Lionel Messi aabihiis ayaa u geeriyooday xanuun hayay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jorge, oo ah aabbaha Lionel Messi, ayaa geeriyooday isagoo 68 jir ah kaddib xanuun muddo dheer hayay.
Jorge, oo sidoo kale ahaa wakiilka ciyaaryahanka reer Argentina tan iyo markii uu 14 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladiisa Rosario ee dalka Argentina, saacadihii hore ee saakay.
Qoyska Messi ayaa hore u soo saaray qoraal ay ku sheegeen in Jorge uu wajahayo “xaalad la xiriirta caafimaadkiisa”, balse ma aysan shaacin nooca xanuunka ama xaaladda uu qabay.
Jorge wuxuu ka caawiyay wiilkiisa in uu noqdo, sida dad badan aaminsan yihiin, ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid. Wuxuuna joogay Qatar si uu u daawado Lionel oo 2022 ku guuleystay dadaalkiisii ahaa in uu Argentina ku hoggaamiyo hanashada Koobkii saddexaad ee Adduunka.
Messi wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or siddeed jeer, wuxuuna Barcelona la qaaday Champions League afar jeer, iyo sidoo kale 10 horyaal oo La Liga ah.
Jorge wuxuu taageeri jiray kooxda deegaankiisa ee Newell's Old Boys, Lionel-na wuxuu kooxda ku biiray isagoo toddoba jir ah.
Qoyska Messi waxay u guureen Spain bishii Febraayo 2001, kaddib markii Barcelona ay Lionel la saxiixatay heshiis isagoo 13 jir ahaa. Inkastoo Messi hooyadii iyo saddexdiisa walaalo ay wax yar kaddib dib ugu laabteen Rosario hadana aabbihii wuxuu la joogay Barcelona.
Sii akhri:











