heshiiska mid ku salaysan waxqabad, qaadidda cunaqabataynta ee lagu qeexay qodobka 7 waxay ku xiran tahay Iiraan iyada oo raacaysa qodobka 8.
Sidoo kale akhri






