Maxaa ka jira in Iiraan ay adeegsato hoombarooyin is-miidaamiya?

Hoombaro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Shir jaraa'id oo uu qabtay Pentagon Talaadadii ayaa lagu weydiiyay su'aal ah in Iiraan ay isticmaasho hoombarooyin is-miidaamiya.

Wariye ka tirsan The Daily Wire ayaa arrintan weydiiyay Pete Hegseth, oo sheegay in aanu xaqiijin karin ama beenin karin, balse Iiraan aanay haysan.

Janaraal Dan Caine ayaa isna sheegay in aanu maqal warar noocaas ah, isagoo ku tilmaamay mid u ek sheekooyin mala-awaal ah.

Hadalladan waxay la xidhiidheen maqaal ay daabacday The Wall Street Journal oo sheegay in go'doominta badeed ee Mareykanku muujisay goldaloollooyin ku jira istaraatiijiyadda Iiraan ee Hormuz.

Hoombaro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbixin ay daabacday The Wall Street Journal ayaa sheegtay in Iiraan ay suurtagal tahay in ay adeegsato hub aan hore loo isticmaalin oo ay ku jiraan hoobarooyin miinooyin xambaarsan iyo in Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaasi uu ku hanjabay goynta fiilooyinka internet-ka ee Marinka Hormuz.

BBC-da ayaa hore u sheegtay in Iiraan ay iibsatay hoombarooyin hore uga tirsanaa ciidanka badda ee Soofiyeetka. Xayawaannadan ayaa loo tababaray weerarro millitari, balse markii dambe waxaa loo iibiyay Iiraan sababo dhaqaale aawadood.

Guud ahaan 27 xayawaan ayaa laga qaaday Sevastopol lana geeyay Gacanka Carbeed, kuwaas oo qaarkood loo tababaray in ay weeraraan gujisyada ama ay carqaladeeyaan.

Askari caawinay hombaro ka soo baxday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askari caawinay hombaro ka soo baxday

Hoombarooyinka tababaran ayaa la sheegay in ay fulin karaan weerarro is-miidaamin ah oo ka dhan ah maraakiibta, iyagoo qaada miinooyin ku qarxa marka ay ku dhacaan gidaarrada maraakiibta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wargeyska Komsomolskaya Pravda ayaa xilligaas qoray in cilmi-baarista Boris Zhurid ay ahayd mid millitari, wuxuuna hoombarooyinka ku tilmaamay "calooshood u shaqeystayaal", isagoo sheegay in Iiraan ay hub hore oo qarsoon kaga iibsatay Ukraine qiimo jaban. Zhurid wuxuu sheegay in aanu garanayn waxa loo adeegsan doono, balse uu mudnaanta siinayo daryeelka xayawaannadiisa.

Marka laga reebo Ruushka, Mareykanka oo leh barnaamij millitari oo badeed oo ka socda San Diego ayaa ah dalka kale ee si weyn ugu caan ah tababarka hoombarooyinka. Warar aan rasmi ahayn ayaa sidoo kale tilmaamaya dadaallo dalal kale ay samaynayaan sida Kuuriyada Waqooyi.

Si kastaba, Ruushka iyo Maraykanka ayaa weli leh barnaamijyada ugu horumarsan uguna da'da weyn ee adeegsiga xayawaannada badda. Waxaa la sheegay in Ruushku kordhiyay isticmaalka hoombaooyinka millitari ee Sevastopol tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, si looga hortago gujisyada loona ilaaliyo maraakiibta Badda Madow.

Ciidammada Dadda Maraykanka ayaa ilaa beri fog isticmaali jiray hoombarooyin si ay uga caawiyaan hawlgallada badda, gaar ahaan ogaanshaha miinooyinka iyo walxaha qarxa ee biyaha hoostooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoombaradu waa xayawaan u dhego-nugul qaadashada amarrada

Akbar Hashemi Rafsanjani ayaa buuggiisa xusuus-qorka Islaaxaat dar Bohran ku qoray dhacdooyinkii dhacay hadda ka hor.

Wuxuu sheegay inuu booqday beer ku taalla koonfur-bari jasiiradda Kish Island, oo uu leeyahay Hossein Sabet. Halkaas waxaa laga dhisayay barkado xayawaanno badeed, waxaana laga keenay Ukraine xayawaanno ay ka mid yihiin libaax-badeed, foks, hoombarooyin iyo kuwo kale, iyadoo khubarro Ukraine ah ay la socdeen si ay u tababaraan dadka Iiraan.

Rafsanjani wuxuu xusay in xayawaannadu ay muujiyeen xirfado la baray, halka masuulka guud uu beeniyay warar sheegayay in si millitari loo tababaray (sida miino dhigista ama ka saarista), isagoo sheegay in arrintaas maxkamad loo gudbiyay.

Waxa kale oo uu faahfaahiyay in xayawaannadu guud ahaan yihiin kuwo caqli badan oo aan khatar ku ahayn dadka, cunto ahaan ay cunaan kalluun iyo cuntooyin badeed oo kale, islamarkaana qaarkood ay muddo cayiman ku neefsan karaan biyaha hoostooda. Inta badan waxaa laga keenay biyo qabow, sidaas darteedna barkadaha waa in la qaboojiyo xilliga kuleylka.