Wararkii ugu dembeeyey ee Nepal iyo Tibet iyo khasaaraha dhimashada oo kordhay

Xigashada Sawirka, Nepalese government
Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet ka dib markii daadad xooggan ay baabi'iyeen dhul xuduudeed Arbacadii.
Hay'adda Sahanka Juqraafiga ee Mareykanka iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa aaminsan in daadadkii xoogganaa, dhoobadii iyo dhagxaantii ay wadeeen ay sababeen baraf burburay oo dabadeed masiibada dhaliyey.
Nepal, ugu yaraan 675 qof ayaa ku dhintay, sida laga soo xigtay hay'adda ka jawaabista masiibooyinka ee dalka.
Waxay intaa raacisay in in ka badan 2,400 oo qof la la'yahay, in ka badan 18,700 oo samatabbixiye ahna la geeyay agaagaas.
Tibet, tirada rasmiga ah ee dhimashada waa toddobo, iyadoo 554 la sheegay in la la'yahay, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Shiinaha.
