TOOS, Malaayiin qof oo ka qeyb galayo munaasabadda aaska Ayatollah Khamanei

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa si cad uga maqnaa aaska aabihiis, iyadoo mas'uuliyiin sare ay ku biireen kumanaan qof oo ka qeyb galay aaska Ayatolah Cali Khamnei

Kooban

Tebin toos ah

  1. Gabadhi uu jeclaa ayaa nin kale guursatay isna wax aysan fileyn ayuu hadiyad uga dhigay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Salma iyo Latesh arooskooda waxaa uu mar qura si lama filaan ah uga baxay jawigii farxadda waxa uuna isu baddalay murugo kaddib markii uu qarax dhacay.

    Harish Dalvi ayaa ka sheekeeyay dhacdadan oo khuseysa gabadhiisa mar dhow la guursaday iyo ninkeeda, oo ah wiilka uu sodogga u yahay.

    "Rajesh waxa uu gabadheyda curadda ah ku khiyaanayay jacayl been ah muddo toddobo sano ah. Waxa uu horay u dhalay gabar, balse ma uusan guursanin gabadheyda. Gabadheyda yar ayuu usoo dhiibay boombale ay ku dhex jirto bambo," ayuu yiri.

    "Hadiyadda islamarkii la furayba waxaa qaraxday bambadii, wiilka aan sodogga u ahayna labada indhood ayuu beelay. Maxaan samayn karaa hadda... Waxaan hal il oo ka mid ah indhahayga u bixin karaa wiilka aan sodogga u ahay," ayuu kusii daray.

    Aabahan waxa uu sheegay in falka naxdinta leh uu dhacay maalintii ku xigtay maalinta uu arooska dhacay, markaasoo la furfurayay hadiyadaha.

    Boombalaha ay bambada ku qarsanayd waxa uu ku dhex jiray hadiyadaha la furayay, markii uu qarxayna wuxuu sababay in ninkii caruuska ahaa ay labada indhood ka dhacaan, dhaawac culusna waxa uu ka gaaray gacanta.

    Harish Dalvi, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuulada Meendhabhari ee ka tirsan degmada Navsari ee gobolka Gujarat, waxa uuna leeyahay labo gabdhood.

  2. Madaxweynihii hore ee Iiraan oo ka qayb galay aaska Cali Khamenei oo ka dhacaya Tehran

    .

    Xigashada Sawirka, MORE

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta Iiraan ayaa daabacday sawir muujinaya madaxweynihii hore ee Iiraan, Maxamuud Axmedinajad oo ka qayb galaya muaasabadda aaska maanta ee Ayatollah Cali Khamenei oo ka socota magaalada Tehran.

    Axmedinejad lama arag tan iyo dagaalkii dhawaan dhexmaray Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, kaas oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday agagaarka gurigiisa.

    Mudane Ahmadinejad waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii muranka dhalisay ee 2009, isaga oo madaxweyne ah, waxaa xabsiga la dhigay Mir Hossein Mousavi, Zahra Rahnavard, iyo Mehdi Karroubi.

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda Iiraan ee Tehran, iyagoo ka qaybgalaya aaska hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, Ayatollah Cali Khamenei, kaas la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan bishii Febraayo.

    Kadib markii meydkiisa lagu sagootiyey xarunta weyn ee cibaadada Grand Mosalla ee Tehraan, naxashkiisa ayaa hadda lagu wadaa waddo qiyaastii toban kiiloomitir ah oo dhex marta magaalada.

    Sidoo kale akhriso

  3. 9-ka waddan ee heysta hubka Nukliyeerka. Ka akhri qaybta commentiga👇🏾

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kadib duulaanka Ruushka ee Ukraine, barnaamijka BBC-da qeybta xaqiiqo raadinta ayaa sanadkii 2018 diiradda lagu saaray halka uu yaalla hubka Nukliyeerka iyo cidda heysata guud ahaan caalamka.

    Iyada oo la sheegayo in hubka Nukliyeerka ah uu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo dagaalkii qaboobaa, boqollaal madax oo nukliyeer ah ayaa muddo kooban gudahood lagu ridi karaa, khubarada ayaa sheegaya in waddan kasta oo hubka Nukliyeerka heysta uu qorsheynayo sidii uu ku cusboonaysiin lahaa hubkaas.

    Waddamo badan ayaa qarsaday hubka Nukliyeerka, laakiin waxaa la og yahay inay jiraan sagaal waddan oo leh in ka badan 9000 oo hubka Nukliyeerka ah.

    Hubkan waxaa laga yaabaa in la dhigay meelo kala duwan - oo berriga ah, badda, iyo qaar kale oo badan oo laga yaabo inay yaallaan xeryo ciidan.

    Ilaa 1800 oo hub nukliyeerka ah ayaa heegan la geliyey waxaana laga yaabaa in digniin la'aan la rido.

    Maraykanka iyo Ruushka ayaa heystaa tirada ugu badan hubka nukliyeerka ah ee adduunka

    Maxay dalalkan kaliya ah u sameysteen Nukliyeerka?

    Tan iyo 1970-kii, ilaa 191 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa saxiixay heshiisyo ku saabsan arrimaha hubka nukliyeerka . Hindiya, Israa'iil iyo Pakistan ma aysan saxiixin heshiiska, Waqooyiga Kuuriya waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.

    Heshiiska oo ku caan baxay NPT wuxuu xusay shan dal oo ay kamid yihiin Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Shiinaha kuwaas oo dhamaantood tijaabiyey hubka Nukliyeerka ka hor inta aan la dhaqangelin heshiiska.

  4. Tirada dhimashada Ebola ee Congo oo sare u dhaaftay 500 oo qof

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ay hadda sare u dhaaftay 500 qof.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay, in ilaa hadda dalka laga xaqiijiyay in ka badan 1,500 kiis oo cudurka Ebola ah.

    Dhanka kale, waxaa hadda ka socda tijaabo caafimaad oo lagu qiimeynayo laba daawo oo cusub oo weli tijaabo ah, kuwaas oo loogu talagalay nooca Ebola ee sababay faafitaankan dhimashada badan leh.

    Tijaabadan ayaa ka socota gobolka bari ee Ituri.

  5. Puntland oo ku adkeysatay in aan maalgashi kalluumeysi laga sameyn karin xeebaheeda

    Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mar kale soo saartay hadal qoraal ah oo ay ku adkeyneyso go'aankeeda ay ku diiddan tahay in shirkado shisheeye ama hay'ado si gaar loo leeyahay ay biyaha Puntland ka fulin karaan howlgallo kalluumeysi.

    Shrikadaha ay diiddan tahay ayay ku sheegtay inay ka mid tahay shirkadda Turkiga laga leeyahay ee SomTurk, taas oo dhowaan heshiis kalluumeysi la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay amarkaas usoo saareen ay tahay "in heshiisyadaas aysan u waafaqsaneyn dastuurka dalka."

    "Sideedaba heshiiskan hadda arrimaha kalluumeysiga tusaale ahaan wuxuu kasoo horjeedaa dastuurka. Kulligood waxay muujinayaan inay u ektahay in sidii loo xaraashayay dhulalkii ku yaallay Muqdisho si la mid ah loo araashayo kheyraadka dalka," ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray inaysan jirin hab cad oo loo maray heshiisyadaas.

    Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xumaa, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku diiddan yahay ay tahay wax ka beddelka dastuurka, oo sidoo kale ay kasoo horjeesteen qaar ka mid ah maamul-goboleedyada kale ee dalka.

  6. Awooddi ciidamada cirka ee Soomaailya iyo halkii ay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka. Ka akhri faallada hoose👇🏾

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

    Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

    Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

    Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

    Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977

    Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.

    Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa.

    Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa.

  7. Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16

    .

    Xigashada Sawirka, ذریعہBAYKARTECH

    Qoraalka sawirka, .

    Daroonka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar Kizil ayaa la sheegay in ay meel fog ka bartilmaameedsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 mar la tijaabinayay gantaalada hawada laysku weydaarsado. Arrintan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray dhinaca difaaca.

    "Waxaan dhidibbada u taagnay waa cusub oo taariikhi ah…Turkiga waxa uu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee meel sare ka gaara taariikhda duulista" ayuu yiri Selcuk Bayraktar oo ah guddoomiyaha iyo madaxa shirkadda Bayraktar.

    Nidaamka loo yaqaan BVR oo ah kan raadaarada ku soo helaan diyaaradaha, waxaa loo adeegsadaa goobaha dagaalka marka diyaarad ama gantaal meel fog laga soo tuurayo lagu duqeynayo meel aan loo jeedin.

    Hadii goobta la beegsanayo aan la arkeyn, waxaa loo yaqaan BVR. Marka la doonayo in la duqeeyo goobahaas aan la arkeyn waxaaa la adeegsadaa Radar.

    Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga waxaa la filayaa in militeriga ay qeyb ka noqdaan sanadkan 2026-ka.

    Bayraktar Kizilma waa diyaarado ka hooseeya raadaarka, waxaana ku rakiban qalab casri ah oo lagu arki karo diyaaradaha cadawga ayagoo aan ogeyn in la ugaarsanayo, joogana meel fog.

    Sida ay sheegtay shirkada Biker, waxay sheegtay diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 in ay ka qeybqaateen iyagoo jooga meel 50 kilomitir ka fog. Shirkada waxay sheegtay hadii ay dagaal sax ahaan laheyd in diyaarada la soo ridi lahaa.

    Dadka falanqeeya arrimahan waxay aaminsan yihiin in diyaaradaha daroonka Turkiga ee ka soo duuli kara maraakiibta ay gaari karaan xawaare sare mustaqbalka, ayna ka fulin karaan howlgal sahan badda Mediterranean iyo gobolka Aegean.

  8. Ugu yaraan 10 qof oo ku dhintay weerarro culus oo uu xalay Ruushku ku qaaday Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dadka deggan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa mar kale wajahaya habeen ay hareeyeen weerarro cirka ah oo dhimasho sababay, kadib markii Ruushku uu ku qaaday magaalada Kyiv iyo nawaaxigeeda mowjado gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay weerarrada, iyadoo mid ka mid ah uu ku geeriyooday degmada Bucha, halka in ka badan afartan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan sidii ay u gaari lahaayeen dad ku xaniban gudaha saddex dhisme oo dabaqyo ah, kuwaas oo qayb ahaan dumay.

    Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa biyaha ka soo dhaaminaya webiga magaalada si loo damiyo dababka ka kacay goobaha la beegsaday.

    Moscow ayaa sheegtay in ay qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumo la xiriira warshadaha difaaca ee Ukraine, iyadoo ku tilmaantay jawaab ay ka bixisay weerarro badan oo ay Ukraine ku qaaday warshadaha sifaynta shidaalka ee gudaha Ruushka.

    Dhanka kale, gobolka Crimea ee uu Ruushku haysto, korontada ayaa ka go'day magaalada Sevastopo,l kadib weerar ay Ukraine ku qaaday kaabeyaasha tamarta ee u dhow magaalada.

    Sidoo kale akhriso

  9. Dadweyne tiro badan oo ku sii qulqulaya waddooyinka caasimadda Tehran

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda Iiraan ee Tehran, iyagoo ka qaybgalaya aaska hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, Ayatollah Cali Khamenei, kaas la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan bishii Febraayo.

    Kadib markii meydkiisa lagu sagootiyey xarunta weyn ee cibaadada Grand Mosalla ee Tehraan, naxashkiisa ayaa hadda lagu wadaa waddo qiyaastii toban kiiloomitir ah oo dhex marta magaalada.

    Waxaa la filayaa in munaasabadda socodka aaska uu socdo in ka badan toban saacadood.

    Munaasabadaha rasmiga ah ee aaska ayaa billowday maalintii Jimcaha, waxaana la qorsheeyey inay socdaan lix maalmood, iyadoo ugu dambayn lagu aasi doono magaalada uu ku dhashay ee Mashhad maalinta Khamiista.

    Dad badan oo daacad u ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa isugu soo baxay Tehraan si ay uga qaybqaataan munaasabadahaas, kuwaas oo loogu talagalay inay muujiyaan midnimo, awood, iyo adkaysi.

    Sidoo kale akhriso

  10. Faa'iidada muhiimka ah ee quraacda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.

    Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.

    Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.

    Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.

    Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.

    Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.

    Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.

  11. Trump oo ka hadlay aaska Ayatollah Cali Khamanei

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Shabakadda wararka ee Axios ayaa soo xigatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo Sabtidii sheegay in wada-hadalladii nabadda la hakiyay muddo toddobaad ah sababo la xiriira munaasabadaha aaska.

    Sida ay sheegtay Axios, Trump wuxuu yiri iyadoo inta badan mas'uuliyiinta sare ee dowladda Iiraan ay ka qayb galayaan aaska, Mareykanku wuxuu "hal mar wada beegsan karaa dhammaantood." Wuxuu intaas ku daray: "Laakiin taas ma sameyn doonno, sababtoo ah markaas cid aan la xaajoonno ma jiri doonto."

    Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay inuu la yaabay markii uu arkay dadka reer Iiraan oo ooyaya, isagoo sheegay inuu u haystay in dadku ay necbaayeen Khamenei. Wuxuu yiri: "Waxaa laga yaabaa inay yihiin illin been abuur ah."

    Iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump, haweeney baroordiiqeysay oo lagu magacaabo Zahra Safaei, 50 jir ah, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay: "47 sano ka hor kacaan uma aynaan sameynin si aan ilmo been abuur ah u daadinno. Shuhadadaas oo dhan uma aynaan hurin nafahooda si aan ilmo been abuur ah u daadinno."

    Hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ka qayb galay aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore, hase yeeshee Mojtaba Khamenei kama uusan muuqan munaasabadda

    Sida ay weriyeen The Associated Press iyo The Guardian, qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalayay munaasabadda Axaddii ayaa ku dhawaaqayay baaqyo lagu dalbanayay geerida Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Intii lagu jiray gabay la tirinayay ka hor salaadda, gabayaa Mohammad Rasouli ayaa yiri: "Dilka Trump waa mas'uuliyaddeenna."

    Waxaa sidoo kale la maqlayay Rasouli isagoo hoggaaminaya hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen "Dhimasho ha ku timaaddo Mareykanka" iyo "Dhimasho ha ku timaaddo Israa'iil."

    Sidoo kale akhriso

  12. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  13. Aaska Khamanei oo maanta si rasmi ah u bilaabanaya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Aaska rasmiga ah ee Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa ka bilaaban doona Tehran Isniinta maanta ah.

    Qabanqaabada gaarka ah ee xafladda ayaa ku kalliftay mas'uuliyiinta magaalooyinka Tehran iyo Qom inay ku dhawaaqaan xeerar gaar ah oo ku saabsan taraafikada iyo diyaargarow ballaaran oo loogu talagalay soo dhawaynta ku meel gaarka ah ee tobanaan kun oo qof.

    Axaddii, Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ma uusan ka qayb gelin janaasada aabihiis, isaga iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ah.

  14. Kulan wacan akhaayaareey, ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta. Halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalidaba