Sirta magaalada Yurub ee u baahan Afrikaanka si ay ugu noolaadaan
Dukaan cusub ayaa bishii May laga furay waddada ganacsiga ee High Street ee magaalada Greenock, oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhaqaale ka jiray.
Dukaanka oo lagu magacaabo 'An African Store' ayaa magaalada Scottish-ka ah u keenay qayb ka mid ah dhaqanka iyo cuntooyinka Nigeria, isaga oo iibinaya baradho yam ah, muuska plantain-ka, okra iyo kalluunka catfish-ka.
Laakiin tani ma aha dukaanka kaliya ee Afrikaanka ah ee halkaas ku yaalla. Dukaanka kale ayaa dhowr mitir oo keliya u jira, waxaana uu daboolaa baahiyaha dadka deegaanka oo ay tiradoodu iyo kala duwanaanshahoodu sii kordhayaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in shan sano ka hor ay Greenock ahayd meel aan si badan loogu arki jirin dadka madow. Hase yeeshee, hadda boqolaal Afrikaan ah iyo qaxooti ah ayaa halkaas deggan.
Golaha deegaanka ayaa dhab ahaantii qorsheynaya in uu dhiirrigeliyo in dad badan ay yimaadaan oo degaan qaybtan galbeedka Scotland, si loo joojiyo hoos u dhaca joogtada ah ee tirada dadka magaalada.
"Dadka reer Scotland waa dad aad u wanaagsan oo si furan u soo dhaweeya dadka kale," ayay tiri Christiana Omilana, oo ah milkiilaha dukaanka Annick, taas oo UK timid sannadkii 2021.
Waxay intaas ku dartay: "Marka ay jiraan fursado shaqo, dadka soo-galootiga ah iyaga ayaa iskood u imanaya."
Tirada dadka ku nool Inverclyde ayaa hoos u dhacday 22,000 tan iyo sannadkii 1981. Tirada dadka hadda ku nool deegaanka ayaa ah 78,000, waxaana la saadaalinayaa in ay 16% kale hoos u dhacdo labadaatanka sano ee soo socda.
Wax ka qabashada hoos u dhaca tirada dadka ayaa ah mudnaanta koowaad ee golaha deegaanka. Si arrintan wax looga qabto, goluhu wuxuu doonayaa in marka hore dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo inay halkaas sii joogaan, halka dhinaca kalena uu doonayo in deegaanka lagu soo jiito dad cusub.