Iiraan iyo Sacuudiga oo telefoonka ku wada hadlay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, oo ku sugan caasimadda Shiinaha, ayaa Beijing ka soo wacay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Faisal bin Farhan.
Barta Telegram ee Mr. Araqchi ayaa lagu sheegtay in wicitaankan, labada dhinac "ay ku nuuxnuuxsadeen sii socoshada waddada diblomaasiyadda iyo iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka si looga hortago soo ifbaxa iyo sii kordhinta xiisadda.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan taleefankan lama shaacin.
Shiinaha ayaa ah dhexdhexaadiyaha xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, kaasoo go'ay muddo toddobo sano ah ka dib weerarkii safaaradda Sacuudiga ee Tehran oo ay geysteen arday Basij ah.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ee Shiinaha ayaa ku soo beegantay ka hor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo dalkaas.
Sidoo kale akhri












