Horyaalka Champions League: Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain

Halkan kala soco baahinta tooska ah ee ciyaarta caawa dhex maraysa Paris Saint-Germain iyo : Bayern Munich iyo

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sawirro: Israa'iil oo duqayn ka gaystay oonfurta caasimadda Bayruut

    Israa’iil ayaa duqeysay xaafad ku taalla Dahieh, oo ku taalla koonfurta caasimadda Bayruut.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarradu ay ku wajahan yihiin in lagu khaarijiyo taliye ka tirsan Xisbullaah.

    Dad ayaa la arkayay habeenkii Arbacada iyagoo ku ururaya goobta si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay weerarka.

    Bayruut

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Bayruut

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Bayruut

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  2. Netanyahu: "Waxaan la hadlaa Trump ku dhowaad maalin kasta,”

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, ABIR SULTAN/EPA/Shutterstock

    Isagoo la hadlayay Israa’iiliyiinta kulankii golaha wasiirrada ee maanta ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu waxa uu sheegay in uu xidhiidh joogto ah la leeyahay Donald Trump—isla markaana uu qorsheynayo in uu mar kale la hadlo caawa.

    “Waxaan sii wadnaa xidhiidhka joogtada ah ee aan la leenahay saaxiibadeenna Maraykanka. Waxaan la hadlaa Madaxweyne Trump ku dhowaad maalin kasta,” ayuu yidhi.

    “Ma jiraan wax lama filaan ah,” ayuu yiri. “Waxaan wadaagnaa ujeeddooyin isku mid ah.”

    Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay in Trump uu aamminsan yahay in uu ku guuleysan karo dagaalka Iiraan islamarkaana burburin karo awooddooda nukliyeer “si kasta ha noqotee.”

    “Waxaan u diyaar garownay xaalad kasta,” ayuu yidhi.

  3. Trump oo rajo ka muujiyay wadahadal lala galo Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    waaxda warbaahinta ee Aqalka Cad ayaa si lama filaan ah loogu yeeray gudaha Xafiiska Oval oo uu ka socdo kulan kooban oo ay la yeesheen Donald Trump, isaga oo ay weheliyaan dhowr xiddig oo ka tirsan tartanka Championship, taas oo qayb ka ah dhacdo weyn oo la filayo 14-ka Juun oo lagu xusayo 250-guurada Ameerika.

    Trump ayaa ku adkeystay in wariyayaashu ku ekaadaan mowduuca, balse haddana wuxuu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Iran. Waxaan uu muujiyay mar kale rajo ah in xal wadahadal lagu gaari karo.

    “Waxay doonayaan in ay heshiis sameeyaan,” ayuu ku yiri dadkii qolka joogay. “Waxaan yeelanay wadahadallo aad u wanaagsan 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, waana suurtagal in heshiis la gaaro.”

  4. DHAMMAAD, Bayern Munich 1-1 Paris St-Germain (Gool-tirsi 5-6)

    Kooxda PSG ayaa iska xaadirisay dhammaadka Horyaalka Champions League. Waxaa sugaysa Arsenal.

  5. GOOOOOL - Bayern Munich 1-1 Paris St-Germain (gool-tirsi 5-6), Harry Kane

    Kane

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  6. , Bayern Munich 0-1 Paris St-Germain (gool-tirsi 4-6)

    Bayern Munich waxay sameeyeen 10 darbo, laakiin hal kaliya ayaa ku qummanaaa xagga goolka.

    Tani waxay muujinaysaa in inkastoo ay ay dadaal sameeyeen, haddana aanay abuurin fursado halis ah oo uu gool ku dhalan karo.

    Bayern

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  7. , Bayern Munich 0-1 Paris St-Germain (gool-tirsi 4-6)

    Paris Saint-Germain ayaan laga badin dhammaan kullamadii ay hoggaanka ciyaarta qabteen qaybta hore tan iyo bishii Abriil 2025-kii. Xilligaasi waxa garaacday Aston Villa, ciyaar ka tirsan Horyaalka UEFA Champions League (2-1 qeybta hore, 2-3 natiijada kama dambaysta ah). Waxay la mane tahay in aan laga badin 37 kulan.

  8. DHAMMAAD - QAYBTA HORE, Bayern Munich 0-1 Paris St-Germain (gool-tirsi 4-6)

    PSG vs Bayern

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda PSG ayaa sugaysa keliya 45 daqiiqo si ay isaga xaadiriso dhammaadka horyaalka. Waa ciyaartu ku dhammaato natiijada hadda.

  9. WAKHTIGA DHIMASHADA, Bayern Munich 0-1 Paris St-Germain (gool-tirsi 4-6)

    Natiijada ciyaarta weli waxba iska ma beddelin, iyada oo ay soo dhammaatay qaybtii hore. Waxa lagu daray laba daqiiqo oo dheeraad ah.

  10. Xog dheeraad ah oo ku saabsan goolka Ousmane Dembélé

    Goolka uu dhaliyay Ousmane Dembélé oo yimid laba daqiiqo iyo 19 ilbidhiqsi markii kla bilaabay ciyaarta ayaa noqday kan saddexaad ee ugu dhaqsaha badan taariikhda semi-finalka UEFA Champions League.

    Waxaa ka horreeya goolka Marcus Thuram oo uu u dhaliyay Inter Milan kulankii ay la ciyaarayeen Barcelona xilli ciyaareedkii hore (30 ilbidhiqsi), iyo kan Kevin De Bruyne oo uu u dhaliyay Manchester City kulankii ay la ciyaarayeen Real Madrid xilli ciyaareedkii 2021–22 (1:34).

  11. PSG oo durtaba jabsatay difaaca Bayern Munich

    Ciyaaryahanka Ousmane Dembele ayaa durtaba gool u dhaliyay kooxdiisa PSG, daqiiqadihii ugu horreeyay ciyaarta. Labada kooxood ayaa lugtii hore u soo kala baxay 4-5 ay ku soo barisay PSG.

    PSG

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  12. Bayern Munich vs Paris Saint-Germain

    Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonnaa ciyaarta caawa dhex maraysa Bayern Munich iyo Paris St-Germain.

  13. Maraykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabateynta ka qaado Eritrea xilli Badda Cas muhiim sii noqonayso

    Mareykanka ayaa diyaar u ah inuu ka qaado cunaqabatayntii saarneyd Eritrea, sida uu muujinayo dukumeenti gudaha ah oo laga helay dowladda Mareykanka oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters. Falanqeeyayaashu waxay go'aankan ku xireen muhiimadda juqraafiyeed ee dalkaas Afrika ku yaal, gaar ahaan meesha uu kaga yaallo marinka ganacsiga Badda Cas.

    Tallaabada Mareykanka ayaa la sheegay inay ujeeddadeedu tahay in la hagaajiyo xiriirka Eritrea, oo leh xeeb dheer oo ku taal Badda Cas kana soo horjeedda Sacuudi Carabiya, isla markaana farriin loogu diro Itoobiyada deriska la ah si aysan dagaal ula gelin Eritrea, oo muddo dheer ay colaad kala dhaxaysay, ayay yiraahdeen falanqeeyayaal.

    Dagaalka Iran iyo xiritaanka Marinka Hormuz, oo ku dhow xeebta bari ee Sacuudi Carabiya, ayaa sare u qaaday muhiimadda xakameynta Badda Cas, taas oo ah marin muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Mediterranean-ka iyo Aasiya.Halkan ka kahri faahfaahinta

  14. Dimuqraaddiga oo Trump ka raba in uu qiro sirta ah in Israel nukliyeer haysato

    Koox ka kooban 30 xubnood oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa diyaariyay warqad aan hore loo arag, iyagoo ka dalbanaya maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu si cad u qiro hubka nukliyeerka ee Israa’iil, inkastoo Israa’iil waligeed si rasmi ah u qiranin inay haysato hub noocaas ah, sida uu qoray wargeyska Faransiiska ee Le Figaro.

    Waxaa xusid mudan in Israel aysan ka mid ahayn wax heshiis ah oo ku saabsan xakameynta faafitaanka hubka nukliyeerka, balse lahaanshaha madaxyada nukliyeerka ayaa ah sir si weyn looga ogyahay gobolka.

    Warqadda ay xildhibaannada Dimuqraadiga ah u direen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa lagu yiri: “Ma samayn karno siyaasad isku xirnaan leh oo ku saabsan xakameynta faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe… annagoo weli sii wadna siyaasadda aamusan ee ku saabsan awoodda nukliyeerka ee mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan ee gobolka uu haysto.”

  15. Iran oo sheegtay in Shiinuhu soo afmeeri doono dagaalkii iyaga iyo Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi, oo Arbacadan booqanaya Beijing, ayaa sheegay in Tehran ay rajaynayso in China ay taageerto qaab-dhismeed cusub oo gobolka ah oo kaas ku aaddan “dagaalka joojin”, kaas oo ay la wadaagayaan Maraykanka iyo Israa’iil.

    Araghchi ayaa mar kale ku celiyay kalsoonida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku qabto Shiinaha, isagoo ku qoray barta X.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Tehran “ay rajaynayso in Beijing ay taageerto dhismaha qaab-dhismeed cusub oo gobolka ah oo isku dheelli tiraya horumarka iyo amniga.”

  16. Aasasihii warbaahinta caanka ee CNN oo geeriyooday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ganacsade warbaahineed oo caan ah Ted Turner, oo hormuud ka ahaa warbaahinta joogtada ah markii uu aasaasay kanaalka CNN, ayaa geeriyooday isaga oo 87 jir ah, sida shirkaddiisu sheegtay.

    Turner wuxuu bilaabay Cable News Network sanadkii 1980, isagoo ka dhigay kanaalkii ugu horreeyay ee si joogto ah u baahiya warar (rolling news), taas oo si degdeg ah u noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah warbaahinta caalamka.

    CNN markii hore way la tacaashay caqabado, balse waxay qiimaheeda muujisay iyadoo si degdeg ah u tabinaysay dhacdooyin waaweyn sida isku daygii dilka ee Ronald Reagan (1981) iyo musiibadii dayax-gacmeedka Space Shuttle Challenger (1986).

    Shabakadda ayaa si dhab ah u caan baxday intii lagu jiray dagaalka bariga dhexe ee Gulf War, iyadoo si toos ah uga warbixinaysay Ciraaq.

    Madaxweyne George H. W. Bush ayaa xitaa sheegay mar inuu CNN ka bartay wax ka badan intii uu ka bartay CIA-da.

  17. Kuuriyada Waqooyi oo dastuurkooda ka saaray qodob muhiim u ahaa labada Kuuriya

    Kuuriyada Waqooyi ayaa wax ka beddeshay dastuurkeeda si ay Kuuriyada Koonfureed ugu qeexdo dal gooni ah, isla markaana uga saarto tixraacyadii hore ee ku saabsanaa mideynta labada dhinac.

    Wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap News Agency ayaa sheegtay in tallaabadan ay si rasmi ah u muujinayso isbeddelka siyaasadeed ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, kaas oo u jeestay siyaasad cusub oo lagu tilmaamay “laba dal oo colaad ah”.

    Dastuurka la cusboonaysiiyay ayaa sidoo kale North Korea ku qeexaya Kim Jong Un inuu yahay “madaxa qaranka” (head of state), taas oo sii xoojinaysa awooddiisa siyaasadeed.

  18. Thailand oo dalxiisayaasha dalkeeda war ka soo saartay

    Thailand ayaa sheegtay inay adkeyn doonto kormeerka dhaqanka dalxiisayaasha kadib dhacdooyin xidhiidh ah oo ay ajaanib ku galeen falal galmo oo ka dhacay meelo fagaare ah, taas oo la sheegay inay waxyeello u geysatay sumcadda dalka.

    Tani waxay daba socotay dhacdo Isniintii ka dhacday Phuket, halkaas oo lamaane lagu arkay iyagoo fal galmo ku sameynaya tuk-tuk gudaheed taas oo taagnayd meel dalxiiska caan ku ah.

    Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in booqdayaasha muujinaya dhaqan aan habboonayn — oo ay ku jirto isticmaalka daroogooyinka sharci darrada ah — la hor keeni doono sharciga.

  19. Trump oo sheegay in dagaalku dhammaan doono haddii Iran heshiis gasho

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Boggiisa Truth Social ayuu ku sheegay in dagaalka iyo cunaqabataynta lagu hayo Iiraan ay ku dhammaan karaan heshiis, balse duqeymaha ay sii xoogeysan karaan haddii Iiraan aysan aqbalin.

    Haddii Iiraan “ay oggolaato inay hurto wixii lagu heshiiyay” — taas oo uu ku tilmaamay “qiyaas weyn” — markaas howlgalka loo yaqaan Operation Epic Fury wuu dhammaan doonaa, ayuu sheegay.

    Trump wuxuu sidoo kale intaas ku daray in cunaqabataynta Maraykanka ay “u oggolaan doonto marinka Hormuz inuu u furnaado qof walba, oo ay ku jirto Iiraan.”

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku hanjabay in duqeymaha dib loo bilaabi doono haddii Iiraan aysan oggolaan heshiis, isagoo sheegay inay markaas noqon doonaan “si murugo leh, kuwo aad uga xoog badan oo ka daran kuwii hore.”

  20. Sarkaal booliis ah oo ka warramay hawlgal haraaga meydka bini'aadam looga soo saarayo caloosha yaxaaska

    Sarkaal booliis ah ayaa dib u xusuustay daqiiqaddii laga soo dejiyay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah isagoo lagu sii daayay webi ay yaxaaso ku badan yihiin oo ku yaalla Koonfur Afrika, taasoo qayb ka ahayd hawlgal lagu soo saarayo haraaga meyd bini'aadam ah.

    Kabtan Johan Potgieter ayaa loo xil saaray qabashada yaxaas la tuhunsanaa inuu cunay ganacsade uu qaaday daad.

    "Yaxaasku wuxuu ag yaallay jasiirad… runtii ma jirin waddo kale oo lagu gaari karo marka laga reebo hawada," ayuu u sheegay BBC.Halkan ka akhriso sheekadan oo faahfaahsan